Xulka Kubadda Cagta Holland oo Kaalinta Koowaad ka riixday Xulka Spain

SLpost Sports – Xulka Spainoo xulalka adduunka ugu horreeyay muddo badan ayaa haataan  ay soo dhamaatay, iyadoo xulka Holland uu hogaaminaayo kaalinta koowaad ee kala saraynta xulalka adduunka ee FIFA.

Spain ayaa booska kaalinta koowaad iska heysatay muddo ka badan  tan iyo intii ay qaadeen koobka adduunka, laakiin guuldarro ka soo gaadhay ciyaar saaxiibtinimo oo ay la yeesheen Italy ayaa waxa ay keentay in xulka Orange uu ka bedelo kaalintaas.Hollandayaa noqotay dalkii 7-aad ee kaalinta koowaad ka galay kala saraynta xulalka adduunka, oo bishii mar ay soo saarto FIFA.

Guushii ay Uruguay ka gaadhay Copa America ayaa waxa ay keentay inay noqdaan kooxda ugu sareysa ee Koonfur America iyagoo ku jira kaalinta shanaad, halka Brazil ay ku dhacday kaalinta lixaad.Germanyweli waxay ku jirtaa kaalinta 3-aad, halkaEnglanday u dhaqaaqday kaalinta afraad. Inta kale ee soo hadhay ee 10 xul ee adduunka ugu saraysa waxa weeye  Italy, Portugal Argentina iyo Croatia.Xulka ugu soo horreeya ee qaraada Africa waa xulka Ivory Coast waxaana ay ku jiraan kaalinta 15-aad.

Xulka dalkaSomaliaayaa isuguna ku jiraa kaalinta 193-aad, halka uu xulka dalka Jabuuti uu ku jiro kaalinta 196-aad.Kenya ayaa iyaduna ku jirtaa 133-aad, halka dalka Ethobia ay ku jirto kaalinta 14-aad

Somalilandpost.net

Sports News Desk