Somalilandpost | News and Analysis

Wasiirnimo Ma u Qalantaa? Aqoonteeda lahaw!

 
Markaad tahay ardey cusub oo ad jaamacadda bilowdo, had iyo jeer waxa lagu bilaabaa maadad (course) oo hordhac u ah waxa ad takhasus ahaan baraneyso casharkaa nambarkiisa waxa la yidhaa “course 101”. Masalan haddaad dhaqaale baraneyso “course” ka u horeeya waxa la yidhaa “economics 101”. Waa madaad si guud kuu fahamsiineysa takhasuskan an isleedahay jaamacadda ku baro. Siyaasadda lafteedu waxa ay rabtaa inan casharo bilow ah soo barato. Balse haddii ad ka soo booddo casharo badan oo ad ka bilowdo meelihii u sareeyey, waxa dhici karta in imtixaanka siyaasadda ay ku jiraan su’aalo ku saabsan casharo ad ka soo booddey ileyn meel sare uunbaad ka bilowdee.

 

Wasiirrada iyo madaxda dawladda ee xilalka iska casiley, in kasta oo ay kala duruufo yihiin oo ay kala dano yihiin, hadana waxa ay u muuqataa iney ka soo boodeen casharo badan oo siyaasadda ku saabsan oo ay aheyd iney hore u soo dhigtaan. Midi iyada waa hubaal oo wasiiradani shicibka awgii iskumey casilin, reer miyiga abaartu hesheyna kameyn dhiidhiyin, Hargeisa biyo la’aanteeda iyo wado la’aanteedana iskamey casilin. Ictiraaf la’aanta dalkeena haysana iskamey casilin. Damacooda siyaasadeed ayay isu casileen xaqna wey u leeyihiin.

 

Waxa keliya ee ay ilduufeen casharo 24 sanadood iminka laga dhiganayay dalka ay aheyd iney simistaradii hore ee siyaasadda ku soo dhigtaan. Balse casharada ay ka soo boodeen waxa ka mid ah:

  1. Dawaladaha adduunka badankooda laba nidaam oo dawladeed uunbey ku shaqeeyaan. Nidaamka madaxweynuhu dawladda xukumo iyo nidaamka Ra’iisal wasaaruhu xukumo dawladda.  Nidaamka Ra’iisal wasaaruhu xukumo awoodda hawl dawladeedka waxa iska leh ra’iisal wasaaraha iyo wasiiradiisa. Gaar ahaan, wasiiradu awood badan ayay leeyihiin oo haddii ay wasiiro badani is casilaan, ra’iisal wasaaruhu uu dhaca oo xilka ma sii heyn karo. Dawladda madaxweynuhu xukumo, wasiiradu awood badan malaha, waxaana ay xisaabsanyihiin shaqaale farsamo yaqaan ah oo manaxweynuhu hawl u igmadey. Haddey wasiiro is casilaan iyo haddey kuligood la eryo ama is casilaan, wax sameyn siyaasadeed ah kuma laha madaxweynaha. Madaxweynuhu ma dhaco sida ra’iisal wasaaraha. Ra’iisal wasaaraha waxa magacaaba madaxweynaha, oo haddii dawladiisu dhacdo isna uu la dhacaa. Balse madaxweynaha cidi ma magacawdo ee dadka ayaa doorta, wasiiro is casilaa ama la eryaana ma ridi karaan, dawladiisana lama dhaco. Dawladdii Abdirahman Ahmed Ali (Tuur) Alla Ha U Naxariistee oo aheyd dawlad dhaqaale aan laheyn oo aan ciidan adag laheyn ayay mar keli ah iska casiley 6 wasiir oo awood badani oo uu ka mid ahaa Mujaahid Maxamed Kaahin. Inkasta oo ay dawladdu xiligaa daciif aheyd, hadana waxba uumeyn noqon ee xiligeedii wey dhameysatey, wasaiiradii is casiley waxa lagu bedeley wasiiro kale.

 

  1. Madaxweyne Cigaal (AHUN) ayaa xilkii ka qaadey mid ka mida wasiiradiisii uu uugu jeclaa uuguna awoodda badnaa markii ay arin xasaasi ah isku khilaafeen. Wasiirkii ayaa laga wareystey idaacadda BBC-da oo la weydiiyey waxa xilka looga qaadey. Wasiirka jawaabtiisii waxa ku jirtey “Madaxweynuhu wuxu igu soo farageliyey shaqadii wasaaradda, waxaanan kala garan waayey inu madaxweynuhu wasaaradda xukumo iyo inaan anigu xukumo”. Madaxweyne Cigaal ayaa shirkii wasiirada ee asbuucaasi ku yidhi wasiiradiisii, “waaryaadheheen, miyeydaan wax akhriyin oo aydaan baran nidaamka dawladuhu u shaqeeyaan. Waasarad kasta anaa xukuma, wasiirkuna waa qof an hawsheydii badh u igmadey. Wasiirku kuma shaqeyn karo talo uu leeyahay ee wuxu ku shaqeyn karaa oo keli ah talada ad anigu u igmado. Sida an anigu ku taliyo iyo siyaasadda an jeexo uunbuu wasiirku ku soconayaa”. Cigaal uun maahee, waa sida ay u shaqeeyaan dawladaha madaxweynuhu xukumo ee adduunka oo dhan.

