Somalilandpost | News and Analysis

GARNAQSI MADAXWAYNE: Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal

Marxuum CigaalMadaxmeyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ayaa soo hordhigay golaha baarlamaanka Somaliland 17kii Diisember 1997kiiis-casilaad.Sida dastuurku dhigayo fadhigu wuxu ahaa mid wada jir ah oo labada gole baarlmaan ay wada fadhiyaan, codayntana waxa qeexaya qodobka 110aad. Goluhu waxa uu u qaaday codaynta iyada oo ay fadhiyeen 129 mudane. Go’aankii goluhu waxa uu noqdey: 3 Haa (aqbal casilaad), 124 Maya (ku celin), Shirguddoonkuna ma uu codayn (labada guddoomiye), ma jirin cid ka aamustay. Maalintii codaynta ka dib ayuu Madaxwayne Cigaal u jeediyey qudbaddan fadhi wada jira ee saddexda gole baarlamaan (Guurtida, Wakiillada iyo Xukuummadda). Codka oo aan dhammaystirnayn waxa aan ka qorey barmaamij uu diyaariyey Telefishinka  HCTV.

– Jama Musse Jama, Hargeysa, November 2016.

’Bismillaahi Raxmaani Raxiim. Asalaamu Calaykum Wa Raxmatu’llaahi Wa Barakaatu.

Waxaan doonayaa in aan aad iyo aad idiinkaga mahadnaqo, een istiqaaladii aan dorraato idiin keenay,sidii aad ka yeesheen iyo sharafkii aad igu sharifteen in aan sii joogo meeshan.(Sacab).

Waan aqbalay sii jooggaas.(Sacab) – Waxaanse doonayaa in aan idiin sheego laba hal mid uun warqaddii aan idiin keenay igagama iman; mid weeyaane igagama imanin fudayd iyo wax aanan ka fiirsan idiinma aanan keenin oo anaa sababteeda idiin danbayn siin doona aan ku keenay. Mid kalena igagama imanin oo qiimodarro madaxnimada laydiin madaxa yahay; ee dalkan reer Somaliland madaxnimadoodu inay ila madmadow dahay,oo ila yartahay na oo aanan qiimo iyo qaddarin siinayna, sida la leeyahay, kuma aanan keenin. Qiimo wayn bay ila leedahay, xafiiska aan joogohawl baan u joogaa. Dadka ku dhaggan ee Wallaanan ka kacayn leh ma ahi.Laakiin joogista iyo madaxnimada iyo sharafkaad i saarteen qiimo wayn oo wax walba aan Ilaahay iyo wajigiisa ahayn ba igala wayn, ayuu ila yahay madaxnimada dalkan aad ii dhiibteen. Markaa wax aan yaraystay oon qiimo tirayana ma ay ahayn.

Saddex arrin baa u sabab ahaa.Waan idiin horraysiiyey aqbalkii wixii aa iisoo jeediseen. Sharafkii aad i sharafteen.Anigoo quruurka suuqa laga sheegayo, aniga layga sheegayo aanuu igu jirin.‘’Wuxuu is moodayaa in aan cid kale meesha qabankarin’’:halkay fadhiyaan raggii qaban kari lahaa, suuqay boqollaal joogaan, debedday innoogu maqanyihiin, Ilaahay inagama dhigo dal nin qudha leh Ilaahay inagama dhigo mana nihin. Mana nihin. Waxa weeye qiimo iyo qaddar aa aniga i qaddariseen – amaba hawl hore oo aan qabtay aad igu qaddariseen; amaba dhib hore iisoo gaadhay aad qaddariseen, amaba dadka inta aanu isku san bannaanahay, waddaninimo iyo nasteexo dalkan iyo dadkiisa ah oo aa iga uriseenba ha noqotee, qiimo aad aniga i qiimayseenoo i qaddariseen baa aniga iigusoo celiseene rag la’aan, la iigumasoo celin anna uma qabo, haddaan u qabana waxay ila tahay umaba qalmeen in aad igusoo celisaan, haddaan sidaa qabo – (sacab).

Saddex arrin baa igu kalifay oo aan u keenay: waxa weeye koobiyo sagaankii, ayaynu qalad aynu lixdankii samaynay aynu doonnay in aynu saxno. Waxa jira gabay carabi ah oo la yidhaahdo; ‘’Dukhuulil mar’u fii shabakaati sahlun, walaakinna ta’amulu fil khul’’: dhibyaribaa lagu galaa shabakad, si yar, tallaabo yar oo dhifa baa lagu galaa, shabaka lagu gala, laakiin dhibtu waxay timaadaa ka bixida, marka laga baxayo shabakada kugu maranto. Lixdankii si yar oo hawlyar, ayaynu Xamar u tagnay.Hawlyaridii hawlyarideedii kaga iman mayno, oo kalasoo noqonmayno waxaynu lixdankii gaynay ee aynu tuurnay, hawlyari kula soo noqonmayno hawlyarida hawlyarideedii .Waxa weeye markaa sagaashankii iyo kowdii, wixii aynu bilownay waxay ahaayeen wax wayn oo innooga baahan raganimo, curcur, isku xidhnaan, wadajir iyo casmi aynu kulligeen la wada nimaadno. Koobiyo sagaashankii, raggii aa ka keenteen in ay ku dhawaaqaan inay Somalilandlasoo noqotay madaxbannaanideedii iyo siyaadadeedii iyo dawladnimadeedii iyo qaranimadeedii, raali kamay ahayn. Waakuwii iyaguba sheegay, Cabdiraxmaan baa u hadlay waa kii uu sheegay, maantana waakuwa Xamar ka bug le, ka orinaya Xamar. Iraaddada shacbigan iyo dadkan, ayaa lagula soo noqday oo sanka lagaga tolay, oo lagu kallifay inay ku dhawaaqaan intay istaagaan inay yidhaahdaan ‘’Axmed Maxamed Siilaanyaa – maalintii halkan uu Cabdiraxmaan yimaa ayuu yidhi waar waan ku barbar dhiyey, markii aadku dhawaaqaysay, xabad halkaa lagaaga hayana ma ogayn, oo xabad halkaa lagaaga hayana ma arkayne goormaad isbedeshay? Waxan aad ku hadlayso’’

Yacnii iraadadii shacbiga ayaa shalay markaanu gaynaynayna gaysay, oo anoo anigu diiddan –waanka hadlayaa mawduucaas oo war badan baa suuqa jooga ayaan doonayaa maanta in aan reebo e, oo waanka hadlayaa mawqifkaan ka taaganahay anigu arrinkaa–shalaytona iraadadii shacbigaa dabada inala qabtay, biduun qayd walaa sharad geeya halkan ayaa la yidhi, halkaa maanta lagu buuqaya ee dibadana saasaa looga buuqaayey, oo walibana ka buuq badnayd maalintaasi, oo dhagaxaan la haystay. Waxay ila tahay raggu da’aa ma qirtoo nin qudhaa ka qirtaye, Cabdi Waraabe ayaa ka war hayey, Cabdi Waraabe ayaa raggii joogay ahaa. Iraaddada shacbiga ayaa shalayna lagu tagay, koobiyo sagaashankiina lagaga soo noqday, oo lagaga yimi.

