Hargeysa: Dowladda Hoose oo 500 Qoys ka rartay Jidka 150-ka oo dhisme Casri laga wado

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Hoose ee magaalada Hargeysa, ayaa maanta ololihii ugu ballaadhnaa ka fulisay Jidka 150ka ee magaalada Hargeysa oo dhismaheeda gacanta lagu hayo.

 

Ololahan oo uu horkacayo Maayarka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid iyo masuuliyiin kale oo dowladda hoose ka tirsan, waxa lagu binneeyey jidkan 150-ka iyadoo laga raray 500 qoys oo tobanaankii sanno ee u dambeeyey dhex deggenaa Waddada.

 

Qoysaska oo u badnaa dad danyar oo jidka dhexdiisa ka samaystay Guryo sandaqado iyo cooshado ka samaysan, ayaa loo raray dhul bannaan oo dhinaca Galbeed ee Caasimadda ku yaalla, iyadoo qoys walba la siiyay dhul ay degaan.

 

Faahfaahinta warkan ka daawo muuqaalka hoose