Eed ha qaadin!

 

Masuuliyaddu ama xilku sidaad mooday maaha wax lacag, Magac, Maamuus, Sharaf iyo Haybad laga kasbado waa ay qodxo, xagtimo, xurguf iyo hantaaqo badantahay oo wajigaaga, cibaadada iyo aakhiradaadaba waxey kaga tageysaa dhawacyo aanad kasoo kaban.

Waxa ay ka bilaabanta masuuliyadu waa naftaada haa, naftaada ayaad ugu horeyn ka masuul tahay iyo haddba cidii kaa agdhaw bil masal ninku waxa uu masuul kayahay qoyskiisa, ooridu waxey ka masuul tahay ubadkeeda, halkaasaney kasoo bilaabantaa jaranjarada diihaalka iyo balada badan ee loo yaqaano masuuliyad.

Waxaad arkeysa qof tiisiiba u taagla oo hadana tu kale u hanqal taagaya,waa hawl culeyskeeda leh inaad qof kaliya ka masuul ahaato, bal kawaran haddaad qaran isku daydidna waxa lagaaga baahan yahay inaad cadaalad, garsoor, miisaan , iyo tanaasul ku dhaqdid tolow yaan usheegayaa, mooji , “dhagihii waansan ba weelayne wad” oo aad ka reebanaantid eex, qof-jeclaysi, qabyaalad, iyo dhacsasho hantida guud oo malaha imika ku suntanba waxa loogu kala baratamayo in qarankan la maamulo, cajaaib!! waxaad moodaa hilib ay rag u jeelay boobayaan oo ay hadba gees iskula ciirayaan kii ku guuleystaa moodayo inay aduunyadii oo idil gacantiisa usoo hoyatey kii ku libin waayaana uu keenayo barabogaandooyin ah in la dhacay oo caadifada dadka waa tii qabiilkee kusoo kackicinayo “Tollaay dhankiina layga soo galey”, haddaba waxan loo baratamayaa miyaaney culayska buurahaana ka miisaan badneyn oo waliba? haddii laguu dhiibo uun waxbaba may ahaateene kitaab baa babacada midig laguu saarayaa, subxaanalaah.

Aan hollado gundhiga qormadan  “Nin xil qaadey eed qaad” walee wuu qaaday oo been maahee, kii wax hagaajiya ee inta karaankiiya is yidhaa wax toosi waxbaa laga sheegi oo intii musuqa, is-dabaweydaarinta, laaluushka, dhaca iyo boobka dadka maatida ah iyo qudhunka ku noolayd ayaa olole horle u galaya sidii ay ugu dhigi lahaayeen dabbino aanu kasoo bixin jeero uu naadiyadooda kusoo biro “ka quuso ama kamidnoqo”,  xilku waa wareegto wakhtiguna waa seef oo adoo bartey inaad hantida umada afka iyo caloosha ka buuxsato ayuunba aayar lagaa wareejinayaa, “dacawo meel ay macal ku baratey macaluul ugu go,daa” markaasa laga kari waayayaa calafkaagi ka heshee iskaga hadh xilkan iyo waxan aad radinaysid uun. Wagagac meesha waxbaa lagu bartee badso mooye ka baxso maleh.

Xiisada aloosanta dharaaraha doorashooyinka ee ololaha lagu wada miyir laayahay waxey ka tagtaa olol, boodh, sicir-barar iyo haraad ka muuqda dhamaan waddanka, waxa la caadeysataa wakhtiyadaa in la burburiyo dhaqaale aad u badan oo jaad iyo waxaan naf laheyn lagu ruugo, waxaa dib usoo biqla geedkii qabiilka oo haddba doorasho sidii loo waraabinayey hadda geed weyn oo midho dhal ah noqday, waxa baaba,a dhalin badan oo wadanka usoo kacayey.

Kabo kulleyka, qiiqa, busaarada, isku buuqa, daganaasho la,aanta, xasiloonida oo guurta, nimcada eebe oo yaraata, abaaraha, isfahanwaaga iyo waxyaabo kaloo badani waxey ka tafiirmaan marka ay cadaaladu faraha ka baxdo sida aynu kusuganahay imika ee masaakiinta xoolahooda la xalaashado, ee cid la aamino la waayo ee quluubta xiqdi iyo xanuun aan dhamaad laheyni galo taasina waxa u aabo iyo hooyoba ah waa dadkii juhalada ahaa oo madaxii iyo maamulkii laga dhigayo, jaahil markaan leeyahay dad aynu aqoonyahan u naqaano ayaa safafka hore kaga jiri kara sababtoo ah waa qof diinti ka indho saaban amaba iska indho saabaya.

Dimuqraadiyadna garan maynee rabow naga soo gaadh doorashooyin iyo qaladahoodii baa nagusoo fool leh oo mindiyaha losii soofaynayaaye.

 

 

 

 

 

Qalinkii Hibo Ciise Maxamed (basbaaso)

hibafaakhir@gmail.com