Dhagax bay ahayd lixdankii, koobiyo sagaashankiise takniko iyosuuse ayay ahayd. Suu iyo Kalaankishoof baa la isla barbar taagnaa. Cara soo baxa ayay ahayd idinkoon ku dhawaaqin.Nidaamkan aynu qaadanay, ee aynu nidhi aynu ku socono oo xukuumadeenu haku dhisnaato, waxa weeye nidaam shacbiga ninkii masuul ahiba uu masuul yahay, saddexda gole ee halkan wada fadhiyaa, mid waliba gaar ahaantii buu shacbiga uga masuul yahay. Ninkii xumaan wada iyo kii samaan wada shacbigaasay u masuul yihiin oo wixii ay xumaynayaan ka xumaynayaan.Dimuqraadiyad marka la yidhaa shacbiga wax xukuma, haddii ay ka baxdo meesha xukuumaaddii shacbigu, oo kolba ninkii dho’dholaynaya ee makhaayad ka dho’dhole inta la wada dhagaysto loo qoslaayo,nidaamkii aynu qaaddanay dee waa inaga waynaadoo soconmaayo. Dhulka caalamka dimuqraadiga ah, waxa weeye shacbigiisa, ayaa qaladka iyo saxa, xaqa iyo baaddilka kala sheega. Ninna shacbigu wax aanuu oggolayn kuma kaco, ama Madaxwayne ha ahaado, ama mid jariirad qora ha ahaado, ama mid mucaarid ah ha ahaado, ama mid wasiir ah, ama se mujaahid ama xildhibaan ha ahaadee. Nin waliba shacbigiisii shalay meesha keenay, barrina uu ku noqon doono, oo uu odhan doono isiiya, ayaa u kaydinaya waxa uu sameeyo.Makhaayadda nin walba loogama qoslee “waar naga aamus” baa la yidhaa, baadilkii iyo xaqii haddii ay isku qaldamaan, oo mid walba inta la dhagaysto loo qoslo, anna aan ahaadee, nin wal oo masuuliyad haya iyo mid suuqa jooga oo muwaadin ahba, haddii aan wixii baadilkii iyo xaqii aanuu shacbigii siyaadadu saarayd . . . . .

Waxay ka bilaabantay dawladnimadu dad boqoro ah, soofm baa la odhan jiray, saaxibu siyaada. Ninkaa boqorka ah baa siyaadada lahaa. Shacbigu wuxuu wax u dirto ee uu ku dhaqmayo ayuunbuu ku shaqayn jiray. Illaahay baa dadkaa igmaday bay odhanjireen markaa wakhtigaas boqoradu jireen, boqorada Ilaahay baa boqra bay odhan jireen oo, wuxuu haystaa wakaalad Ilaahi ah. Dadka inta kale ninkaa saa siyaadada shacbiga oo dhan watay, inta kale wixii uu kala baxo ayuunbaa kala shaqayn jiray. Tadawurkii ku dhacay markaa cilmigii siyaasiga ahaa, kolba meel aysoo gaadho ba, mar baarlaman uu isagu doorto, oo layidhaahdo hala qaybsadeen siyaadada, marba tallaabo ay soo qaadaba aakhirkii waxay noqotay in laga wadi waayey in siyaadada iyo xukun waxa u danbeeya iyobuteeram wuxuu yahayba uu kusoo ururo shacbiga. Oo shantii sano, afartii sano, kolba muddadii laga dhigto, dadkii dib loogu noqdo oo lagasoo shidaal qaato.Oo iraadada la hordhigo.Aniga iyo Axmed aannu idiin wada nimaadno oo nidhaahno sidaasaan wax u wadaa ama sidaasaan wax u wadayaa. Cay inaydaan wax ku dooran, yaa cay badan hadaad wax ku doortaan, waxaad hesheen eed kaydsateen eed aad meel dhigateen waa cay iyo ceeb, laakiin waxaa ku kala doorataan waxa weeye  laba qof, laba xisbi, laba nin, laba oday oo leh ‘’anna xaggaasaan wax u wadayaa anna xaggaas ayaan wax u wadayaa’’ inaad kala doorataan markaa shacbiga in laga shidaal qaato sannadkiiba mar, muddadiiba mar, oo arrinkii gacantooda lagu celiyo,waxa weeye nidaamkaynu qaadanay wax aanuu ka maarmaynin.

Waxay iigu muuqatay markaa aniga; oo aad ii markhaati furaysaan oo aanan ku khaldanayn, oo dadka wixii xilkas ahaa oo dhami ka shala’ayeen oo ka qaylinayeen; in mabdi’ii aad mooddo in uu caad fuulay, oo shalayto, xataa laba iyo sagaashankii, halka markii ay innamadaa dhalinyarada ah ee imika ina ilaalinaya ee qoriga inoogu haysta ee waddanka maanta lagu fadhiyaa ee nabadda aynu hayno, iyo daganaanshaha iyagu u sababa. Bilays ha ahaadeen, milatari ha ahaadeen, iyo asluubta intaba, ciidanka inta inoo sidda, shalay markay waddooyinka fadhiyeen, wixii laga biqijiray, ee aan dawladi jirin, een waxba jirin. Wixii ama la biqi jiray, ninkii wax garanayaana ka xishoon jiray, ee ahaa guddoonkaynu koobiya sagaashankii ridnay, in aan la cambaaraynin. Inuu waxaad mooddaa caad fuulay mabda’aas oo la illaaway.Oo ay noqotay fasax, in xumaantii la buunbuuniyo, wanaaggii la daboolo, shaki la galiyo waxaynu u soconay in aynu gaadhi karno iyo inkale.

