CAAFIMAADKA MASKAXDA MAXAA KOBCIYA? DARAASAD AY ISKU DUBA-RIDEEN 400 OO AQOONYAHANO AH

Hargeysa (SLpost)-Shaqooyinka fud-fudud ee ay ka midka yihiin dhir-beerista, jimicsiga gaaban iyo iwm oo aad samayso maalin walba waxa ay ilaaliyaan caafimaadka maskaxeed ee qofka, sida lagu shaaciyey natiijada cilmi-baadhis dhawaan la daah-furay.

Khubarada soo saartay daraasaddan ayaa sheegay in shan shaqo oo noocan ah oo maalin walba la sameeyo ay u keeni karaan maskaxda deggenaansho iyo fikir qotodheer oo wax ku ool leh, si la mid ah sida ay caafimaadka jirka u ilaaliyaan marka la qaato noocyo khudaar ah oo kala duwan maalin walba.

Warbixinta daraasaddan waxa si wada jir isugu soo dubba-riday 400 oo aqoonyahanno ku takhasusay culuumta cilmi-nafsiga iyo Cilmiga hab-dhiska nooleyaasha (Biology). Felicia Huppert oo ah macalin Cilmi-nafiga ka dhiga jaamacada Cambridge ee dalka Ingiriiska, isla markaana hagayey qayb ka mid ah mashruucan ayaa yidhi, “Waxaannu ogaanay inay jiraan shan waxyaabood oo kala duwanaansho qoto dheer ku abuuri kara hab-nololeedka caadiga ah ee dadka, iyada oo mid kastaana ay leedahay caddayn loo tix-raaci karo.”

Waxa uu sheegay in ficilladani ay qof walba u fududyihiin inuu qabto maalin walba, sida ay muhiimka u tahay in maalin kasta lagu dhiirri-galiyo cunista shan nooc oo khudaarta kala duwan ah.

Shantan qaybood ee ah ficillada maalin walba loo bahan yahay ayaa lagu sheegay inay kala yihiin: booqashada qaraabada, asxaabta, gacalka iyo jaarkaba, u furfurnaanta ciyaaraha iyo sidoo kale shaqooyinka yar yar e ay ka midka yihiin beer-falista, Barashada xirfadaha kala duwan, iyo sidoo kale fursad siinta dadka kula wadaagaya hawsha aad markaasi gacanta ku hayso.

Xigasho Warsugan