Doorka Macalinka iyo Waxbarashadda Bilaashka ah (FPE)

Waxaan ka soo hadalnay Qodobo ay ka mid yihiin Hirdanka iyo Waxbarashadda Bilaashka ah iyo Faa’iidooyinka Waxbarashadda Bilaashka ahi ay keentay ilaa hadda.

Hadaba Maanta waxaan Sheegaynaa Macalinka iyo sida uu Hergeliyey Waxbarashadda Bilaashka ah. Waxaan ku Amaanaynaa Baraha in Hawshiisii si Wadaniyadi ku jirto uga soo baxay. Macalinka markii aan aragnay, markii aan kormeer ku sameynay, Markii aan xantoodii maqalnay, waxa soo baxay oo uu Qabtay Arrimahan:-

  1. Wuxu sheegay in Gunnaddi hore ee ardayga la qaadi jiray ay ahayd mid aanu ka faa’iidaysanayn ee had iyo jeer Horumarin kolba in yar u qaadan jiray. Laakiin Hadda Markii ay Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ay shaqaalaysay in uu qaatay Mushaharkii oo duuduub ah, taas oo reerkiisii ,Ehelkii iyo Asaxaabtiiba uu wax ka taray, Weliba taas oo loo ogyahay in aanay ku filayn Macalinka.
  2. In hadda isaga iyo Ardaygiiba ay is qiimeeyaan oo ay kala dambeyntii soo noqonayso
  3. In hadda isaga iyo ardayguba ay tixgelin weyn oo sidii hore ka duwan u hayaan Kormeerkii ka socday Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare, taasina ay soo celinayso in horumar lagu sameeyo Macalinka iyo Ardaygaba .
  4. In Macalinku Hadda uu isku dayo in uu kaabo Ardayga oo Mushaharkiisa ka soo Iibiyo ama ka soo diyaariyo waxyaabaha yar yar ee casharkiisu u baahan yahay si ardayda uu tuso(T/L-Aids) ama casharka ku kaabo.
  5. In Macalinku hadda ku Xisaabtamo Horumar uu ku Sameeyo Deegaanka Dugsiga oo aanu ku eegin Maamulaha ama ilaaliyaha ama Nadiifisadda. Haddii uu Dugsigu haysto deegaan ku filan in uu ku sameeyo Jaan tuska ardaydu u baahantahay
  6. In Macalinku hadda uu rajo ka qabbo in Dawladdu, gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ay ugu Maqantahay Korodhsiimo iyo Horumar xagga Waxbarashadda ah.

Si kastaba ha ahaatee Bulshaddu way la socotaa wixii ka jira Dugsiyadda waayo Ubadkoodii ayaa dhigta oo ku kalaha Subax walba. Markaa waxaan Bulshadda ka codsanaynaa in Macalinka iyo  Ardaygaba lagu kaabo wixii Waayo aragnimo ah ee ka mid yihiin

Barashadda Xidigaha, Xayawaanka iyo Deegaanka, sida dhirta IWM.

 

Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare

ee Jamhuuriyadda Somaliland