Waxaan halkan ku hayaa taar uu soo diray, qaybta boliiska ee laascaanood ninkii fadhiyey.Wuxuu ka cabanayaa, wuxuu yidhi ‘’warka Hargeysa nagasoo gaadhay, ee la leeyahay boliiskii Sool wuxuu ku biiray Soodaro, sal iyo raad meel uu ku leeyahay ma jirto.Ma sidaasaa nalooga war daranyahay?ma waxaasaa naloo qabaa?’’ Xiisad wayn iyo xanaaqbaa galay boliiskii oo waar ma sidaasaa nala leeyahay,ma halkaasaannu joognaa, ma saasaa  naloogawar daranyahay, miyaannaan dalka ka mid ahayn?

‘’Waakaa taarkii, ninkii akhrisanaya maxadiinnaan u dhiibayaa.’’

Waxa weeye, shalayto waxa la yidhi – waakaa maanta Daahir ila fadhiya –waxa layna yidhi Suldaankii Warsangaliinuu u yimaado Madaxwaynihii baa diidoo wuxuu yidhi maxaan kaasoo doonaa, kuma ictiraafsani Somaliland iyo adiga toona e. waakan e waydiiya – waxba kama jiraan. Waxa la yidhi Madaxwaynaha la sheegayaa, shalaytona foodkii lagu doortay waa iibsaday, maantana raggaa waarloodhada ee sowdka  lagu sheego wuxuu dhaamaa ma jirto, wuuka yara dan ballaadhan yahay uun. Laakiin warlord woorloodhadaas ka mida afkiisaa, ninkii gaadhay – saaday leeyihiin dadkaagii, saaxiibadaadii shalayto meesha wasiiro ka ahaa ama xildhibaano ka ahaa ayaa leh.Waxaan idhi waxan aad sheegaysaa maxay tahay.Dibedda dadkii inagaga yimi ee Soomaalida ahaa, waa ka baqayeenba Hargeysa markaaynu kasoo degnay garoonka.Baqaa nagu jiray ayay yidhaahdeen waayo sawirkaannu ka helay dalka wuxuu ahaa dad is haysta, oo iska soo horjeeda oo foodda is wada haysta oo gambooyin ku murmaya, wax waddaniyad ah, wax dal ah iyo wax dawlad kale ah oo jirayna aanu jirin, adiguna aad maalin walba, wax la yidhaahdo “ducaqabe” aad dabada kagala jirto oo maalin walba ka aad garanwaydo  ee sidaad doonto yeeli waaya, aad odhanayso ducaqabe i dhaaf.

Waa jirtaa rag aannu ku kala tagnay meesha, mana macnaynin anigu. Warqad qudha oo ducoqabe ah kuma aanan macnaynin, kumana aanan sheegin sababta aanku qoray warqaddaas, een ugu diray ciddaan u diraayey. Haddii layga rabo waan sheegayaa, oo laygu kallifo.Laakiin waxa la yidhi nin reer u wayn iyo naag naag ka umulisaa midna siduu wax u ogyahay inuu u sheego ma aha, wanaagnimo iyo walaalnimo inaynu ku wada dhaqano oo – ceebta Ilaahay baa yidhi waxan ahay qafuur iyo qafaar, midna waa danbi dhaafkii midna waa asturaad danbiga loo asturayey – marada in aan ka qaado oo nin wal oo meesha ka tagayaba la yooyootamo ceeb weeye. Haddiise layga rabo waan oggolahay, haddii laygu kallifo wan odhanayaa, nin aan sababli’i ku eryeyna ma jiro, sababdarri nin aan ducoqabe ku idhina ma jiro. Waxa la yidhaa ‘’ina Cigaal waa abaal daranyahay’’ – oo ma Geel baa layraacaa? Raggan leh wuu abaal daranyahay, ma Geel bay iiraacayeen?Ma Xeray ii oodayeen?Ma dhaanbay iisoo dhaaminayeen?Mabda baannu isugunimi, Somaliland aan dhisno, haddaanu kii isku af garanwaynay, abaalka layga sugayaa maxay tahay? Ma in aan Soomaali khiyaameeyo, oo ku daayo maqasalii ninka?Abaalka layga sheeganee la leeyahay wuu abaal daranyahay – anigu halkaa abaal ma kuu hayo.Waajibbaan ku hayaa.Xilbaan kuhayaa.Shaqaa la doonayaa. Ikhlaas baa la rabaa. Dalkan in la dhisaabaa la rabaa oo lagasoo saarohalkaan sheegaayey: ’Dukhuulil mar’u fii shabakaati sahlun, walaakinna ta’amulu fil khul’. Shabakaddii. Ka bixidda ayaa raganimo rabta halkaynu maanta kasoo baxayno.

Waakan . . ., nimankii halkan inoogu iman jirey, ee inna odhanjiray waa laydin xumeeyey oo waa ognahay oo wixii waa badalaynaayoo haddaynu ka wada hadlaynaaye, oo waxba xumaan maayaane inagadaaya rabashka ina odhan jiray. Waa layna dhagraayey.Kuwii xaggaa ugu tagay ee ay yidhaahdeen fadaraal baannu samaynaynaaye inoo kaalaya, Qaahira waxay ka yidhaahdeen fadaraal ma rabno.Waa baabi’iyeen fadaraalkii.Kuwii xaggaa waxay gurayaan mooji.Raggii fadaraalka sheegaayey ee halkan ku sheegayey, kuwa xagan ka wata iyo shalay lagu xayaysiinaayey jaraa’idka ‘’Soomalilander run ah baan doonayaa ee ta beenta ah ma rabo’’ ta runta ahi waa maxay? Waa fadaraal dee – diide raggaad lahayd fadaraal baan la samaysanayaa.Walaal ka qoraaya iyo kanow diide raggaad lahayd fadaraal baan la samaysanayaa. (Sacab)

Afarboqol iyo lix iyo lixdan kursi baa la qaybsaday, sagaashan kursi baa Waqooyi lagasoo siiyey oo waliba dad la magacaabay dadna la reebay, mooyi dee meel ay geeyeen e (Qosol/Sacab), magacoodiiba waa laga tiray meesha oo waa ka maqanyihiin. Baarlamankii hore ee aynu israacnay boqol iyo koobiyo labaan kursi buu lahaa oo tulud baynu ku lahayn, maanta tuludkiina waa la dhimay.Afarboqol iyo lix iyo lixdan kursi ayaa waxa la yidhi waxaanu idinka siinaynaa sagaashan.’’Waannu idiinku deeqnee sagaashankana iska haysta’’ jawaabteenu ma tahay mise maaha?“Waytahay: Sacab”.

