Somalilandpost | News and Analysis

Askar Ka Tirsan AMISOM Oo Xukun Lagu Riday

Muqdisho  (SL.Post) Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Uganda,  ayaa dambi ku heshay 9 Askari ka tirsan howl galka AMISOM, kuwaasoo bishii June ee la soo dhaafay la qabtay, iyagoo ku guda jiray iibsashada shidaalka ciidamada AMISOM.

 

 

xukun-amisom

 

 

 

Sagaalkan askari ayaa lagu xukumay xabsi u dhaxeeya sanad illaa saddex sano, waxaana lagu xukumay sababo la xiriira si xun u dhaqankooda, isla markaana ay ku kaceen dano shaqsiyadeed oo halis ku ah ciidamada difaaca Uganda.

xukun-amisom1

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Uganda Dick Olum iyo koox saraakiil ka socotay AMISOM oo bishii la soo dhaafay Muqdisho u yimid maxkamadeynta askartan ayaa xukunka riday

 

 

Ka sokow askarta xabsiga lagu xukumay, saddex askari oo kale ayaa sidoo kale laga eryey ciidanka, ayaga oo aan heli doonin wax lacag ah oo ku saabsan muddadii ay ciidanka u shaqeynayeen.

xukun-amisom2

 

 

Askarta loo xiray falkan dambiga ah bishii June ayaa ahaa shan askari, hase yeeshee baaritaan kadib ayaa la ogaaday in tirada guud ee askarta ku lugta leh falkan ay ahaayeen 18 askari, ayada oo lix ka mid ah dambiga lagu waayey.

 

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa

Fikraddaada kaga Dhiibo FACEBOOK

RAADI WARARKII HORE