BAAQ Muwaaddin – W/Q: Amb Cali Aadan Cawaale

ASC Ummaddayda reer Somaliland,

Muwaaddin kasta oo ay ku weyntahay qaddiyadda dalkiisu tii ku dhici lahayd weeyee caawa aniga oo salaaddii cisha ku jira ayaa waxa igu soo dhacday Fikir ah inan BAAQ shakhsi ah u diro dadkayga reer Somaliland madax iyo muwaaddinba. 

Markii shaydaankaan iska naaaray laakiin guriga markii aan soo gaadhay baan arrinkii dib u xusuustay oo go’aansaday inaan BAAQ kooban diro aniga oo naftayda mooyee aan cid ku metelin, waana kan:

Ali Aden AwalehRabbow eex ma tiraabine aqoon haygu cadaabin.

Walaalayaal,
Markaynu eegno xaaladda maanta Geeska Africa guud ahaan marayo iyo siyaasadda dawladda cusub ee Ethiopia ka dhalatay ee sida cad uga hor imanaysa madaxbannaanida Somaliland, waxa reer Somaliland dhammaanteen innagu waajib ah arrimo door ah oo ay kamid yihiin:
1- Inaynu isla qirno inay xaalad siyaasadeed oo adagi dalkeenna la soo daristay.
2- Inay tahay mid ku timid isbeddel xagga ALLA ka yimid oo aynaan sababtiisa innagu lug ku lahayn.
3- In qarannimadeennii 27 jirka ahayd markii u horreysay ciddii aynu aqoonsiga ka filaynay si cad u deedifeysay.
4- Inay lama huraan tahay inaynu isku tashanno.

Haddaba fikirkayga yar waxan BAAQ ugu soo jeedineyaa Madaxweynaha, Guddoomiyeyaasha 2da xisbi qaran iyo masuuliinta kale ee dalku inay ummadda tusaan hoggaamin waayeelnimo, walaalnimo iyo qarannimo hagayso oo lagu wajaho duruufahan adag ee khatarta ku ah jiritaankeenna qaran.

Haa waa xaalad adag oo ina soo wajahday, balse waxa dhici karta inaynu kuba faa’dno haddii aynu la nimaad maskaxo furan oo u heellan ilaalinta qaranimadeena oo haddii ay galbato alla kama dhigee aynu ku wada caano waayeyno.

Haddaba waxan u soo jeedinayaa Madaxweynaha iyo labada Guddoomiye xisbi qaran inay waqtigan iska illaawaan khilaaf kasta oo dhexdooda jira, una tafo xaytaan dhismaha Somaliland isku duuban oo mucaarid iyo muxaafid wadajirta. si taa loo helo waa:
1- Inay degdeg isugu yimaaddaan oo ka wada hadlaan khilaafaadka ay hadda ku kala maqan yihiin 3da masuul iyagoon guddiyo diran balse fool ka fool u wada hadlaya, kuna heshiiyaan wax danta guud u adeegaya.
2- Inay meel isla dhigaan arrinta Komishanka iyo arrimaha kale ee ku xidhiidhsan sida saami-qaybsiga iyo muddaynta doorashada.
3- Madaxweynaha oo ah hoggamiyaha qaranka waxan u soo jeedineyaa inu muujiyo dedaal, xammil iyo maarayn bisil oo ay mar walba hagayso danta guud ee QARANKU.
4-Guddoomiyeyaasha mucaardku waa kuwii filayey inay madaxweyne noqdaan ee aan Alla qaderine waa inay iyana waayaha siyaasadeed ee mandaqadda ka jira iyo danta guud dartood ugala shaqeeyaan madaxweynaha wadajirka shacabka iyo dalka una heellanaadaan wixii dan qaran ah ee lagaga bedbaadayo goldaloolooyin cadawgu innaga helo.

Ugu dambayn waxan Maxadweynaha iyo Madaxda asxaasbta mucaaridka-ba u soo jeedinayaa inaanay 7da xubnood ee Komishanka doorashooyinka dalkeena iyo nidaamka xisbiyada badan ee aynu qaadannay u burburin ee ay xal keenaan.

Dadweynahana waxan ugu baaqayaa meel ay joogaanba inay aaminaan halhayska ah SOMALILAND HORTA (Somaliland first) oo iska diidaan kuwa shaydaanku horsocdo ee kala qaybinteenna ku foogan.

Allaha weyni tubta toosan innaga iyo madaxdeennaba ha waafajiyo.

   

Ammaana ALLA,
Amb Cali Aadan Cawaale