Arrimaha lagaga Hadlay Kulan Dhexmaray Shir-guuddoonka Wakiillada iyo Safiirrada Midowga Yurub & Germany

Hargeysa (SLpost)- Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Somaliland iyo Somalia oo ay weheliyaan danjireyaal iyo dibloomasiyiin ka socda waddamada taageera Doorashooyinka iyo nidaamka Dimuqraadiyadeed ee Somaliland oo Khamiistii booqasho ku yimi dalka, ayaa maanta kulan la qaatay Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland.

 

Danjire Nicolás Berlanga Martinez oo ah masuul cusub oo dhawaan la soo magacaabay isla markaana ay weheliyaan danjireyaal uu ka mid yahay Safiirka dowladda Germany u qaabilsan Geeska Afrika Mrs Annett Günter, waxa ay kulan gaar ah la qaateen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Md Baashe Maxamed Faarax, waxaanay ka wada hadleen arrimo ku saabsan doorashooyinka Goleyaasha wakiillada iyo Deegaanka oo la filayo inay dalka ka qabsoomaan horaanta sannadka soo socda.  

 

 

Kulanka ayaa markii uu soo dhammaaday waxa arrimaha qodobbada laga wada-hadlay warbaahinta u faahfaahiyey Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax iyo Danjire Nicolás Berlanga Martinez oo isagu Khamiistii la kulmay madaxweyne Muuse Biixi oo ka guddoomay waraaqda Safiirnimada.

 

“Waxaanu ka wada-hadalnay Doorashooyinku inay dhacaan wakhtigoodii, wixii dhibaato ah ee horyaallana laga qaado. Safiirkii hore iyo safiirrada kaleba hore way inoogu yimaaddeen, safiirka Jarmalku waa markii labaad ee ay timaaddo,” Sidaas waxa yidhi Guddoomiye Baashe Faarax, waxaanu intaas ku daray in sidoo kale ujeeddada socdaalka Safiirka Jarmalku tahay sidii ay u soo indho-indhayn lahayd mashaariic dowladda Germany ka hirgelisay dalka kuwaas oo ay ka mid tahay Dib-u-dhiska Jidka Laamiga ah ee Isku Xidha magaalooyinka Hargeyska iyo Kala-baydh oo dhismaheedu socdo.

 

 

Danjiraha Midowga Yurub, ayaa faahfaain ka bixiyey ujeeddada socdaalka uu Hargeysa u yimi iyo Kulanka dhexmaray Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.

 

“Kaddib markii lay magacaabay booskan, si aan hawshayda u bilaabo, waa inaan is-baranno oo la kulmo Masuuliyiinta dowladda, Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo cid kasta oo ka shaqaynaysa nabadda iyo geeddi-socodka Dimuqraadiyadda, Guddoomiyaha Goluhuna waxa uu metelaa bulshada oo muhiimadda kowaad leh,” Sidaas ayuu idhi Danjiraha Midowga Yurub oo weriye ka tirsan Telefishanka StarTV weydiiyey Ujeeddada Socdaalka uu ku Yimi Somaliland.

 

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net