Somalilandpost | News and Analysis

Abwaan Yuusuf Shaacir: Naqdi kooban oo ku saabsan buugga Dharaaro Xusuustood

Yuusuf ShaacirIn su’aal jawaabteed leh

Lala sara kacaa fiican

Raganimada sooceeda

Adigoo sagaal buuxshay

Hal ku seegay baa yaalla

Maansada Sirta Nolosha, Hadraawi

27-kii January 2017 waxaa Hargeysa lagu soo bandhigay buugga Dharaaro Xuusuustood oo uu qoray Maxamed Siciid Gees oo ah ruug-caddaa siyaasi ah oo muddo dheer ka tirsanaa Golaha Wasiirrada ee xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland iyo xukuumaddii kacaanka ee Soomaaliya.  In muddo ah ayaan la socday qoraalka buugga, waxaanan ka mid ahaa dadkii ku taxnaa maqalladii qoraagu faafin jiray.  Xafladdii daahfurka nasiib umaan yeelan in aan ka qayb galo laakiin waxaan nuqul ka iibsaday dukaannada buugaagta lagu gado. Markii aan akhriskiisa dhammeeyey waxay ila noqotay in aan faalladan kooban ka qoro.

Aan marka hore afeeftee, ma ihi qalinmaal waayo-arag ku ah naqdiga buugta, laakiin waxaan ahay dadka jecel akhriska, waana sababta aan u daneeyo in aan wax ka qoro buuggii iila muuqda in uu u qalmo in la falanqeeyo oo wax laga toosiyo ama laga iftiimiyo. Ujeeddadayduna maaha in aan buugga u yeelo dhalliilo aanu lahayn ama aan wax u dhimo aqoonta iyo waayo’aragnimada qoraaga. Waase in aan naqdiyo oo kali ah. Naqdiguna wuxu leeyahay faa’iidooyin dhawr ah oo ay ka mid yihiin:

  • Wuxuu baraarujiyaa qoraaga oo iska saxa ama iska gufeeya meelihii uu ilduufay daabaciiddii koowaad.
  • Wuxuu feejignaan ku abuuraa qoreyaasha dhexda ku soo jira iyo ciddii wadda buugaag cusub, wuxuuna ku abuuraa dareen ah in ay tayada hagaajiyaan inta aanay dadka hor keenin.
  • Wuxuu sare u qaadaa hadal-haynta buugga, waxaanu abuura xiise ay dadku ku raadiyaan buugga la naqdiyayo.

Dharaaro Xusuustood guud ahaan waa buug si farshaxanimo iyo xeeldheeri leh loo qoray, dhacdooyin iyo taariikho badanna xabaarsan, aqoon iyo waayo-aragnimona ay ka muuqato.  Jaldigiisu wuxu ka kooban yahay laba midab oo ah caddaan iyo dahabi, waxaana far waaweyn oo madow ku qoran magaca buugga iyo qoraaga. Farriin aan malaynayo in ay tahay ta ugu muhiimsan ee qoraagu gudbinayo ayaa jaldiga dusha kaga qoran. Waxayna u dhigan tahay sidan:

“Habdhaqanka beelaysiga ah ee madaxda Soomaalidu ku kacdo ayaa ugu weyn waxa sharafta iyo maamuuska ka qaada hay’adaha xukuumiga ah.”

Buuggu wuxuu ka kooban yahay 269 bog, wuxuuna u kala baxaa 9 cutub oo aan baadi-sooc lahayn. In kasta oo uu Gees qormooyinka buuggan hore maqaallo ahaan ugu faafiyay, haddana in buug laga dhigo oo meel la isugu geeyo waan soo dhawaynayaa.

Dharaaro xusuustood coverHawl kasta oo basharku qabtaa ma qabyo beesho. Waxaa hore loogu maahmaahay “Nin habari dhashay hal ma seegi waayo.” Bal aan is yara dul taago qaybo buugga ka mid ah oo dhalliil iyo iimoba yeelan kara.

Ugu horrayn buugga jaldigiisa dhabarka marka aad u rogto waxaa kuu muuqanaya il-duuf aan garawshiiyo lahayn. Waxaa ku qoran laba qormo oo kala hooseeya. Ta koobaad waxay ku bilaabmaysaa: “Maxamed Gees waa goobjooge la nool dhacdooyinka uu dhaxal-dhitaynayo…” Qoraalkaas oo aan taf dheerayn waxa ku suntan Maxamed Baashe Xaaji Xasan. Qoraalka labaad wuxuu ku bilaabmayaa: “Nuxurka guud ee buuggan Dharaaro Xusuustood waa in aynu wadaagno sooryada sooyaal ee mudane Gees innagu martiqaaday…”  Qoraalku wuu sii soconayaa isaga oo waliba qurux badan. Nasiib darro, lama garanayo cidda qortay. Qoraal aan summad lahayn in jaldiga dushiisa la dhigaa waa dhaliil.

