Dowladda Sucuudiga oo Shuruud Laf-jab ah ku xidhay Dhoofka Xoolaha Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Md Xasan Gaafaadhi oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in warqad ay soo saartay dowladda Sucuudiga oo soo gaadhay xukuumadda Somaliland loogu soo gudbiyey shuruud hor leh oo ay ku xidhay Dhoofka Xoolaha xilliga Xajka ee sannadkan.

 

Waraaqda ka soo baxday Dowladda Sucuudiga ayaa sida wasiirku sheegay waxa ay dowladda Sucuudigu markii u horeysay ku wargelisay Xukuumadda in Xoolaha Xajka ee Sannadkan ka dhoofaya dekedda Berbera waraaqdiisa caafimaadka laga soo qaadanayo isla markaana ay bixinayso Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo micnaheedu yahay inaanay jiri doonin xoolo ka dhoofi doona Dekedda Berbera oo aan haysan Ogolaanshiyo looga soo qaado magaalada Muqdisho.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in go’aanka dowladda Sucuudiga oo lama-filaan ku noqday ay ku lug leeyihiin waxa uu ku tilmaamay shaqsiyaad dillaaliin ah oo dhalasho ahaan isugu jira Somaliland, Soomaaliya iyo Sucuudi Carabiya, waxaanu sheegay inay xukuumad ahaan marnaba yeeli doonin tallaabadaas, dhoofka xoolahana aanay oggolaanshiyo uga soo qaadan doonin Muqdisho, haddii dowladda Sucuudigu ka noqon weydana aanay jiri doonin xoolo ka dhoofa dekedda Berbera.

 

Wasiirku ma sheegin qorshe ay xukuumad ahaan xal ugu heli ugu raadinayaan go’aanka Sucuudiga oo ah Suuqa ugu weyn ee Xoolaha Somaliland, balse waxa uu carrabka ku dhuftay inay raadin doonaan suuq cusub oo Xoolaha loo iib-geeyo, in kasta oo aanu jirin suuq la mid ah Dalka Sucuudiga oo dabbooli kara Suuq-geynta Xoolaha Somaliland oo laf-dhabar u ah Dhaqaalaha dalka.

 

FAAHFAAHINTA WARKAN KA IYO ARRIMO KALE OO UU WASIIRKU KA HADLAY, KAGA BOGO MUUQAALKAN HOOSE

 

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net