Generaalkii Hoggaaminayey afgembigii dhicisoobay ee Ethiopia oo la dilay iyo Wararkii u dambeeyey ee xaaladda dalkaas

Addis Ababa (SLpost)- Wararka laga helayo dalka Itoobiya oo aanu ka soo xigannay wakaaladaha caalamka, ayaa sheegaya in la dilay Jeneraal Asaminew Tsige oo la sheegay inuu ka dambeeyay iskudaygii Afgembi ee ka dhacay gobolka Amxaarada, Janaraal Asamnew Tsige ay toogteen ciidammada booliska dalkaas.

 

Jeneraalka ayaa la sheegay in lagu dilay deegaan u dhaw goobtii uu weerarka ka dhacay Sabtidii todobaadkan.

 

Generaal Asaminew Tsige

 

Sarkaalkan ayaa la rumeysan yahay inuu hoggaaminayay afgembigii dhicisoobay ee lagu dilay madaxweynihii maamulka Amxaarada iyo madaxii ciidammada Itoobiya.

 

Janaraal Asaminew Tsige ayaa kamid ahaa saraakiishi militariga aheyd ee xabsiga laga sii daayay sannadkii lasoo dhaafay kaddib markii dowladdii hore ay cafis u fidisay maxaabiis arrimo siyaasadeed u xidhnaa, waxaanay arrintani ka dambeysay cadaadis dowladda la saaray.

 

 

Asaminew Tsige ayaa muddo 9 sanno ah xidhnaa, waxaana xilliggaas lagu eedeeyay inuu qorsheynayay afgembi ka dhan ah dowladda. Ninkan ayaa ka soo horjeeda fekerka Federaalka ah ee nidaamka dowladnimada Ethiopia ku dhisan tahay. Haseyeeshee, Raysawasaare Abey ayaa markii talada dalka qabsaday waxa uu u magacaabay inuu noqdo madaxa amniga ee gobolka Amxaarada.

 

Waa Kuma General Asaminew?

Dowladda Ethiopia ku eedeeysay madaxii ammaanka gobolka Amxaarada Janaraal Asaminew Tsige inuu ka dambeeyay isku daygii afgembi ee ka dhacay gobolkaas.

 

Sida aanu ka soo xigannay wakaaladda wararka ee Reuters, saraakiisha ugu sarreysa maamulka Amxaarada ayaa Sabtidii markii uu weerarka dhacayay ka arrinsanayay tallaabooyin uu waday Janaraalka oo ahaa inuu qoranayay ciidamo maleeshiyaad ah.

 

Janaraal Asaminew Tsige ayaa dadweynaha gobolka Amxaarada kula taliyay bishan inay hubka qaataan, sida lagu sheegay muuqaal laga soo duubay oo baraha bulshada lagu baahiyay, waxaana dadkii arkay muuqaalkaas kamid ahaa weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters.

 

 

Wararkii uu dambeeyey ee xaaladda Ethiopia

Waxa maanta geeriyooday Xeer ilaaliyahii Guud ee gobolka Amxaarada Itoobiya Migbara Kebede oo u dhintay dhaawac kasoo gaadhay weerar lagu tilmaamay isku-day af-gembi oo Sabtidii todobaadkan ka dhacay magaalada Bahir Dar ee xarunta Ismaamulka Amxaarada.

Madaxweynihii Maamulka Amxaarada ee la dilay

Dowladda Federaalka waxay ku tilmaantay weerarkaas isku day afgembi oo ka dhan ahaa maamulka Amxaarada.

Xeer ilaaliyahan ayaa ku dhaawacmay weerar ay ku dhinteen madaxweynihii maamulka Amxaarada iyo la taliyihiisi oo xilliggaas ku sugnaa xafiiska maamulka.

 

Guud ahaan dalka Ethiopia waxa maanta laysugu soo baxay Baroor-diiq loo sameeyey Masuuliyiinta la laayey.

 

Gen Seare Mekonnen’s, Taliyihii Guud ee Milatariga Ethiopia ee la dilay

Calanka dalka Itoobiya ayaa hoos loo dhigay, teleefishanada waxay baahinayaan farriimo tacsiyo ah iyo baaq nabadeed oo ay jeedinayaan madaxda gobollada iyo dowladda federaalka. Hoggaamiyeyaasha diimaha ayaa ku baaqay in loo midoobo ilaalinta nabadgelyada.

 

Xubnaha ka tirsan Aqalka sare ee baarlamaanka Itoobiya ayaa joojiyey kal-fadhi ay yeelan lahaayeen maanta kaas oo la filayay inuu khudabad ka jeediyo Raysal-wasaare Abiy Axmed.

 

@Wakaaladaha Wararka

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net