Weftiga Somaliland la kulmay Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya, Raila Odinga iyo Qodobbada laga wada-hadlay

Hargeysa (SLpost)- Wefti ka kooban Xukuumadda, xisbigeeda Kulmiye iyo sidoo kale Xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo maalmihii u dambeeyey socdaal ku jooga magaalada Nairbi ee dalka Kenya, ayaa maanta kulan la qaatay Hoggaamiyaha Mucaaradka ee dalka Kenya, Raila Odinga.

 

Raysal-wasaarihii hore ee dalka Kenya, Raila Odinga oo xilligan ah hoggaamiyaha Isbaahaysiga Mucaaradka ee dalka Kenya, waxa uu weftiga Somaliland ee ku sugan Kenya ku qaabilay Xafiiskiisa, waxaanay laba dhinac ka wada-hadleen qodobbo ay ka mid yihiin xoojinta dhinacyada Ganacsiga iyo Ammaanka, sida lagu sheegay war-qoraal kooban oo ay baahisay Safaaradda Somaliland ee dalka Kenya.