Xukuumadda Oo Cadaysay In Diiwaangelinta CodbixintaLaga Bilaabayo Goobaha Lagu Muransan Yahay Ee Waqooyiga Hargeysa 

Hargeysa  (SL.Post) Xukuummada Somaliland, ayaa cadaysay in diiwaangalinta codbixiyayaasha laga bilaabayo lix goobood oo Waqooyiga Hargeysa ah taasi oo muran xoogani  ka taagnaa 25sano ee ay Somaliland jirtay.

 

hqdefault

 

 

Wasiir ku xigeenka Amniga Maxamed Muuse Diiriye oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukuummada Somaliland ay goobahaasi ka qabanayso diwaangalinta codbixiyayaasha islamarkaana ay ka dhacayso doorashada madaxwaynaha iyo ku xigeenka balse aanay ka dhaceyn doorashooyinka golaha deegaanka iyo Baarlamaanka Somaliland.

 

 

 

“Goobaha Waqooyiga waa laga bilaabayaa diiwaangalinta codbixiyayaasha, waxaa laga qabanayaa doorashada madaxwaynaha iyo ku xigeenka laakiin golaha deegaan iyo baarlamaanka lagama qabanayo ilaa go’aan laga gaadhayo”ayuu yidhi wasiir ku xigeenka amniga Somaliland isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu fariin u diray cidkasta oo isku dayda inay dagaal ka rido goobahaasi waxaanu yidhi “Xukuummada wixii go’aan ah ee ay qaadato way fulinaysaa oo cidna kala tashan mayso, ninka ku baaqayaa arrintaasi eel eh dagaal ayaan ka xigaa isagaa og meesha uu dagaalka ka ridayo dawladuna hadalada noocaasi ah fiiro gaar ah ayay u leedahay.”

 

 

 

Wasiirku waxaa uu sheegay in goobahaasi lagu muransanyahay ay ka dhacayso doorashada madaxtooyada oo kaliya, balse aanay ka dhacayn doorashooyinka kale ee baarlamaanka iyo golaha deegaanka“Doorashada madaxtooyadu way ka dhacday dadkii abaaruhu saameeyeen xaq bay u leeyihiin inay is diiwaangaliyaan”ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye. Wasiir ku xigeenka Amniga Maxamed Muuse Diiriye waxaa uu sheegay inay uga digayaan dhamaan shacabka Somaliland iyo masuuliyiinta Maamulka Puntland inay faro galiyaan diwaangalinta Codbixiyaha.

 

 

 

“Arrimaha diiwaangalintu waxaa arrin qaran oo laga gaban maayo, cidkasta oo isku dayda inay faro galiso talaabo aanay fileyn ayaa laga qaadayaa, horena waanu uga qaadnay kuwii faro galiyay oo waanu xidhxidhnay”Ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye.

 

Somalilandpost.Hargeysa