CODSI: Madaxweyne, Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax U Magacow Guddoomiyaha Wakaaladda Tobobarka Fanka Somaliland – QORE SACAD FARANSAAWI

LaabsaalaxMagacaygu waa Suxufi Sacad Afjar Xaydle Faransaawi Ugu Horayn Madaxweyne Waan Kusalaamay Anigoo Kugu Salaamayaa Salaanta Islaamka Oo Ah Salaanta Ugu Qaalisan Ee Laysku Salaamo.

Adigoo Ah Madaxweyne Qof Dadaal, Karti Iyo Aqoon U Saaxiib Ah Runtii Qarankan Somaliland La’aantaa Waxba Ma Noqdeen Maadaama Oo Aad Tahay Musdanbeedka Qarankan Uu Ku Tiirsanyahay.

Sidaynu Wada Ognahay Madaxweyne, Qaranka Somaliland Waxa Ku Abtirsada Bahda Fanka Oo Caasimada Hargaysa Ay Hooyo U Tahay Iyo Gobolada Dalka Ee Kale; Walow Ay Jiraan Fanaaniin Qurba Joog Ah, Laakiinse Waxaa Soo Baxayay Sannadihii U Danbeeyay  Fanaaniin Aan Runtii Wax Tobobar Ah Ama Tartamo Ah Soogalin Oo Fanka Soo Buux Dhaafiyay.

Sidaa Darteed, Mudane Madaxweyne, waxaan Si Sharaf Leh Kaaga Codsanayaa Inaad Wasaaradaha Kala Duwan Iyo Wakaaladaha Horumarinta Ee Xukuumadaada Aad Kusoo Kordhiso Soona Magacawdo Wakaalad Gaar Ah Oo Fanka Dalku Hoos Tago, Islamarkaana Sanadkiiba Soo saarto Fanaaniin Tobobaran Oo Runtii Qaab Faneed Ahaan Dhisan –  Wakaladaasi Oo Aad Ugu Magacdarayso WAKAALADA TOBOBARKA FANKA SOMALILAND  Oo Runtii Wax Badan Ka Badasha Qaab Faneedka Dhalinta Cusub.

Abwaan-Sidiiq-Burmad-729x400Madaxweyne,  Sidoo Kale waxaan Kaa Codsan lahaa inaad Wakaaladaasi Guddoomiye uga dhigto Guddoomiyaha Kooxda XIDDIGAHA GEESKA Abwaan Xasan Dhuxul Laab-Saalax, Gudoomiye Ku-xigeenna aad uga dhigto Abwaan/Suxufi  Sidiiq Maxamed Burmad.

Madaxweyne Waxaan Filayaa Inaad Codsigani Iga Aqbali Doontid

MAHADSANID MUDANE MADAXWEYNE.

QORE: SACAD AHMED FARANSAAWI