Xusuusihii iyo Mahadhooyinkii Professor Xuseen Tanzaaniya

TanzaniWaxa Alle ha u naxariistee taariikhdu markay ahayd 15-1-2017 ku geeriyooday Magaalada Boston ee dalka Maraykanka aqoonyahan Soomaaliyeed oo taariikh facweyn lahaa oo mahadhooyin ka bidhaamay geyiga Soomaalida iyo caalamkaba kaga tegay.

Haddaba, waxaynu maqaalkan kooban ku milicsan doonaa taariikh sar-ka-xaadis ah oo aanan ku qoto-dheeraanayn oo shiishka saaridoonta heerkiisa aqooneed ee Professor Xuseen Maxamed Aadan (Tanzania), waxqabadyadii uu sameeyay, meeqaamkii uu gaadhay Professor Xuseen Maxamed Aadan (Tanzania) iyo weliba doodihii uu kucaanbaxay kagana guulaystay xeel-dheerayaal arrimaha siyaasada oo caalamiya.

Ugu horeyn, Professor Xuseen Maxamed Aadan (Tanzania) waxa uu ku dhashay magaalada Caruusha (Arusha) ee Woqooyiga dalka Tanzania sida uu ku sheegay Documentary uu sameeyay hilaadii sanadkii 1980kii kaasi oo uu kula baxay Magaciisa Xuseen Tanzania.

Aqoontu waa furaha nolosha waana aasaaska horumarka ee shakhsiga iyo bulshadaba. Professor Xuseen wuxuu aqoondurugsan u lahaa kuna takhasusay Isbarbardhiga siyaasaddaha  (Comparative Politics) siiba tan Geeska Afrika, dhisitaanka Dimuqraadiyadeed (Democracy building), Khilaafka qoymiyadaha (Ethnic Conflict), Xallinta khilaafaadka (Conflict resolution), Horumarka guud ahaaneed (Development) iyo Maaraynta iyo maamulidda Hay’adaha aan dawliga ahayn (NGO Management and leadership).

Professorku waxa uu ka mid ahaa Aqoonyahanaddii u horeeyay ee aduunku u aqoonsado Professor-nimadiisa. Waana Aqoonyahankii Soomaliyeed ee u horeeyay ee shahaadada Doctrote kaqaata Jaamacadda Harvard, isaga oo aqoon gaara u lahaa Culuumta Siyaasada (Political Science). Taasi oo uu Shahaadadii heerka u saraysa ee PhD oo u ka diyaariyay Culuumta Siyaasada (PhD in Political Science) kaqaatay Jaamacadda caanka ee Harvard University. Halka uu Shahaadadiisii heerka labaad ku diyaariyay Baadigoobka loogu jiray helista far qoran oo Afka Soomaaligu yeesho. (A nation in search of a script) oo ahaa buug cilmi-yeedkuu u gudbiyay Jaamacadda Bariga Africa (University of East Africa). Buug cilmiyeedkaas waxa uu u yahay keyd ay ka heli karaan dadyowga Soomaaliyeed ogaal la xidhiidha qorista far Soomaaliga, halgankii loo soo galay iyo halyeeyadii kasoo shaqeeyayba. Prof. Xuseen waxa uu muddo dheer Bare sare ka ahaa Jaamacad kutaalla Dalka Maraykanka oo lagu magacaabo College of the Holy Cross.

Professor Xuseen Maxamed Aadan (Tanzania) waa aas-aasihii unkaySomali Studies International Association” (SSIA), amase “Ururka Cilmi-baadhista Soomaaliyeed” oo ah dallad ay ku bahoobeen Aqooyahanada ruug-cadaaga ah iyo da’yarta aqoonta leh ee Soomaliyeed, kuwaas oo ku kala nool daafaha dunida si ay u helaan madal lagu soo bandhigo cilmi-baadhisaha cusub ee ku aadan arimaha Taariikhda Soomaalida, Siyaasada, iyo Degaanka. SSIA Waxa la aasaasay sannadkii 1978kii, Ururku waxa  uu qabtay 12 doodood oo si heersare ah loo soo agaasimay kana dhacay Daafaha dunida sida Columbus, Ohio iyo Djibouti. Waxa se xusidmudan in kulankii 13’aad ee ay qabtaan Ururka Cilmi-baadhista  Soomaaliyeed ee uu aas-aasaha ka ahaa Xuseen Tanzania uu ka dhaco Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Somaliland iyaga oo kaashanaya Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, Redsea, kuna beegnayd 23-July-2016 taas oo uu Professorku qayb libaax ka qaatay oo ka mid ahaa marti-sharaftii ugu mugga wayneyd ee kasoo xaadirtay khudbadaha dhaxal-galka ahna kajeedisay.