Gogol-xaadhka oo uu qoray tifaftiraha buuggu waa mid kooban oo aan ka turjumayn baaxadda iyo culayska buuggu leeyahay. Waxa halkaa ku luntay fursad lagu faahfaahin lahaa falsafadda buugga isla markaana kor loogu qaadi lahaa filashada akhristaha. Waxaa iyaduna af-Soomaaliga gef ku ah in tifaftiruhu si uu inoo dhacsiiyo macnaha “gogol-xaadh” uu innoogu sharxo ereyga “foreword” oo af-Ingiriisi ah.

Kala-duwanaanshaha Gees iyo Qaybe

Cutubka 1aad, bogga 19aad, waxaa ciwaan looga dhigay “Kulankii dhex maray wefti Somaliland ah iyo Boqorka Ethiopia.”  Wuxuu qoraagu sheegay in kulanka Boqor Xayle Selaase ay ku weheliyeen laba wasiir-ku-xigeen oo Soomaali ah kana tirsan xukuumaddiisa halka weftiga Maxamad Xaaji Ibraahin Cigaal-na ay wehelinayeen Cali Garaad Jaamac, Xaaji Ibraahin Nuur iyo Axmed Xaaji Ducaale.

Kulankan uu Gees soo tebinayo waxa goobjooge ka ahaa Danjire Axmed Maxamed Aadan “Qaybe” oo isla markaana ahaa xoghayntii weftiga Somaliland. Wuxuuna ku soo bandhigay buuggiisa la yidhaa “Qaybe iyo Caalamka.” Buugga Qaybe iyo kan Gees waxa daabacday shirkad isku mid ah.

Qaybe isaga oo shirkan ka warbixinya wuxu yidhi:

“19kii Meey 1960kii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, saddexdiisii wasiir iyo aniga oo xoghayn ahaan ula socday ayaa u ambo-baxnay Addis Ababa, caasimadda Itoobiya. Ujeeddada safarkaasu waxay ahayd Boqor Xayle Selaase in laga codsado soo-celinta “Hawd iyo Reserved Areas.” Boqorku qasrigiisii ayuu weftiga ku qaabilay. Dhinaca midigtiisa waxaa fadhiyey Ra’iisal-Wasaarihiisii Ato Aklilo Hapte Walde iyo dhawr wasiir oo uu ka mid ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha oo uu Boqorku soddog u ahaa.  Dhicana bidixda waxaa dhafiyay wasiirradii Somaliland iyo aniga. Labada geesood dhexdooda waxaa turjumaan ahaan u fadhiyay  Cabdiraxmaan Sayid Maxamed Cabdille  Xasan, wasiir-ku-xigeenkii Arrimahah Gudaha.

Gees wuxu ka tagay qayb ka mid ah dadkii madasha fadhiyey sida Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiir-ku-xigeenka Arrimha Gudaha Cabdiraxmaan Sayid Maxamed Cabdalle Xasan oo ah nin aabihii Soomaalida caan ka yahay. Dhinaca Somaliland wuxu iyadana il-duufay xoghayihii weftiga, Axmed Maxamed Aadan “Qaybe.”

Sidoo kale labada buug waxay ku kala duwan yihiin nuxurka khudbadihii meesha laga jeediyey siiba tii Boqor Xayle Selaase. Gees wuxu u dhigayaa in Boqorku Somaliland u arkayey dal jaar la ah, halka Qaybe soo bandhigay in Boqorku Somaliland u arkayey qayb ka mid ah Itoobiya.

Gees wuxu yidhi:

“(Boqorku wuxu yidhi) Ma jirto sabab  aan ku colawnaa oo midabkeena, dalkeena iyo ciiddeena  ayaa ina mideeya. Markii British-ku uu idiin oggolaaday xorriyaddiina Muqdisho ayaa aad tagteen si aad ula midoobi lahaydeen Somalia ee maxaad noogu iman waydeen intaydaan tegin Muqdisho iyo Landon?  Halka Ethiopia oo ah deriskiina koowaad oo ah dal madaw,  maxaad annaga noogu soo horreyn waydeen  hadhaw waxaad doontaan sameeyoo (B.24aad).”

Qaybe wuxu qoray:

“(Boqorku wuxu yidhi) Soomaalidu waa qowmiyad  Itoobiya ka mid ah laakiin uu isticmaarku duufsaday. Wuxuu yidhi tusaale ahaan xoghayihiinu isaga oo farta igu soo fiiqaya haddii uu galabta Addis Ababa dhex lugeeyo lagama garan karo dadka Itoobiyaanka ah. Boqorku wuxuu xusay oo halyeeyadii Itoobiyaanka ahaa ku sheegay Sayid Maxamed Cabdille Xasan, Cumar Samatar iyo Xaaji Faarax Xayd (B.36aad).”