 

 

  1. Dawladda madaxweynuhu xukumaa, madaxweyne ku xigeenku wax awood ah haba yaraatee malaha, distoorkana uuguma jirto. Madaxweyne ku xigeenku waa gacanyaraha madaxweynaha, shaqadiisuna waa hadba waxa uu madaxweynuhu u igmado. Haddii madaxweynuhu hawl u diran waayo madaxweyne ku xigeenkiisa, halkaasuu iska fadhiyayaa oo far ma dhaqaajin karo. Taa macneheedu waxa weeyey, inkasta oo madaxweyne ku xigeenka la soo doortey sida madaxweynaha oo aan la eryi karin, hadana shaqadiisa iyo awoodiisu waxa ay ku xidhantahay hadba sida uu xidhiidh wanaagsan uula leeyahay madaxweynaha. Badhtamihii sagaashamaadkii ayuu mudane Dahir Riyale kahin, oo madaxweyne ku xigeen ahaa, tahniyad u direy madaxweynaha dawladda Jabuuti. Madaxweyne Cigaal (AHUN) oo ka xanaaqasan tahniyadda Riyaale direy, ayaa warqad u qorey ku xigeenkiisii isaga oo ku leh, sideebaad aniga oo aanan awood kuu siin dal kale tahniyad uugu dirtaa. Warqad keli ah kumuu eekeysiine, madaxweyne Cigaal wuxu nuqul warqaddii ka mida siiyey warbaahinta. Dad badan ayaa la yaabey sida uu madaxweynuhu afka u goostey ku xigeenkiisii. Madaxweynuhu wuxu dawladda iyo Daahir iyo dadkaba tusayey in aanu madaxweyne ku xigeenku awood laheyn ee uu ku shaqeeyo waxa uu madaxweynuhu u diro.

 

 

  1. Madaxweynuhu waa abbaanduulaha ciidamada qalabka sida. Wasiirku gaashaan dhiggu abaanduule maaha. Amarka kama danbeysta ah ee ciidamada iyo dagaalka, waxa bixin kara oo keli ah madaxweynaha. Wasiirka Gaashaan dhigu waa shakhsi farsamo yaqaan ah oo madaxweynuhu hawsha u dirtey. Wasiirku malaha go’aanka iyo amarka toona. Badhtamihii sagaashanaadkii ayaa madaxweyne Cigaal ka shaakiyey dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo ciidan. Inta uu madaxweynihii Radio gii milatariga fadhiistay ayuu la hadley dhamaan abbaanduulayaashii ciidamada meel kasta oo ay joogaanba, waxaanu ku yidhi “Caawa laga bilaabo, wixii amar ah aniga uunbaad iga qaadaneysaan, cid kalena amar kama qaadan kartaan”. Taasi waxa ay markiiba meesha ka saartay in wasiirkii gaashaan dhigga iyo wasiir ku xigeenkii gaashaan dhigga iyo abaanduulihiiba ay meel cidlo ah isasoo taagaan oo taliyayaashii ay amar ka qaadan waayaan.

 

 

  1. Ragga dawladda iska casiley, wax aka maqnaa aqoonta qawaaniinta asaasiga ah ee nidaamka dawladnimadu ku shaqeyso. Haddii bileys kuu yimaaddo adiga oo waddada taagan oo ad is shiideysaan dad kale oo guri ku jira, horta adiga ayuu bileysku ku qabanayaa. Haddii marka uu ku qabto ad ku dooddo guriga anigaa leh oo dadkan ku jiraa xoog ayay igaga heystaan, adiga ayuu ku qabanayaa oo uu ku xidhayaa, waayo dadka kale guriga ayay ku jiraan, adiguse dibedda ayaad ka soo shiideysaan. Haddiiba marka lagu xidho ad bileyska u warranto ood tidhaa guriga anigaa leh oo waa kuwan waraaqaheygii, bileysku inta ay dhaqaaqaan dadka kale guriga kama saari karaan. Balse waxa ay ku odhanayaan orod oo dacwad furo oo maxkamadda tag. Waxa dhici karta inad xanaaqsan tahay ood tidhaa meeshan sharci ma jiro iyo hadallo kale oo laga yaabo iney adigiiba xadhig kuu keento. Dawladnimada waxa jira qeybo distuuri ah oo sharcigu difaacayo oo dhawrsanaan leh. Haddaad rabto inad olole siyaasadeed sameyso, waa inaad hey’adahaa distuurku ilaalinayo meel kaga jirtaa. Dawladda sharci ayaa ilaashanaya, xisbiga muxaafidka ah iyo xisbiyada mucaaridka ahba isku si ayuu distoorku u ilaalinayaa oo waa isku nidaam. Nasiib daradu waxa ay tahay, haddii ad dawladdii ka baxdo oo ad dibedda ka soo shiitanto, xisbi kale oo mucaarid ahna ad geli weydo, waxad tahay uun qof shicib ah oo cabanaya, waxaanad ka mid noqoneysaa 5 malyuun oo shicib ah oo dawladii ad ku jirtey 5 sanadood ka cabanayey ee aan cidi dhageysan. Dagaalka siyaasadda waxa ad awood u leedahay markaad dawladda dhexdeeda ka dagaalanto ama ad xisbi mucaarid ah ka dhex dagaalameyso. Balse haddii ad dawladdii ka baxdo oo ad dibedda ka soo shiido, adiga uunbuu bileysku ku qaban.

