Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo Bogaadisay Guusha Guddoomiyaha Shirkadda Telesom

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku hambalyeysay Guddoomiyaha Shirkadda Telesom Cabdikariim Maxamed Iid abaalmarin caalami ah oo uu ku mutaystay in loo aqoonsaday Hoggaamiyaha ugu wanaagsan hoggaamiyeyaasha shirkadaha Iskaadhsiinta iyo Teknoolojiyadda ee qaaradda Africa.

Abaalmarintan oo lagu magacaabo “AfricaCom Awards” waxa sannadkasta lagu soo bandhigaa Shirweynaha Teknoolajigga ee “AfricaCom” oo lagu qabto South Afrika. Shirweynahaasi oo ah ka ugu ballaadhan ee lagu soo bandhigo Teknoolajiyadaha Casriga ah ee Kala duwan. Waxaana 14-kii November 2018 lagaga dhawaaqay Shirweynaha AfricaCom oo ay isugu yimaadeen in ka badan tobanaan kun oo qof oo ka socda Shirkadaha Teknoolajiyadaha & Isgaadhsiinta ee Caalamka oo ku qabsoomay Magaalada Cape Town ee dalka South Afrika.

Somaliland_telesom2War-saxaafadeed uu soo saaray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Iiknoolajiyadda Eng Cali Cabdilaahir Daahir, ayaa loogu hambalyeeyey guusha u soo hoyatay shirkadda Telesom oo lagu tilmaamay mid ka tarjumaysa horumarka Somaliland ka gaadhay dhinaca Isgaadhsiinta, waxaana lagu sheegay in wasaaraddu dhiirri-gelinayso isla markaana soo dhawaynayso Shirkadaha qaybta laxaad leh ka qaata horumarinta Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Isgaadhsiinta waxa kale oo lagu sheegay in sidoo kale wasiirka wasaaraddaas oo dalka dibaddiisa ku maqan uu shirkadda iyo hoggaamiyaheedaba ku hambalyeeyey guusha u soo hoyatay.

Nuqul ka mid ah War-saxaafadeedka oo la soo gaadhsiiyey Warbaahinta Somalilandpost.net, ayaa u qornaa sida hoos ku xusan:-
Somaliland_telesom