Arrimo layskula qaatay kulan markii labaad ay isku-waajaheen DowladahaSomaliland iyo Denmark FAAHFAAHIN

Hargeysa (SLpost) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga Madaxtooyada ku qaabiley wefti  ay hoggaaminayso Safiirka Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Mette Knudsen oo ay wehelinayso Anne Elisabeth oo ah madaxa xafiiska Hay’adda horumarinta caalamiga ah ee dalka Denmark  u qaabilsan ee Somaliland ee DANIDA.

8B7A9723Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Safiirka ku bogaadiyey boqashada ay ku timid Somaliland, isagoo ku hambalyeeyey doorka muuqda ee Dalka Denmark ka qaato kaalmooyinka sanduuqa horumarinta dhaqaalaha Somaliland ee (SDF), iyo hay’adaha ka hawl-gala Somaliland, iyo xidhiidhka saaxiibtimimo ee ka dhexeeya labada dal.

Waxaanu madaxweynuhu xogwarran ka siiyey qorshayaasha xukuumadda ee shanta sanno ee soo socda iyo xaaladda guud ee abaaraha ka soo cusboonaaday xeebaha iyo gobolada dalka, waxaanu ku dhiirri-geliyey madaxweynuhu sidii ay gacan uga geysan lahaayeen arrinta abaaraha.

8B7A9715Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu u bandhigay dedaalka xukuumaddu ugu jirto sidii aanay doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanku dib uga dhici lahayn wakhtigii loo qorsheeyey oo ah horraanta sanadka 2019ka.

 Waxaanu madaxweynuhu dhambaal tacsi ah oo khaasa ugu dhiibay safiirka boqorada dalka Denmark oo u madaxweynuhu ka tacsiyadeeyey geeridii saygeeda ku timid.

Madaxweynuhu waxa uu safiirka u bandhigay sidii ay isaga kaashan lahaayeen xukuumad ahaan iyo Denmark shaqo abuur ay helaan da’a yarta Somaliland oo u baahan jihayn iyo in loo abuuro shaqooyin, waxaanu madaxweynuhu kala hadlay safiirada wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo lagu wado inay dhawaan dib u bilowdaan.

Dhinaca weftiga Safiirku waxa ay sheegtay in ay xoojin doonaan ka Denmark ahaan xidhiidhka labada dal ka dhexeeya, isla markaana ay xoogga saari doonaan iskaashiga labada dal iyo horumarinta ganacsiga, waxaanay madaxweynaha ku hambalyeysay hannaankii hufnaa ee ay u dhacay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay November 2017.

Ugu danbayn waxa uu kulankaasi ku soo dhamaaday sidii looga wada shaqayn lahaa loona xoojin lahaa xidhiidhka labada dal iyo horumarinta arrimaha bulshada.