Sidoo kale, Professor Xuseen waa aas-aasihii unkay the Somali Unit for Research on Emergency and Rural Development (SURERD) kaasi oo ah urur Cilmi-baadhis ku sameeya Xaaladaha deg-dega ah iyo Horumarinta Reer miyiga.

Waxa Alle ha u naxariistee Marxuumku sumcad iyo karaamo kulahaa badiba goobaha Aqoonta lagu kobciyo, masraxyo-doodeedka, kulamada lagu falanqaynayo arrimaha siyaasada, afka iyo Taariikhaha iyo weliba Shirarka caalamiga ah. Waxaa uuna kartidiisa iyo dadaalkiisa dheeriga ah ku kasbaday biladdo sharaf iyo Abaal-marino heersare ah oo ay ka mid yihiin:

  • The Hewlett Mellon Award;
  • Harvard University W. E. B. Du Bois fellowship;
  • De Witt Clinton Poole Memorial Prize;
  • Rockefeller fellowship; and
  • Africa Development Foundation fellowship

Professorku ma ahayn mid ku kooban uun Aqoontiisa inuu kor u sii wado se waxa uu bulshada Soomaliyeed, kuwa Afrikaanka ah iyo kuwa Caalamkaba uga tegay dhaxal maguuraan ah iyo buugaag la mahadiyay oo uu Xuseen Tanzania qoray intuu ifka joogay. Dhiganayaasha iyo war-bixinaha hirgalay kuna faafay caalamka ee uu kategay Xuseen Tanzani Alle ha u naxariiste waxay kuqoranyihiin luuqadda qalaad ee Ingiriisiga.Waxaana ka mid ahaa:

 

Ugu dambeyntii, Professor Xuseen Maxamed Aadan (Tanzania) waxaa in badan oo innaga mid ahi ku xusuusataa waayo-aragnimadii iyo dhiiranaantiisii uu u lahaa dad qancinta iyo doodaha, kaasi oo madalo badan kaga caanbaxay nin lama loodiye ah oo guulo kasoo hooya fagaare kasta. Waxaana ka mid ah dood sannadkii 1977 ka dhacday Magaalda Lagos ee Neyjeeriya, oo uu isaga oo dhalinyar ah oo hogaaminaya koox uu doodiisi libin kasoo hooyay sugayna in Afka Sawaaxiligu noqdo Luuqadda rasmiga ah ee Afrika, halka khubaro kasoo horjeeday ay qabeen in Afka Xawsuhu noqdo luuqada rasmiga ah ee Africa!!.

Runtii waxaan qabaa inaan maqaal iyo qoraaltoona looga geyoonayn Xuseen Tanzania oo kolba waxa kusoo maaxanaya maankayga Raadad uu kategay Aqoonyahanku.

Waxaan kusoo afmeeri lahaa maqaalkayga in uu Professor Xuseen Maxamed Aadan (Tanzania) ahaa Suxufi ruug-cadaaya oo sameeyay Documentariyo taabo-gal ah sida (Submission of Limit 1980) oo uu kaga hadlayo Saamaynta dagaalkii Ethiopia iyo Somalia ee 1977. Waxaana uu ka gaadhay heerarkiisa saxaafadeed inuu noqday weriyihii BBC uga soo warami jiray dalka Tansaaniya.

Xasuusin: Wixii laaxin ah ee ku jira amase madmadow taariikheed maaha u kas diyaarna waan u ahay inaynu wada-saxno.

Alle ha u Naxariisto Marxuum Professor Xuseen  Maxamed Aadan (Tanzania).

 

WabillaahiTawfiiq.

W.Q: Yaxye Maxamed Cabdi “Xanas”

Email: xanas08@gmail.com

Hargeysa, Somaliland.