Xisbiga Waddani oo ka dhawaajiyey inay diyaar u yihiin Wada-hadal lagu xalliyo khilaafka Sharci ee Arrimaha Doorashooyinka

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah Waddani ayaa ka dhawaajiyey inay diyaar u yihiin Wada-hadal lagu xalliyo khilaafka Sharci ee Arrimaha Doorashooyinka, isla markaana ay soo dhawaynayaan cid kasta oo dhex-dhexaadin ka gasha arrintan.

Xisbiga Waddani waxa uu diiddan yahay isla markaana sheegay inuu kalsoonida kala noqday sii joogitaanka Guddiga Doorashooyinka ee hadda oo ay sheegeen inaanay ogolaanayn inay mar kale doorashooyin qabtaan, waxaanu xisbigani ka baxay isla markaana uu dibad-joog ka ahaa wada-hadallo iyo fadhiyo ay maalmihii u dambeeyey lagaga xaajoonayey qabsoomidda doorashooyinka.

Labada Xisbi ee UCID iyo Kulmiye, ayaa maalmihii u dambeeyey ku kalliyeystay wada-hadalladan, waxaanay soo saareen go’aamo ay ka midaysan yihiin oo khuseeya doorashooyinka.

Haddaba, Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo maanta la hadlay warbaahinta, waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin wada-hadallo lagu xalliyo khilaafka, balse aanay suurto-gal ahayn in aayo-ka-talinta xiisadda doorashadu ay ku koobnaato laba xisbi oo kali ah.

MUUQAALKAN HOOSE KA DAAWO HADALKA HOGGAAMIYE XIRSI.