Xisbiyada UCID iyo Kulmiye oo ka hadlay Muddo-kordhinta loo sameeyey Golaha Wakiilllada

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa ku hambalyeeyey Golaha Guurtida go’aanka ay maanta ka soo saareen khilaaf ka taagnaa xilliga doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka.

Guddoomiye Faysal waxa uu soo dhaweeyey muddo-kordhinta ay maanta qalinka ugu duugeen Golaha Wakiillada iyo muddeynta ay u shaaciyeen inay doorashadoodu dalka ka qabsoonto badhtamaha bisha 12-naad ee sannadkan.

UCID_KULMIYEESidoo kale Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa soo dhaweeyey muddo-kordhinta, waxaanu Golaha ku hambalyeeyey muddo-kordhinta ay ku saleeyeen wakhtigii ay Axsaabta Qaranku ku heshiiyeen qabsoomidda doorashooyinka ah oo ahaa inaanay doorashadu dib uga dhicin sannadkan 2019-ka.

FAAHFAAHINTA WARKAN IYO HADALLADA MASUULIYIINTA LABADA XISBI, KAGA BOGO MUUQAALKAN HOOSE