Xukuumadda Somaliland oo shaacisay Khasaaraha 3-dii bilood ee u dambeeyey ka dhashay Shilalka Gaadiidka

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa faahfaahin ka bixiyey khasaaraha ay sababeen shilalka gaadiidka ee ka dhacay Somaliland saddexdii bilood ee u dambaysay.

 

Wasiir Cabdilaahi Abokor waxa kale oo uu sharraxaad ka bixiyey shuruuc cusub oo ay xukuumaddu ku soo rogtay Gaadiidleyda iyo sharciga darawalnimada oo shuruudo adag lagu xidhay.

abokor

Wasiirku waxa uu arrimahan kaga hadlay munaasibad ay qabsatay shirkadda Caymiska ee Takaful oo u dabbaal-degtay sannad-guuradeed 5aad ee markii shirkaddaas la aasaasay.

 

MUUQAALKAN HOOSE KAGA BOGO WASIIRKA OO ARRIMAHAN SI FAAHFAAHSAN UGA HADLAYA

 

https://youtu.be/VdeBJIH_64o