Afarta Xul ee Ka Soo Baxay Isreebreebkii Ciyaaraha Gobolada ee Qaybta Burco oo Maanta Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyay

 

Hargeysa(SLpost)-Xulalka Gobolada Sool, Xaysimo, Daadmadheedh iyo Sanaag oo ah afarta xul ee ka soo baxay wareeggii isreebreebka ahaa ee garoonka Alemsay, Burco ka qabsoomay ayaa si diiran loogu dhaweeyay duleedka magaalada Hargeysa. Wareeggii Sideed-dhammaadka oo Garoonka Hargeysa ka bilaabmaya ayey afartan xul u yimaadeen in ay ka qaybgalaan.

Xulalka goboladan afarta ah oo ay wehelinayaan badhasaabadoodu ayaa waxa soo dhawayntooda ka qaybqaatay wasiirro, xildhibaanno, aqoonyahan iyo dhallinyaro badan oo dhammaantood ku soo dhaweeyay gacmo furan iyo farxad.

Wasiirka wasaaradda hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Wasiir-xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, Xildhibaan Maxamed Xuseen Waabeeye, Xildhibaan Baar Siciid, Xildhibaanno kale oo halkaa ka hadlay soona dhaweeyay xulalkan ayaa waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin oo qalbi furnaan ku soo dhawaynayaan xulalkan aynna u rajaynayaan in ay guul ugu dhammaato.

 

“Aad baan ugu faraxsanahay in aannu halkan ku soo dhawayno ciyaaryahanadan gobolada berriga ka soo baxay, tababarayaashooda iyo waliba badhasaabada goboladanba. Aad baannu u soo dhawaynaynaa oo aannu ugu faraxsanahay markasta” Ayuu yidhi Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, guryeynta iyo gaadiidka oo soo dhawaynta xulalkan hadal soo dhawayn ah ka jeediyay.

 

Wasiir-xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa sheegay isaguna in uu soo dhawaynayo afartan gobol islamarkaanna ay farxad gaar ah u tahay in uu goboladan Hargeysa ku soo dhaweeyaa. Wasiirka oo soo dhawayntaa ka hadlayaa waxa uu yidhi “Waannu ku faraxsanahay afartan gobol ee maanta soo baxay. Waannad arkaysaan in aan loo kala hadhin soo dhawayntooda anna farxad gaar ah bay ii samaynaysaa  in aan soo dhaweeyo ciyaaryahanadan”

 

“Ku soo dhawaada garoonkii doogga lahaa, Waxana farxad innoo ah in aynnu ka mid noqono sideeda gobol ee ka qaybgala tartankan lagu furayo garoonka Hargeysa intan roogga la dhigay. Aad baan halkan uga mahadnaqaynaa ganacsatadii reer Burco ee sida wanaagsan uga qaybqaatay soo dhawaynta ciyaaryahanada goboladii tartanka kaga qayb galay garoonka Alamsey ee Burco.
Somalilandpost, Hargeysa Office, 2015