Dowladda Itoobiya oo Horjoogsatay Gurmad Ciidan oo Kismaayo looga soo diray Maamul-goboleedka Puntland.

 Kismaayo (SLpost)-  Xukuumada Itoobiya ayaa la xaqiijiyey inay hor-istaagtay ciidamo gurmad ah oo Madaxweynaha Maamul-goboleedka Jubaland Axmed madoobe u qorsheeyey inay tagaan Puntland, Arbacadii 17 May.

Sida ilo sirdoon lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen weriye Maxamuud Walaaleeye, Ciidan tiradooda gaadhayso shan boqol oo askari oo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), gurmad ahaan ugu tallogalay inay ku biiraan maleeshiyaadka Maamulka Puntland u diyaarsanayo inay weeraro dheeraad ah ku soo qaadaan Jamhuuriyada Somaliland ayey is-hortaagtay xukuumada Itoobiya.

puntland_jubalandCiidanka oo qorshahoodu ahaa inay xuduudka Itoobiya soo dhexmaraan, si ay u soo gaadhaan deegaanada Puntland ayaa baaqday, ka dib markii amar ka soo baxay xukuumada Federaalka Itoobiya lagaga hor-istaagay inay dhexmaraan dalka Itoobiya.

Dhinaca kale,jiritaanka  xogaha warkan ayey sidoo kale  xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xukuumada Itoobiya.

Qorshaha ciidamada Gurmadka ee hogaamiyaha maamulka Jubaland u qorsheeyey inuu u diro Puntland ee dhicisoobay, oo dhinaca kale sii xoojinaya tuhunadii laga  qabay in Madaxweynaha Soomaaliya Mr. Maxamed Cabdillahi Farmaajo dabada ka riixayo daandaansiga weerarada Puntland ee Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli hogaamiyaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) doraad iclaamiyey dagaal hor-leh oo ay ku soo qaadaan Jamhuuriyada Somaliland, wallow guuldaro balaadhan kala kulmeen weerar 15May ku soo qaadeen ciidamada Qaranka JSL ee jooga deegaanka Tuke-raq.