Somalilandpost | News and Analysis

“Cabdiwali Cidna ka yeeli mayso Habar-wac Qabiil iyo tollaayeey…Cidna dib u dooran mayso” – Cabdiraxmaan Faroole

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynihii hore ee Maamul-goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo xilligan ka tirsan Golaha Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka hadlay Isku-dhaca Ciidan ee todobaadkan dhexmaray Ciidamada Qaranka iyo maamul-goboleedka Puntland.

Cabdiraxmaan Faroole, waxa uu cambaareeyey hadallo xannaf leh oo dhawaan ka soo yeedhay madaxweynaha maamul-goboleedkaas Cabdiwali Gaas iyo dagaal lala galo ciidamada Somaliland oo uu ugu yaboohay Shacabka maamulkaas, isagoo si adag u duray nidaamka maamul ee Cabweli Gaas oo uu ku sifeeyey inaanu u qalmin xilka madaxtinimo ee maamulkaas.

Cabdiraxmaan Faroole waxa uu arrimahan iyo qaar kaleba kaga hadlay waraysi uu siiyey telefishanka SBC ee xaruntiisu tahay maamul-goboleedkaas.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA HADALKA FAROOLE

Fikraddaada kaga Dhiibo FACEBOOK

RAADI WARARKII HORE
Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/e/b/8/somalilandpost.net/httpd.www/slp/wp-includes/class-wp-comment-query.php on line 399