Waxa weeye walaal, laaxinkaasaa galay mabda’eennii oo caadkaasaa fuulay.Dadbaa fuushiiyey halkan inala jooga, oo waar wax ha xadin – jiinwaladii markii la samaystay ee lacagtii dawlada/refeniyuugii dawladda  – wallaahi anaa ka badsada ayuu nin ku faanay baa la yidhi, maanjoogin aniguye –dadkuna waa waxsheeg badanyahay, ilahaybaase og. Laakiise isoo gaadhay, rag la qayilaayey wuu ku faanay yidhaahdee – anaa ka badsada buu yidhi lacagta maaliyadda ee dawladda, inta gaadha iyo intaan qaato, intaan qaataabaa badan.Markii la yidhi maxaad u qaadanaysaana waa . . . – illahay baa quraankiisa wax walba inoogu sheegay. “Wa mina naasu man yucjibuka qowluhu fi xayaatu dunyaa” Walaalo dadkuu inoosheegayaa inaynu iska baranno , toban Sanaa lagu edbinaayey raggii dawladda noqday ee caalamka xukumay, oo lagu edbinaayey oo lagu rabbaynaayey Maka, oo la garaacay. Iyagoo is bartay oo wax bartay ooIllaahay qalbigooda furay ayay madiina tageen oo dawlad noqdeen oo caalamka waakuwii wada qabsaday. Toban sano weeye, labaatan sano ayaa dadkii bakhtiga cunijiray Illaahay ku gaadhsiiyey, haddii aynu wadadii raacayno.Illaahay wuxuu yidhi “Wa mina naasu man yucjibuka qowluhu fi xayaatu dunyaa” – wanaagsanaa markuu makhayadaa ka sheekaynaayo ‘jush, juha b blu blu bli’’ ‘’maxaa sidan loo samayn waayey?Agoontii sidee la yidhi?Naafadii sidee la yidhi?Maxaa iskuulladii loo dhisi waayey?Maxa waxan loo qaban waayey?’’ Waxa afkiisa ka dareerayaa quruxbadanaa!.“Wallaahu yushri maa fii qalbii”.Markaa ilaahay hadalkiisa dhagaysan maayee qalbigiisa ayuu arkayaa.Buqdi iyo malax baa ka buuxda baa la yidhi qalbigiisa: “wa idaa tawallaa sacaa fil ardil yufsida fiihaa, wa yuhlika xarsa wa nasab, wallaahu laa yuxubbal fasaad”. “Wa idaa qiila lahu” hadda ereygaa u fiirsad walaalayaal, Ilaahay baa innoo waramaya ‘’haddii la yidhaahdo waar Illaahay ka baqa, waar waxaa aad ku hadlaysaa waa maxay, waar maxaad waddaa –joojinta laga joojiyey danbigii ayuu ka cadhoodaa.’’

Waxaan idinka illaaway oo aan lahaa aad ku bilowdid waxay tahay, waxaan isku iqiinay in aan dadka wax u sharxi karo, bal indhawayd, markaan dhaqaaqo ayuunbaa wax aanan odhan ‘’sidan ayuu yidhi, halkan ayuu ka yidhi . . . ‘’ (Sacab) ayuunbaa si kale – bal walaalayaalow maanta si fiican ii dhagaysta. Nin aan meeshaba joogin markaad baxdaan yuu iiga kiin warramine, waar yaan la iigakiin sheekayne bal iga dhagaysta walaalayaal.

Waxa weeye meel aynaan gaadhsiisnayn dawladdii wali gaadhin, maalindhawayd nin baa iigusoo galay xafiiska, wuxuu ahaa raggii barigii dagaalkii yaraa Illaahay iskukeen qaaday, raggii barigaa Labi Sagaal lagu haynjiray buu ahaa, wuu iisoo galay oo maradii buu iska dhigay, xiniinyihiisii oo intaa laaleeg, waa layga garaacay buu yidhi; markaasaa wuxuu ka ooyayaa rag uu meesha ku arkay oo uu yidhi ‘’waakuwan kuwii i garaacayna maanta adiga kula shaqaynaya’’ waan la ooyay. Hallaydiro buu lahaa, waan la ooyay laakiin waxaan ku diro oo meel ugu diro ma hayo. Waan la barootoo, waan la ooyoo, isagoo raaliya oon la baroortaan idhi kana aad sheegayso ee meesha aad sheegaysona dee intaynu doonaynay, maanta adaa lib joogo oo wixii aad wadday baa loosoo noqday oo lagugu aqbalay gartii haddii la qaaday, dee lib baynu joognaaye, awalba in aynu is madhino, oo qoladeen la madhiyo may ahayn taladuye, in aynu uun ra’yiga isugusoo noqonoo rayiga wadaagno ayuunbay ahayd, igatag isagoo raalli ah. Laakiin marka suuqa ninkii uu madax u yiqiinay, ee uu caqli moodaayey, ee uu aqoon moodaayey, ee uu ilbax moodaayey, markuu yidhaa ‘’miyaa lagu diro, maxaad ku dagaalamaysay shalay?’’Qofkaa caqligiisii mala badalay mise lama badalin?Mala sumeeyey mise lama sumayn?

Waxa weeyey markaas, inammadii yaryaraa baa loo tagayaa, ‘’waddadiinii baa laydiin qaatay. Maxaa haysaan?’’ Waar waanuu caafimaadnay, qaadkii baannu ka raysanay, dajidii baannu ka raysanay, waakaa waannu dhisanay maanta, aqaladayadii baanu seexanay, afar carruura baannu dhallay saddexdii sanadood, waar na daaya miyeydaan illaahay ka yaabayn.  ‘’maya, meeshiinii baa laydiin qaatay, idinkaa talinjiraye, dalka idinkaa ka rag ahaaye, maantana waa laydin qabaa’’

Mabda’eennii waa leexday. Markaa bal in xuubkii laga qaado, oo aynu cusboonaysiino mardanbe. Ninkii baase inna haystay baa odhan jiray ‘’labakaclayn baa la samaynayaa’’ labakaclayn ma rabno ee waxaan rabnaa inaan is xasuusino uun; waddadii baa innaguyar dheeraatay oo way inaga gadmatay, tusbixii baa inaga gadmadaye, aynu is xasuusino oo aynu ta u wayn u horraysiino ee aan u danlahaa, ama anigu aan kusoo noqdoo oo aad igusoo celisaan sidaa aad iigu sharifteen, ama cidkaleba aa u dhiibteene, in wixii xuubkii uu ka qaadmoo ninkii meesha yimaadaa wax cusub bilaabo, wadadii lagu noqdo, oo wadiiqadii cagta wada saarno hadda, wadasaar la’aan waxba ku helimayno. Cadow baynu leenahay, mooji sidaad ugu fiirsanaysaan, xumaanteenna waxa wada waa la koolkooliyaa.

