Daawo Jewiga Muuqaalladii ugu Quruxda badnaa ee xuska munaasibadda 26-ka June oo laysku arkay

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa khudbad dhinacyo kala duwan xambaarsan ka jeediyey munaasibadda xuska 26 June ee maalintii Xornimada Somaliland ee 1960-kii ka jeediyey munaasibad caawa lagu xusayey oo ka qabsoontay xarunta Madaxtooyada dalka ee magaalada Hargeysa.

 

Munaasibadda oo ahayd mid si heer sare loo soo agaasimay isla markaana lagu xusayey munaasibada 59aad ee ka soo wareegtay maalintii Jamhuuriyadda Somaliland xoriyadda ka qaadatay Maxmiyaddii Ingiriiska bishii June 26-keedii ee sannadkii 1960-loo.  waxa ka qayb-galay madaxda qaranka oo ay hormuud u yihiin Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Qaranka ee Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan madaxda qaranka oo ay ugu horreeyaan shir-guddoonnada Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida, Baashe Maxamed Faarax iyo Saleebaan Aadan (Saleebaan-Nuur), Xildhibaanno, siyaasiyiin, Madax-dhaqameed, haween, dhalinyaro iyo dadweyne kale oo tiro badan,