Daawo Muuqaallada Khudbad-sannadeedka Madaxweynaha iyo Jewigii maanta ee Madashii Fadhiga Baarlamaanka

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta khudbad-sannadeedka dastuuriga ah ka jeediyey labada Aqal Baaralamaan ee Wakiillada iyo Guurtida oo fadhi wada-jir ah yeeshay.

 

Fadhiga Baarlamaanta oo ku qabsoomay Xarunta Golaha Guurtida, waxa uu madaxweyne Muuse Biixi oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiiradiisa ku gaadheen Socod lug ah iyagoo ka soo kicitimay Xarunta madaxtooyada oo masaafo ku dhow 50mitir u jirta Xarunta Baaralaanka.