Maalimihii aynu kala maqnayn, waxa nalagu dilijiray ‘’maxaa noogu diidaysaan inaanu Oodawayne tagno, Oowayne ayaannu gaynaynaa wax’’ ordoo geeya.Maanta markii la yidhi Oodwayne nabaday, ‘’waar waxa la hayo miyaa maqasheen, waar Oodawayne ayaannu u soconaa’’ Sallaxley baannu u soconaa biyo kasoo saaraynaa, oo aannu madaar u samaynaynaa miyaa maqasheen?Waa maalintii aynu ishaynay ayay xoog lahaayeen oo ‘’Oodwayne wayne – Oodwayne hala talo lahayeen/ku soconaa’’ ‘’Salaxley baannu gaynaynaa’’ Laascaanood bay noqotay imikana. Markii nimankani yimaadeen ee la yidhi Laascaanood xaganbay u jeeddaana, maalindhawayd baa laga goostay biyihii.

Cadow xumaanteenna iyo – meesheenna aan iin ku leenahay waa la buunbuuniyaa. Bahal baa jira la yidhaa Internet, oo caalamkoodhani imika badhan aa taabanayso oo aad ka helayso wixii aad doonayso oo dhan. Inyar baa jaraa’idka caalamka ku jirta, jaraa’idka waawayn, Newyork Times, London Times, Manchester Guardian, Lamon, Le Figare, kuwaasaa gala [Sabac/Qosol] – waar halkan laantii jaadka laga badin waaye, xagay ka timi in jariirad aynu leenahay Internet ku jirto, oo maanta from Australia to Canada badhan inta la taabto lagasoo saarayo. Xaggee bay ka timi? Ma raggan jaadka cunayaa awooddaa leh?Oo aqoonkaa leh?Xagay ka timi?Cawageenay ka timi.

Waxa weeye haddii aynaan inagiina – Geed ‘’Godinyahay imaad goyseen e badhkaybaa kugu jira’’ inaynu isku baraarujino cadawgeenna ayay taasi ahayd.

Ta iigu laba ahi waxay ahayd, dee woorloodh baa layga dhigay. Bal waxaan hayaa, in aanan woorloodh ahay, xabbad iyo inan tigniko saaran, oo aan idhaa kolba halkaa soo boob, nin wax ku haysta aanan ahayn, nin ammaano dad dimuqraadiya oo siyaado leh oo madaxbannaan in aan u hayo ammaano, inay caddaato oo idhaahdo idiin dhiibay wixiiye bal idinku meeshaad gaynaysaan geeya, xor u ahaydeen shalayto halkaa gaysaanba. Kaa u dhiibataanba aa xor u ahaydeen shalayto. Ammaanadaasi inay soo baxdo, oo aan ka duwanahay woorloodhka – ma kacayo Wallaahi anoo madax noqda mooyaane –maalinwalba laysu gee, afarjeerbaa lagu shiriyey Addis Ababa, labajeer waxa lagu shiriyey Nairobi, Jabbuuti laba jeerbaa lagu shiriyey, Yemen, Qaahira, laysugeeyoo wali mid yidhaahda bal anigaa ka hadhaaya meeshiiye bal hada intiina kale ku heshiiya lama hayo. Caalamkii waa da duwanahay, waa laynoo diiday halkan oo gudinta daabkii ku jiray, wuxuu leeyahay halkan ‘’waar waa woorloodh oo dalka uunbaanu intii ka waynay oo xoogaagii yaraa ee lacagtii soo baxaysay buu halkan faraqayaa’’

Basically markaad eegtona, waad aragtaa inayna ahayn ee aan badka dhigay wixii, woorloodh iiga horeeyeyna ma jiro, mid iiga danbayn doonaana ma jiro.(Sacab). Shacab xor ah in aan madaxwayne u ahay oo badkaa ay u taalo maalintay doonaana ay iga qaadi karaan, maalintay doonaana iidhiibi karaan, waxaan u dhashay iyo waxaan muquunsaday toona midna aanuu ahayn.

Maalintii aan Cabdiraxmaan Tuur la hadlayey ayaan idhi:-waxaa ku kharibteen dhulkan, ee aannu idinku dhaanay annana wax noogu yar qabsoomeen waxa weeye, erey aa u lahaydeen caado ayuunbaannu anangu xaaraantimaynay, ‘’ha lays muquuniyo’’ ayaannu xaaraantimaynay, waa la maqlaayey dee lixdan ninbaa meesha fadhiyey. Ma jirto anangu dad ismuquuniyey, laakiin waxa weeye dadkiina inuutooso, oo wixiisii ilaashado.Waxaynu soo maray dawlad, ilaa maalintii aynu wax bilownay, marna ingiriis baa ina xukumaayey, oo cadow ahaa, marna xaggan baynu ku yaacnay oo Koonfur baa laynaga xukumayoo aynaan wax nasteexo ah ka arag, waan u noqon doonaayoon waan sharxi doonaaye arrinkaase. Markaa wali dawladnimadii waxaynu u qabnaa – geeri yey ku wanaagsantay iyo Geeljire iyo Nimaanad aqoon –yacnii ninkii waaka xishoonayaa markuu halkaa yimaado, ee uu nin iska dho’dho lihi wax shubo, Cabdiraxmaan oo ka wanaagsan wixiina kala garanayaa, waaka xishoonayaa in uu yidhaahdo ‘’waar nagadaa beenta’’ ‘’oo ma dawladaad u hiilinaysaa?’’ yacnii ceeb ayay noqotay dawladdaa loo hiilinayaa. Nin Kaarl iyo Faqash u hiilinaya ayuunbaa loo dhigtay.Faqash iyo Kaaral ayuunbaa halkaa maskaxda inoogu jira.Waar waa adiga dawladda la sheegayaa.Waxa la caayayaana waa adiga, siyaadadii adiga ku saarnayd – bal taasna Iyana waxaan jeclaystay inay caddaato oo caalamkii dibedda beentii loo sheegayey aanay waxba ka jirin, dadkanina yahay wuxuu sheeganayo – dad madaxbannaan, dantoodii gartay, ku walaaloobay, u daawo qaatay, xor u ah, dawladku dhistay, markay doonayaanna ama tay garanwaayaanna iska khaarajin kara, tii ay u bogaanna sacab iyo tayiid la daba taagan sidaa caalamku yahay, inaynu tusno taana Iyana waa caddaatoo waa alxamdulillahi rabil caalamiin.

