Xukuumadda Somaliland oo faahfaahin ka bixisay Daan-daansi Milatari oo uga yimi Maamulka Puntland iyo Jawaabta ay ka bixinayaan

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Gaashan-dhigga Somaliland Ciise Axmed Yuusuf oo uu weheliyo taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo maanta si-wada jir ah shir-jaraa’id ugu qabtay magaalada Hargeysa, ayaa faahfaahin ka bixiyey daan-daansi Milatari oo kaga yimi dhinaca maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

somaliland_MilatariWasiirka iyo Taliyuhu waxa ay sheegeen in maalintii shalay hub lagu soo riday Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan Jiidda Xuduudka u dhow ee deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, balse aanay wax khasaare ahi ka dhalan. Haseyeeshee, waxa ay sheegeen in tallaadani tahay daan-daansi loola soo badheedhay ciidamada Qaranka, taasina aanay ahayn mid ay u dul-qaaadan karto Somaliland.

Faahfaahinta WArkan ka daawo Muuqaalkan Hoose