DJIBOUTI: Maxkamad Ka Gar-naqaysa Dacwad u dhaxaysa DP World iyo Dowladda Shiinaha iyo Sababta

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda DP World ayaa dacwad ku soo oogtay shirkad ay leedahay Dowladda Shiinaha oo badhtamaha sannadkii hore la wareegtay gacan-ku haynta Dekedda Doraleh ee dalka Jabuuti.

Shirkadda DP World ayaa dacwadda ka furatay Maxkamad ku taalla magaalada Hong Kong ee dalka Shiinaha, waxaanay shirkadda ku eedaysay inay sifo sharci-darro ah ula wareegtay gacan ku haynta maamulka Dekedda Doraleh oo shirkadda DP World dib-u-hayn iyo Ballaadhin ku samaysay isla markaana heshiis 30-sanno ah kula gashay dowladda Jabuuti maamulkeeda iyo gacan-ku-haynteeda. Haseyeeshee, Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa gebi ahaanba burisay heshiiskaas, waxaanay ku doodday inuu heshiiskaasi ka horyimi Danaha Qaranka Jabuuti shirkadda DP World ku kacday khiyaamo aan makrii hore ku jirin qodobbada heshiiska labada dhinac.

dp world china (2)

Shirkadda Dacwadda lagu soo oogay ee China Merchants Port Holdings oo xarunteedu tahay magaalada Hong Kong isla markaana gacanta ku haysa maamulka Dekedo badan oo ku yaala qaaradaha Eeshiya iyo Afrika, ayaa ah farac ka tirsan Shirkad ay leedahay Dowladda Shiinaha oo lagu magacaabo China Merchants Group oo maalgelin ballaadhan ku samaysay Dalka Jabuuti.

Xogo laga helay gal-dacwadeedka shirkadda DP World u gudbisay Maxkamadda Hong Kong ee Somalilandpost.net soo xigtay, ayaa tibaaxay in shirkadda laga leeyahay dalka Isu-tagga Imaaraadka ee DP World ku eedaysay shirkadda laga leeyahay dalka Shiinaha inay ka tallaabsatay xayn-daabka iyo shuruucda ganacsi ee adduunka, dowladda Jabuuti-na ku qasabtay inay gacantooda ku soo celiyaan maamulka Dekedda Doraleh.

Macluumaadka laga helay gal-dacwadeedka Kiiskan oo ay baahisay Wakaaladda Wararka ee FactWire oo xarunteedu tahay Hong Kong, Heshiiska dhexmaray dowladda Jabuuti iyo DP World oo la hirgeliyey sannadkii 2004-tii, ayaa dhigayey in shirkaddu gacanta ku hayso maamulka dekedda muddo 30 sanno ah, haddii loo baahdana heshiiska lagu kordhin karo laba jeer oo mid toban sanno ah. Sida heshiisku dhigayeyna dowladda Jabuuti ayaa iska lahayd saami ah boqolkiiba 66.6, halka DP World ay iska lahayd saami ah boqolkiiba 33.3.

Sida lagu sheegy warbixinta ay baahisay FactWire, dowladda Jabuuti ayaa 2009 bilowday inay ka biyo-diiddo Qodobbada heshiiska oo ay ku tilmaameen mid fursad u siinaya shirkad Ajaanib ah inay ka soo horjeesan karto Danaha gaarka ah ee Jamhuuriyadda Jabuuti iyadoo saamayn ku yeelan karayso horumarka dhaqaale iyo ka bulshadaba.

Sida ku xusan waraaqaha gal-dacwadeedka loo gubiyey Maxkamadda Hong Kong oo ay heshay wakaaladda wararka FactWire oo shabakadda Somalilandpost.net ka soo xigtay, kaddib markii ay dowladda Jabuuti Caydhisay shirkadda DP World, waxa ay sannadkii 2013 heshiis la gashay China Merchanges Holdings oo ay ku wareejisay boqolkiiba 23.5 saamigii ay ku lahayd Dekedda Doraleh. Intaas waxa dheer, in sannadkii 2014 dowladda Jabuuti u ogolaato shirkadda China Merchants Port Holdings inay deked cusub ka cusub ka dhisto meel u dhow saldhigga Milatari ee Ciidanka Shiinuhu ku leeyahay duleedka magaalada Jabuuti, waxaana dhismaha dekedda la dhameystiray sannadkii 2017-kii, iyadoo dhammaan qodobbadaasi yihiin dambiyada ay shirkadda DP World ku eedaysay shirkadda tartanku ka dhexeeyo ee laga leeyahay dalka Shiinaha.  

dp world china (1)

Bishii February 2018, waxa ay dowladda Jabuuti ku dhowaaqday in gebi ahaanba la qarameeyo Dekedda Doraleh, waxaana maamulkeeda loo gacan-geliyey shirkad ay iska leedahay dowladda Jabuuti. Tallaabadda waxa si weyn uga qaybliyey dalalka reer Galbeedka, gaar ahaan Maraykanka oo dalka Jabuuti ku leh saldhigga ugu weyn ee uu ka maamulo hawl-gallada Milatari ee Ciidamadiisu ka fuliyaan qaaradda Afrika iyo dalalka Carbeed ee ku dhereran Badda Cas. Waxaanay dowladda Maraykanku tallaabadaas ku tilmaamay qorshe maamulka Dekedda Doraleh gacanta loogu gelinayo Dalka Shiinaha oo Deyn lacageed oo tiro badan ku leh Dowladda Jabuuti.

Shirkadda DP World, ayaa go’aanka dowladda Jabuuti kula wareegtay Dekedda kaga jawaabtay dacwad ay u gudbisay Maxkamad ku taalla magaalada London, taas oo dhowr bilood ah kaddib soo saartay qaraar xambaarsan go’aan dowladda Jabuuti ka mabnuucaya inay faro-geliso maamulka iyo gacan-ku-haynta shirkadda DP World ee dekedda Doraleh.