Xuska Maalinta Dhalinyarada Somaliland oo si weyn loogu dabbaal-degay iyo Madaxweyne ku-xigeeka oo ka Qayb-galay

SONYOHargeysa (SLpost) Magaalada Hargeysa waxaa siweyn looga xusay maalinta dhalinyaradd Somaliland taasi oo loo asteeyay 20-ka bisha February oo sannad kasta la xuso.

Waxaana socodka luga subaxnimadii Maanta ku maray inta u dhaxeysa xarunta wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo taalada xuska UFFO ee ka soo horjeedka maxkamadda gobolka Maroodijeex inta hataan ka nool dhalinyaradii maalintii dhagax-tuurka, masuuliyiinta ugu sareeya wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha,Dallada Dhalinyarada Qaranka Ee SONYO ,bulshoweynta caasimada iyo waliba ardayda kala duwan ee dugsiyadda dalka.

xuska maalinta dhalinyarada (2)

Xuska maalintan ayaa waxaa ciwaan looga dhigay ‘Qaran wuxu dhaqaaqa xidigaha u dheelmaa, marku dhumuc awoodiyo, dhalin xoogan yeeshe’. Iyada oo halku dhiga sanadkanina uu ahaa Daahfurka Awoodaha Dhalinyarda Somaliland.

Gudoomiyaha daladda heer qaran ee Somaliland Sonyo Cabdicasiis Siciid Saalax oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay munaasibadii lagu weynayay maalintan oo ka qabsoontay Hutel Ambasator ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu yidhi  “Maanta waa maalin taariikh facweyne leh, taariikhdeeduna waxaa ay ka soo bilaabantey dhalinyaradii ka hortagtey diiday, dulmigii dawladii gabood falka badneyd ee Siyaad Bare, dhalinyaraddu maalintii ay dhagax-tuurka sameeyeen ilaa maalintii aynu wadanka qabsaney waxaa socday halgan dheer oo dalkan, anaga oo og shaqa la’aanta jirta waxaa aanu nidhi laba boqol oo Kun ayaanu u heynaa, ;labadaasi boqol ee Kuna hadii aanu is nidhaahno qaybiya oo wax u qabta in aanay wax badan gaadheyn ayaanu og-nahay, sanduuqan waxaa aanu sanadkaaba jilcineynay oo dhan walba kaga nimid sida uu u eekaanayo qorshaha lagu shaqeynayo cida ka mid noqoneysa, markaa waxaa ay noqoneysa mid dawladdu ay qayb ka tahay, mushtamaca aan dawliga aheynina ay qayb ka yihiin, ganacsataduna ay qayb ka tahay”

xuska maalinta dhalinyarada (3)

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada “Dhalinyaradii reer Somaliland ee joogtay wakhtigii ugu adkaa ee markhaatiyaashoodu ay yihiin kuwa goobtani maanta ku sugan, ee dilka lagu xukumay iyo kuwii ku dhawaaday, hadii ay ahaayeen aasaasayaasha qaranimadda Somaliland ee dabkii iyagu ay shideen iyo durbaankoodi iyo naf hurnimadoodii, aynu hada ku soo gaadhney aynu sida aynu doono ugu damaashaadeyno, maxay tahay hiigsiga iyo caqliga iyo aqoonta iyo ujeedada iyo macnaha fikirka ay doonayaan inay gaadhaan dhalinyaradda maanta joogta maxay tahay? waxaan hanbalyaynayaa urrurka dhalinyaradda qaranka Somaliland ee SONYO, aniga oo uga mahad celinaya munaasibadan ay sida weyn u soo abaabuleen, iyo ka wasiirkooda ee qaaliga ahba, laguna dareensiinayo bulshada reer Somaliland dhalinyaraddu maxay tahay? aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa”

“Waxaan halkan hanbalyo uga dirayaa dhammaan bahda wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasi oo garoomadda Somaliland dhammaantood ku qaban doona ciyaar laguna soo dhaweynayo laguna sagootiyayo xuska maalintani”Ayuu yidhi wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilllaahi Ismaaciil Saylici  ayaa golaha guurtidda iyo wakiiladda ku dhaliilay muda badan ee ay kuraasta fadhiyaan waxaanu soo jeediyay in lagalo doorasho xor iyo xalaala waxaanu yidhi  “Dhalinyaranimdda wakhtigeedu waa qaali, waa in aydaan wakhtigiina ku luminin qabyaalad iyo balwadaha aan loo baahneyn, ee aad noqotaan dad soo jeeda oo shaqo u diyaara oo waxqabtaan wadankana wax ka badel ku sameeyaa, Dimuquraadiyadii waxaa aynu sameynay inay kuraastu isbedesho, oo madaxweyneyaal isbadela’aan, hase ahaate golihii sharci dejinta in uu midna fadhiyo 26-sano midna fadhiyo 24-sanadood bar ayay ku tahay qaranimadda Somaliland, taasina waxaa ay u baahan tahay far kaliyihi fooll ma dhaqde in loo wada diyaar garoobo sidii doorasho xor iyo xalaala loogu diyaar garoobilahaa, wixii wanaagsana aynu u taageerilaheyn, cida inaga carqaladeyneysana dhan uga soo wada jeesanlaheyn, aad iyo aadna waan idiin hanbalyeynayaa oo maanta waa maalintiini”

xuska maalinta dhalinyarada (1)

Mid ka mida dhalinyaradii maalintaasi goob jooga u aheyd dhagax tuurkaasi ayaa ku taliyay in manhajka qaranka Somaliland lagu daro barashadda taariikhda maalintani waxaanu yidih “Maanta waa maalin taariikhiya, waana in lagu daraa manhajka iskuuladda. waxa ugu mihiimsan ee taariikhda loo barta waa inaan lagu celin khaladaadkii hore u soo dhacay, bulshadda badhkeed waxaa ay yidhaahan maxaa isbadelay, intiina dhalinyaradda ah ee hada sawirqadayaasha ah ee kamaradda indhaha iga galinaya lama ogoleyn, waxaa ceynkaasi oo kale ah, xoriyatul qawlka lama ogoleyn, dadka laf ahaantiisa ayaaba la xasuuqayay”Ayuu yidhi mid ka dhalinyaradii maalintaasi goob jooga u soo aheyd”

Waxaa Sidoo kale Xusid mudan in xuska maalintan dhalinyarada Somaliland ayaa sidoo kale laga xusay guud ahaan magaalooyinka waa weyn ee Somaliland iyada oo ayna ku beegantahay 37 guuradii maalintii dhagaxtuurka.