Edaabta Bisha Ramadaan – Qalinka Khadar Dirir

Walaalayaal dhamaantiin waxaan idin leeyahay Ramadaan Kariim, waxaan inyar kaga hadli doona bisha ramadaan ee ilaahay inugu faral yeelay inaynu soono.

 

Bisha Ramadaan waa bil qaali ah oo ahmiyad weyn ku fadhida, mudanna in laga faa’iidaysto oo la kasbado kheyraadkeedda iyo barakooyinka ay wadato, taas oo ku xidhan dadaal iyo niyad wanaagsan,waa bil khayr badan oo Shayaadiinta la  xidh-xidho.

 

Bisha Ramadaan ee caawa innoo bilatay waa bisha 9-aad ee bilaha Hijriga ah,waxana la sharciyeeyey oo la waajib yeelay bishii Shacbaan ee sannadkii labaad ee Hijriyada.

 

Bisha Ramadaan waa bil uu Illaahay subxaanna watacaalaa, u doortay inay ahaato bil loo soomo oo loo af-xidhnaado Illaahay dartii oo laga dheeraado cuntada,cabbidda iyo denbiga kale oo dhan oo lagu koobnaado qur’aan karin, isu-naxariisasho, is-caawin iyo badashadda cibaadada iyo xuska iyo xusuusnaanta rabbi.

 

Cibaadadu waata Alle subxaana watacaalaa inoo abuuray oo Alle mooyee ma jiro cid kale oo xaq lagu caabudaa “Uma aan abuurin Jinka iyo Insiga inay i caabudaan mooyaane wax kale, kama rabo risiq iyo inay i quudiyaan,Illaahay ayaa Raasiq ah,oo leh quwad xoog leh.”

 

Cibaadadu waa dhamaan wax Alla wixii qofka ka soo fula ee uu ku kaco ama sameeyo ee isugu jira waxa uu niyadda ka doono iyo waxa uu qowl ama hadal ahaan u yidhaahdo ama waxa uu hawl ahaan ama ficil ahaan u sameeyo ee ula yimaaddo “Waxad tidhaahdaa(Nebi Allow), salaaddayda iyo camalkayga dar Alleed,iyo noloshayda iyo dhimashadayduba Alle ayay u sugan yihiin,oo wax shariig ah ma lahe, sidaas ayaa  layna amray, waxaanan ahay Muslimiinta ka ugu horreeya.

 

Cibaadada Alle innagu waajib yeelay waxa ka mid ah Soonka, waa Rugniga 4aad ee Arkaanta Islaamka,waxnna qofku isu af-xidhayaa dar Alle oo cuntada iyo cabbidda iyo hadaladda laq-wigga ah oo dhan baa wuu ka tagayaa.

 

Alle gefafka aynu ka galnay waa inaga dhaafi karaa, laakiin, gefafka aynu iska galnay way adag tahay in la inaga dhaafo ilaa qofkii aad ka gashay ku cafiyo.

 

Alle waxaynu ka baryeynaa inuu innagu simmo gudashaddeeda iyo dhammaystirkeedda, awoodiisanna innoogu dembi dhaafo.