Shirarkii Nabadayta ee Garaad Cabdiqani

Cutubka 2aad, B. 41aad, waxaa cinwaan looga dhigay: “Doorka bulshadu ku lahayd nabadeynta Somaliland.” Hordhac gaaban kadib wuxuu leeyahay qoraagu:

“Waa dabayaaqadii sannadkii 1989. Magaalooyinka Hargaysa, Burco, Berbera, Gabiley, Ceerigaabo iyo tuulooyinka ay beelaha Isaaq degaan waa haawanayeen. Dadkii, maatadii, waayeelkii rag iyo dumar waxaa ay qaxoonti ku yihiin xeryo lagu teeday Kililka Shanaad ee Itoobiya halkaas oo ay ku dhibaataysnaayeen.  Koox aqoonyahanno iyo madax-dhaqameed ah oo reer Sool iyo Reer Buuhoodle ah oo uu hoggaaminayo Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa socdaal ku gaalaa bixiyey xeryhaas qaxoontiga ilaa Baligubadle oo ahaa xarunta SNM. Garaadka waxaa socdaalkiisaa ku waheliyey oo aan hadda ka xusuustaa Ijineer Maxamed Cali Caateeye oo maalgaliyey hawsha iyo Baashe Cali Jaamac oo hadda ah Wasiirka Biyaha Somaliland. Waxaa kale oo ka mid ahaa oday dhaqameed caan ah oo la yidhaado Cali Qamar (B.42).”

Gees halkan wuxu il-duufay laba qodob oo muhim ah. Marka koowaad wuxu ka tagay qaybo ka mid ah safarkii Garaadka ee nabadaynta. Boobe Yuusu Ducaale oo xilligaa ahaa Ku-simaha Guddoomiyaha SNM, weftiga garaadkuna ay la kulmeen wuxu buuggiisa Dhaxalreeb: Horraad, ku qoray sida tan:

“Garaad Cabdiqani wuxuu yimi Baligubadle isaga oo lib sida. Intii aanu Baligubadle iman Hawl-gal ballaadhnaa oo nabadeed ayuu dhammaantood ku wada guulaystay, Soomaaliyina meel ay joogtaba way mahadisay hawlgalladaa iyo heshiisyadaa nabadeed oo dhex maray beelo Soomaaliyeed. Heshiisyadaa waxay tusaale u soo qaadan karnaa:

Qararro: 10-11/2/90kii

Dannood:15-16/8/90kii

Gawlallaale: 20- 22/2/90kii

Gaashaamo: 20- 22/8/90kii

Wanaagsan: 6-9/90kii (Bogga 423)”

Marka labaad, muu xusin cidda uu xiganayo. Boobe Yuusuf Ducaale oo aan weydiiyeyna wuxu ii sheegay in aanu Maxamed Siciid Gees weftigaa la socon.

Suugaanta uu qoraagu xiganayo

Waan ku bogaadinayaa qoraaga suugaanta uu soo xiganayo, waxayna buugga ku kordhisay qurux. Haseyeeshee qaarkood wuxu ka tagay xuquuqdii hal-abuurka halka uu kuwo kalena u nisbaynayo cid aan lahayn.

Bogga184 oo ciwaan looga dhigay: “Qorshayaasha Ingiriisku ka damacsan yahay Soomaaliya” wuxu ku bilaabay tixdan:

Isma oga Ismiidh iyo ninkii ayra foofsaday eh

Isma oga agoon iyo ninkii aabahood dilay eh

Isma oga waraabaha amliyo awr habeensaday eh

Gabaygan oo uu leeyahay hal-abuurkii weynaa ee Ismaaciil Mire qoraagu meelnaba kuma sheegin. Sidoo kale bogga 195 wuxu qoraagu ku bilaabay tix caan ah. Wuxuu yidhi:

Goodiga Bancawl buu fakhrigu geed ku leeyahaye

Gaajada hu’ geedii miyaa galabta lay saaray

Gabaygan qoraagu wuxu ku sheegay in uu leeyahay Ina Cawad Bayle, waxase leh nin la odhan jiray Cali-Xamaal.

Ugu dambayn, aan hambalyo kal iyo laab ah u gudbiyo Maxamed Siciid Gees. Wuxu ka mid yahay qoreyaasha tirsan ee da’diisa ah ee kartida u yeeshay in ay weeleeyaan wixii ay waayo-aragnimo soo mareen. Wuxuu guday xaqii ay ku laahayeen jiilka soo koraya oo baahi u qaba in ay helaan wax qoran oo aan fadhi-ku-dirir ahayn. Waxaan iyadana hambalyeynayaa shirkadda ASAL ee buuggan daabacday oo kaalin wanaagsan kaga jirta horumarinta aqoonta bulshada.

Fikraddaada kaga Dhiibo FACEBOOK

RAADI WARARKII HORE