Xukuumadda Somaliland oo Shaacisay Cidda Fasaxday Markab Xoolo Sidey oo Xannibnaa Dekedda Jiddah

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixisay qaabka xayiraadda looga qaaday Markab Xoolo ka qaaday Dekedda Berbera oo maalmihii u dambeeyey ku xannibnaa Dekedda Jeddah ee dalka Sucuudi Carabiya.

 

Markabka oo todobaadkii hore ku xidhay Dekedda Jeddah isla markaana u rarnaa Ganacsato Somaliland iyo Carab isugu jirtay, ayaa dowladda Sucuudigu u diidday in xoolahaas la rago sababo la xidhiidha oggolaanshiyo laga soo qaato wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda Sucuudigu u xayirtay markabkaas amar xaggeeda uga yimi, markii dambena ay iyadu xayiraadda ka qaadday.

 

Faahfaahinta Warkan kaga bogo Muuqaalkan Hoose