Sababihii aan u keenay kuwaasay ahaayeen, waxay ila tahayna, inayu ka hayno dubaba natiijo wanaagsan oo aynu aad iyo aad u baraarugnay. Debeddakii joogay shalayto, dorraato markii aa halkan foodka ku dhamayseen beenkii fiidkii, ayaa markii laga dhagaystay Abu Dubai baa rag telefoon igalasoo hadleen oo waxay yidhaahdeen ‘’shan iyo labbaatan nin oo reer Somaliland ah oo cid walba leh baannu nahay, waanu ku wada maqlaynaa, waxaanu ku leenay naga dhagayso adna waxaad na odhanayso na dhe. Markaa way ila hadleen oo aadbay ii wacdiyeen aniga, waxaanay iisheegeen waddaninimo iyo hadal ikhlaas ah, raga qaar aad moodo inay ooyayeenba.

Yacni sida ay dalka ula jecelyihiin guul, iyo in la gaadho waxaynu doonaynayo, dabadaa nalagaga jiraa bay yidhaahdeen dhulkii ajinabiga ee aannu ka shaqaysanaynay, meel aannu kusoo noqono oo nabada ah, oo aanu calalaqal hadaanu gambooyin haysononana kaga shaqaysano, haddii aanu xirfad leenahayna ugu shaqayno, ayaanu doonaynaa in naloo dhiso. Anna waan la hadloo waxaan idhi, waxaa leedihiin, ragga aanu baraarujinaynaa baa ka mid tihiin, oo u horaysaan, agtiinaa maalinwalba been nalaga sheegayaa, la leeyahy Israaiil bay tageen, halkanay tageen, Carab bay caayeen, cadow, wixii wax na tari lahaayeen wax wada qabsanlahayn maalinwalba agtiinaa nalagu dirayaa.

Buuggaag baa laga sameeyey warqaddii beenta ahaydee la yidhi wuxu u diray prime minister-ka Israel, tii danbe ee Qaahira laga qoray ee la yidhi Israel baa wafti tagay uu madax ka yahay Fagadhe, buuggaag baa laga sameeyey oo la qaybiyey, xafiis aan la gaynini ma jiro. Waanu beeninay annaguna, hadda iyagii baan la hadlayaa i dhagaysta, raggii baan la hadlayaa, waanu beeninay oo warqadii jariiradii soo qortay beenta ayaanu ku beeninay oo runtayadii soo qortay oo tidhi ma jirto. Ninka wasiiru khaarajiyaha noo ahina wakhtigaa la sheegayo dhulkaba ma joogin, ee Asmara iyo New York ilaa Canada ayuu prograamadisu ku laabnaa oo uu jiray.Ragga kale ee aad magacowdeenna maba naqaano annagu.Nin ay yidhaahdeen madaxtooyaduu ka shaqeeyaa magaciisa waligay ma maqin.Wax idinka ah oo qaaday oo beentii ka daba geeyey, xafiisyadii la dhigay bay wali taalaa beentii, oo uu shalato markii uu tagay guddoomiyihiinu, ugu wada tagay oo uu yidhi ‘’waar ma jiraan waxani’’ intii uu gaadhi karaayey. Waxa weeye in aa ka daba tagtaan oo naseexada iyo dhiidhiga iyo dhul jeclaanta iyo niyadda wanaagsan ee idinka muuqataa idinka dhabtahay in aa isdirtaan oo ka daba tagtaan oo meeshii warqadda beenta ah la geeyeyba tii runta ahayd barbar dhigtaan oo tidhaahdaan ‘’waar waxba kama jiraan’’. Ilayn cadow baa laynoo samaynayaa.

Macal asaf, inta badanina halkan ayaabay ka tagaysaa, oo markaad erido erido erido, geedka mida oo inala fadhiya ayuunbay kusoo arooraysaa.Maanta waxa la leeyahay, madaxwaynihii wuxuu innoo wadaa Xamar.Mas madaxaa laga dilaa, abeesada waxa la yidhaa, madaxaa laga dilaa, maxay uga jeedaan nimankii aniga shaki i galinaya?In aan Xamar ku wado oo aanan Somaliland aaminsanayn – ma jirto sowmaaha? Ninkii loo dhiibay ee madaxda ahaa eed kaga seexateen, nin lagu seexdaw ha seexan kii aad tidhaahdeen, haddii uu isagii xagan wax u wado oo aanu meeshii aaminsanayn, markaa meeshii ma jirto sowmaaha oo maldahan?

