Xisbiyada iyo ururrada Siyaasadda oo maanta SaxeexayXeerka Anshaxa Doorashada Golaha Deegaanka

Hargeysa (SLpost)- Komishanka doorashooyinka qaranka ayaa maanta hor dhigay xisbiyada iyo ururada siyaasada inay saxeexaan xeerka anshaxa  doorashada golaha deegaanka ee (Code Of Conduct).

Shirka lagu saxeexay xeerkan oo ka dhacay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxa goob joog ka ahaa xubno ka socday ururada siyaasada,xisbiyada qaranka,guddida diwaan gelinta,guddida doorashooyinka qaranka iyo hay?addo caalami ah.

Shirkan oo loogu tala galay in lagu saxeexo xeerka  anshaxa doorashada golaha deegaanka ee dhawaan ka dhici doonta dalka, ayaa waxa qaadacay ururka Nasiyo iyo xisbiga Udub oo isaguna hor u shaaciyey inaanu galayn doorashada golaha deegaanka.

Ururada siyaasada iyo xisbiyada qaranka ayaa  intooda badani waxay saxeexeen xeerka anshaxa doorashada golaha deegaanka iyada oo guddida doorashooyinka qarankuna ay ku wehelinayeen saxeexa xeerkan.

Xisbiga mucaaridka ah ee Udub iyo urur siyaasadeedka Nasiye ayaa qaadacay saxeexa xeerka anshaxa doorashada golaha deegaanka iyaga oo ku sababeeyey dhibaatooyin loo gaystay xisbiga Udub iyo urur siyaasadeedka Nasiye.

Gudoomiyaha guddida doorashada qaranka Ciise yuusuf Maxamed Ciise Xamari oo isagu gabo-gabadii saxeexa xeerka anshaxa ka hadla ayaa sheegay inaan maalin dheeri ah lagu dari Karin wakhtiga ay komishanku ugu tala galeen inay xidhanto qabashada liiska musharaxiinta doorashada golaha deegaanka, waxaanu ku booriyey ururada/xisbiyada diyaarka u ah inay galaan doorashada inay soo dhamaystaan wakhtiga ka hadhay wixii ka qabyo ah.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net