Xukuummadda Somaliland oo hurinta Colaadda Ceel-Afweyn ku eedaysay Dad aanay Magac-dhabin

Hargeysa ( SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa masuuliyadda iyo Cidda ka dambaysa hurinta colaadda Soo noq-noqota ee Deegaanka Ceel Afweyn ku eedayday shaqsiyaaad aanay si gaar ah u magac-dhabin, balse ay ku tilmaantay inay isugu jiraan Qurbe-joog iyo qaar gudaha dalka ku sugan.

 

Hadalkan ka soo yeedhay xukuumadda ayaa ku soo beegmay iyadoo ay dib u soo cusboonaatay xiisadda colaadeed ee ka taagan degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag oo u dhaxaysa laba beelood oo wada-daga, taas oo dhacday kaddib markii weerar lagu bartilmaameedsaday meherad ganacsi oo ku taala magaaladaas uu sababay geerida dhowr qof oo haween u badan.

 

Faahfaahinta warka kaga boqo muuqaalka Hoose