Haddaba aan isagakiin warramo anigu; Xamar waxa iigu horaysay toddoba iyo kontonkii tagisteeda, qiso dheer baan idiinka sheekaynaya araali iga ahaada.Waxa la yidhi ‘’haddii lagu sheegana waa lays sheelaa, haddii lagu sheelana waa lays sheegaa’’. Bishii Juun sanadkaa toddobiyo kontonkii, waa wakhtigii aabbahayna dhintay – alla ha u naxariistee, ayaa mu’tamarkii SLN baa waxa lagu qabtay Burco, bishii Juun baannu fadhiisanay shirkaas. Rag meesha markaa joogay, Alle ha u naxariistee ninkii Axmed Dukhsi ka mida ahaa; ayaa waxa ay soo jeediyeen ‘’waar shantan Soomaaliyeed, ee aynu hadal hayno eeynu leenahay Shan Soomaaliyeed baa laysla doonayaa, wali meel ay isugu yimaadeen oo yidhaahdeen waanu isdoonaynaa miyey jirtaa? Maya. Shir hala qabto shanta Soomaaliyeed isugu yimaadaan, oo bal ay ka tashadaan oo waa isdoonaynaa yidhaahdaan ama inoo hawl yareeyaan oo yidhaahdaan ‘’waxba idin doonimayno e dantiina raacda’’ shir kaa laysugu yimaado hala qabto. Waa la falanqeeyey oo maalin dhan baa laga hadlaayey, aakhirkii lix nin oo wafti ah baa la qabtay oo waxa la yidhi inagu ma qaban karno shir caynkaas ahe, oo isticmaar baabaan inoo ogolaanaynin e, nimankaa dawladda ah ee reer Xamar, aynu ula tagno ra’yigaas oo nidhaahno waar noo qabta shir la yidhaahdo ‘’Baan Soomaali Konfarans’’. Shir Soomaali u dhantahay oo Shanta Soomaali isugu yimaadaan, noo qabta hala yidhaahdo. LixNin baa nalagu diray, Xamar baanu tagnay. Cabdillaahi Ciise Dawladdiisii, ayaanu meesha ugu tagnay, Nin had iyo jeer magaciisa layga maqlo, Muuse Boqor ayaa ahaan jiray Wasiiru Daakhiliga. Ninkaa wax wanaagsan baanu kala kulanay, laakiin dawladdii kale cagajiid iyo – annaguna xamaasad baa nagu jirtay oo laba cashaanu sii soconay, habeen Laascaanood baanu u haynay, habeena Gaalkacyo ayaanu u hoyanay.

Gaalkacayaa nalagu joojiyey oo la yidhi tagi maysaan, ilaa ay Xamar idinsoo fasaxdo, laba casho ayaa nalagu hayey, aakhirkii waxa la yidhi soo daaya, Xamar baanu tagnay ugu danbayntii. Jawhar baanu habeenkii Saddexaad u hoyanay, markaannu tagaynay eenu subixii kalahaynay baa nin waliba laba go’ iyo Shaal, Sanbaruuf iyo Cumaamad, hugeeniibaanu isku taagnoo anagoo xamaasadda nagu jirta, qofkii na taabta wuu nagu gubanayey. Dal iyaguna guntigii furtay, rag dagay oo lix sano markaa dawladnimo haystay oo waddaninimo iyo qoomiyad ka jeestay ee qabiil ku dhisan markaas oo qabiil wax ku qaybsada oo aan waxanba u jeedin ee ka hadhay baanu u tagnay oo anagiibaa sidii dadkii la odhanjiray carwaa loo kaxeeyaa – niman la odhanjiray carwaa loo xakeeyaa oo Yurub daawan jirtay – waa naloosoo daawasho tagay. Waar kuwan waalan ee go’yaasha cadcad sita. Cagajiid ayaa nalagaga aqbalay arrinkii, waliba ninkaa Muuse Boqor la odhajiray Alla Ha u Naxariistee, ha u sabab ahaado ee wasiiro daakhiliga ahaaye, qasab iyo cagajiid baa nalagaga aqbalay, oo la yidhi waayay ee bal anagaa shirkii u yeedhayna ee waa inoo kal danbe, bishaa bisheeda.

Markaasaa iigu horaysay horta Xamar, anoo aad iyo aad u saluugsan ayaan kasoo noqday, oo ka imi. Siddeed iyo kontonkii baannu hadana, Leerax Bond inoogu iman jiray, ayaanu hadana ku noqonay oo shirkii u tagnay markaa. Saddexdii xisbi ee kalee jiray, wali USP markaa lama furin; SYL, SLL, iyo LUF ayaa qola waliba firkatay oo shirkii baanu tagnay, shirkii baa la fadhiistay. Nimankii baanu meeshii ugu tagnay, shirkii Jabbuuti ka tagay iyo kii Somaliland ka tagay, ayaa meeshii wax meel maray sameeyey. SYL-shii joogtay meesha, laba Nin bay noosoo dirtay; Nin sheikh ah oo la yidhi jeermaan haydiin ahaado, Sheekh Ciise ayaa la odhan jray, ayaa raa’iis u ahaa SYL. Raggii kale wixii aanu nidhi halooga yeedho labadii dal ee kale; rag uun laadiyiin oo Xamar joogay ayuunbaa naloogu yeedhay oo la yidhi kuwan baa wafti ah. Shirkii aad baannu u dhaliilay haseyeeshee, markii aanu fadhiisanay, intayadii halkan ka tagtay iyo intii Jabbuuti ka timi oo Nin hada dhintay u madax ahaa, ayaanu xamaasadayadii iyo jibadayadii la galnay.

Maalintii hore waa nala dhagaystay, maalin labaadii buu show naga wargeeye Xaaji Ciise oo uu yidhi ‘’meeshii si kalaa wax u socdaan oo aniga faraha wax iiguma jiraan, niman baa meeshii yimi oo, waxa ka soo baxaaya wax aydaan filaynin’’ Waxa naloosoo diray laba inan subaxii, waa maalintii labaad, laba ilaal baa naloosoo diray oo la yidhi kasoo xidha meesha ‘’soo dhaafa, baxa baxa kasoo baxa meesha’’ waar maxaa dhacay? Imbiladoora waaye. Waa nalaga xidhay oo dibadaa naloosoo qubay.

Waxaan ka fakarey oo maalintaa iswaydiiyey oo aan idhi tolow Hargeysa oo ay shirkaasi ka dhici lahayd – markii hore ee aanu shirka fadhiisanaynayna meel halkii miyuunisbaadu ahaanjirtay agteeda ayaanu fadhiisanay aqal dawladdu leedahay, oo markii danbena laga dhigay, wasaaraddii uu kii indhaha la’aa joogijiray,Warsame Indhoole, halkaasaa shirka lagu qabtay.

Waxa la ogaa sidaasaa loo dhaafdhaafayey oo, wax shirka meesha ka socda qiimeeya iyo wax daawanaya iyo wax, midna. Markii nalagasoo xidhay baanu soo baxnay oo meel nimi aniga iyo dhowr Nin oo aanu ku wada soconay oo waftigayadii ahayd. Afgooye ayaanu cadhadii nidhi ina keena u qado doonanee. Markaasaanu iswaydinoo nidhi hadii shirkaasi Jabbuuti ama Hargeysa ka dhici lahaa, bal horta marka hore, magaalada cidi maka maqnaan lahayd? Mise aqalkaa lagu shirayaabaa la wada hor iman lahaa? Aqalkaa lagu shirayabaa la wada hor iman lahaa baa la yidhi. Haddii la xidho, ama dawlad soomaaliya ha noqoto ama mid gaala ah ha noqoto oo mustacar ahe, hawlyarida wax lagu xidhay ma lagu xidhi kari lahaa? May, ee dhiig baa ku daadan lahaa baa la yidhi.

