Xarunta Xuquuqal Oo Walaac ka Muujisay Xadhiga Qoraa Ku Xidhan Hargeysa

Hargeysa  (SL.Post) Waxa 20kii August 2016 lagu xidhay magaalada Hargeysa Siciid Maxamuud Gahayr oo ah nin qoraa ah. Siciid xadhigiisa waxa lala xidhiidhiyay qoraalo uu qoray oo ay ka mid yihiin kuwo baraha bulshadalagu qoray.

 

5143c52dd6eb7646958b00e22f9b8699_L

 

 

Waxa af-hayeen u hadlay Booliisku sheegay in loo haysto Siciid “falal nabad gelyo darro ah oo wax u dhimaya qaranka Somaliland.” Kuwaas oo ay ka mid yihiin qoraalo uu ku qoray baraha bulshada iyo kulanno uu qabtay, sida uu ku dooday Booliisku.

 

Xadhiga Siciid wuxuu dhacay kadib qoraalo isdaba joog ah oo uu kaga faalooday arimo la xidhiidha Gegida Diyaaradaha ee Cigaal (Hargeysa) iyo dhulka ka ag dhow garoonka.

 

Sida ku cad qodobka 32aad ee dastuurka Somaliland muwaadin kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu ra’yigiisa soo bandhigo. Sidoo kale dastuurku wuxuu ballan qaaday in dadku ka qayb qaadan karaan kulanno.

 

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay walaac ka qabtaa xadhiga loo gaystay qof aragtidiisa dhiibtay. In qof loo qabto arin la xidhiidha qoraalo baraha bulshada lagu qoray waa walaac hor leh, waana arin waxyeelo u gaysan karta xorriyadda aragti dhiiibashada.

 

Xaruntu waxaay ka codsanaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadiisa u celiso Siciid Maxamuud Gahayr.

 

Axmed Xuseen Cabdi

 

Isu-duwaha Barnaamijyada Xarunta Xuquuqal Insaanka.