Waannu kasoo noqonay meeshii, saddexdayadii wafti baa nala dhex galay, siyaasad dee aannaan markaa anagu qolujeed baanu iska ahayne, halka maanta aanu nimi saddexdayadii waftiba ee meesha ka yimi midba gooni buu u waramay, ninkii joogay baa jooga. Midba mar gooni ah ayuu ka waramay. Anigu quus maalintaasaan kaga imi.

Waxaan ku noqday sagaal iyo kontonkii, anaga oo afar wasiir ah, iyo afar dalitaati ah ayaanu ku noqonay israaca markii la hadal hayay eenu London kasoo dhamaynay inaynu is raacno. Halkan uu ninkii Alla Ha u Naxariistee Shuuriye keenay mooshinka ee la baas gareeyey, oo aynu diyaar u nahay israac ayaanu tagnay. Aadan Cadami rag uu u madax yahay baa halkii baarlamanka ahaan jirtay, ayaa nala fadhiisiyey. Kasaa Kasa ‘’ma saasaa garateen? Dee bal waayehee waa hagaag’’ Rag aan waxaniba qiime iyo qadar aanay la lahayn, markii danbe ee la tagayna wax aallaale wixii la lahaa bal waayahay waa la baas gareeyey, oo waa la diiday, la wada tuuray wixii laysku afgartay in labada dal isku raacaan.

Yaanan idiin sheeko dhaafine, maalintaa anuu markaan kasoo noqday meesha, dad aynaan israaci karinoynaan wax wada qaysan karin oo aynaan ku shuraakoobi karin dawladnimo, ayaanu soo aragnay. Laakiin laylama garan, waxan idhi waar lix bilood – waxaan is idhi lixdaa bilood baa lagula garan doonaa, Juun ilaa Diiseenbar, iyana talyaani haka baxo, inana ingiriis haynaga baxo, waar bal inagoo isu nadiifa oo Soomaali ah aynu ka wada hadalo israaceena e lix bilood walaalayaal – wuu jeclaysanayaa baa la yidhi oo madaxnimaduu jeclaysanayaa, oo kursiguu dabada ku dhajinayaa. Waxa laygu naanaysaa, rag badan oonu saaxiibnahay waxay yidhaahdaan ‘’waxaad tahay nin jilicsan ee hadaad tidhaahdo waar anuu meesha wax idiinkuma hayo oo ku qaylin lahayd, wuxuunbaa lagaa maqli lahaa, ayaa rag yidhaa’’ laakiin waxaanay ogayn raggaasi, adeer jibbadan dadka waday adaa ku abuuray. Habar aanan kula fiqin, mikarafoon aanan ka hadlin – waar maxaan idhaahdaa – shalaybaan been idiin sheegayey – meel hadal iiga furnaa ma jirin, intaasaan ku talax tagay (Sacab).

Israacii baa dhacay. Lixdankii baanu tagnay meeshii -raggaa waa goostay mooyee macnahaynu ku goosanay aniguu iga buuxaa rag kama buuxo. Raggaa aniga sheegaaya, waa la goostay mooyaane iyo waxoogaagii dhacay sideetanaadkii, ayuunbaan leeyay anuu wax ka wayn baan hayaa, waan ka buuxaa sababta aynaan nimankaa u wada jirin.

Lixdankii baynu tagnay, waxaynu ka baasgaraynay halkan qaynuunkii laysku raaci lahaa, the active union, saddex iyo labaatan aartikal bay ahayd, halkan baa lagu baas gareeyey, fadhigan aynu fadhino, oo baarlamankii saddex iyo sodonka ahaa ku baas gareeyey. Anaa meesha madax ka ahaa markaa. Wax kastaba markaa raggii aanu wada soconay, aan kala baydh baydhna ee laakiin magacu wali anuu i saarnaa.

Bisha kowdeedii, Julaay kowdeedii, ayaa aqal Liido agteeda ah baa aqal maqsin nalagasiiyoo isagaanu ku wada jirnay, saddex nin baanu ku wada jirnaanu iska soo raacnay, markaasanu nidhi inakeena afgooye, borogaraamadii selebarashanka waxba nalagagama darin oo kumaanu jirin. Baarlamaanka markaanu marayno, ayaa waa la fadhiyaa, war iyo wacaal toona kama hayno, saddexdayada meesha marayaaba dibitaatiyaal baanu nahay. Anna baraministerkii baabaan ahay, labada kalena midan minister buu ahaa midna dibitaati buu ahaa. War mahayno. Waar maxaa tolow baarlamankii lagu hayaa, waanu soo galnay,Mursal mid la odhan jiray – waar mursal maxaa la hayaa, markaasuu yidhi ate di yuni yoone ayaa laga hadlaa. Naqad talyaani ku qoran buu iidhiibay oo, waa laba aartikal.Waa la tuuray tii aanu annagu gaynay, tii aynu halkan ku baasgaraynay waa la tuuray. Laba aartickal; labadii dawladoodna waa laysku daray, labadii baarlamaanna waa laysku daray, labadii dalna waa israaceen, bes.

Haddaa israacdaan, oo illaahay kama dhigoe, aad tidhaahaan caalamkii baa nagu yar dhago adaygayoo wixii socon maayaane bal hadda xagii aynu eegno tidhaahdaan, ma idin raacayo, anigu waan idinka hadhayaa (Sacab). Hargeysa, Burco, Berbera iyo Laascaanood oo laga xukumo Xamarna, dagannaan maayee waanka haajirayaa (Sacab).

Markaa walaalayaal dee i barta, ninkaa ina Cigaalbaa Xamar idiin wada idin lihi, waxa weeye madaxaka dil, abeeso madaxaa laga dilaaye, madaxa ka dil.

 

Tixraac:

HCTV: https://www.youtube.com/watch?v=_A2qn7uMTT0

 

 

Dr. Jama Musse Jama, PhD
Director
REDSEA Cultural Foundation
Maroodijeex Bridge, Sha’ab area, Hargeysa, Somaliland
email: jama@redsea-online.org | jmgurey@gmail.com
website: www.jamamusse.com

Fikraddaada kaga Dhiibo FACEBOOK

RAADI WARARKII HORE