 

 

  1. Weligaa ha dhayalsan madaxweyne xil haya. Dhinaca uu faataxada ku tufo awood ayay leedahay. Ma lihi lagama badin karo oo waa laga badin karaa sidii UDUB ku dhacday oo kale, balse ma sahlana. Muse Biixi ka wareyso waxa ku dhacay. Muse oo lagu xanto nin adag oo weliba ahaa guddoomiyihii xisbiga dawladda markii uu kal hore yidhi madaxweynaha ayaan la tartamayaa, wixii ku dhacey waa la ogaa. Waxa lagu kiciyey junuuddii siyaasadda ee ay ka mid aheyd siyaasiyiintii, warbaahintii, odayaashii, ra’yigii dadweynaha. Iyada oo aan la weydiin doodiisa oo aan garba la qaadin ayaa laga dhigey nin samihii dalka diidan. Cashar fiican oo ka maqnaa ayuu Muse halkaa ka bartay. Odey Siilaanyo ayuu gacanta ka dhunkadey oo uu yidhi xertaada ayaan macalin ka mid ahaanayaa.  Waxaanan garan, caqliga wasiirada is casiley ee ku doodayaa madaxweynaha ra’yigiisa waanu diidanahay, dawladiisana waan iska casilayaa anaga oo ku xumeyneyna, dacaayadna waanu ku fureyaa, hadana isaga ayaanu u cabanayaa oo an leenahay, madaxweyne arinkaa ergo ayaan kaaga nahay ee wax ka qabo. Nimankaasi waxa ay u muuqadaan niman aan casharkii koowaad ee siyasadda sooba dhigan. Maxaad uugu maleysey, inu inta uu madaxweynuhuu iska eryo 10 kan wasiir iyo madaxda xisbiga ee ag taagan ee u dhaga nugul, inu adiga oo iskagaba tegey oo dawladdii uuga baxay inu taada raaco. Qofkaad is heysaan maaha xisbiga ee waa madaxweynahan ad u cabaneyso. Haddaanad weli taa garan, wax badan ayaa kaa maqan.

 

  1. Xubin kasta oo golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ka tirsan waxa ay leedahay hal cod marka ay timaaddo doorashada musharaxa xisbigu soo saarayo. Wasiirku hal cod ayuu leeyahay, xubnaha kalena hal cod ayuunbey leeyihiin, Guddoomiyaha xisbigu hal cod ayuu leeyahay, wasiirada is casiley badankoodu min hal cod ayay leeyihiin. Madaxweynuhuna hal cod ayuu leeyahay. Sharciga ayaa dhigaya inu qof walbaa codkiisa siiyo musharaxa uu u garto. Ma jiro qof gacanta la qabanayo oo lagu qasbayo inu qof aanu dooneyn u codeeyo. Wasiirka ku doodaya madaxweyne anigu hebel ayaan dhisayaa oo an codkeyga siinayaa adiga oo madaxweyne ihina codkaaga cid ha siin ee dhexdhexaad ahaw, waa nin kitaab kale soo akhristey. Waar sheekhaasi faan weynaa! Ninka ku leh madaxweyne codkaaga distoorku ku siiyey haddad isticmaasho oo ad musharax siiso waan kaa cadhooneyaa. Waddooyinku laba haad ayay leeyihiin oo midba dhinac u socdo. Siyaasaduna waa sida wadada. Wax dhexdhexaad la yidhaa ma jiro. Labada haad miduun ayaa la qaadaa ee ma jiro baabur badhtanka istaagaa. Siyaasaddu malaha wax dhexdhexaad la yidhaa.  Wasiirkan laftiisa ayaanu madaxweynuhu dhexdhexaadnimo xilka uugu dhiibin. Iminkadanna wasiirku dhan ayuu jiraa, madaxweynihiisiina waxa uu ku leeyahay adigu dhexdhexaad ahow. Ninka dhexdhexaadka ah maxaa marka horeba siyaasadda dhex dhigay muu masaajidka iska fadhiisto.

 

  1. Dawladdu ma dad beesho, mana xoolo beesho. Maalintaad is casisho, waxa la heleyaa boqolaal 5 sanadood shaqo la’aa, oo ad adigu albaabka ka furi la’eyd, oo aqoon kula mid ah ama kaaba aqoon badan, oo harraad iyo xanaaq badaninan hayo. Kuwaasaa xilkaagii loo dhiibayaa oo meesha soo fadhiisanaya. Hadda ogow oo, adiga laftaadu dawladnimada ayuunbaad wax ku noqotee, awoodo kale oo waaweyn maad laheyn dawladda hirteed. Markaad dawladda ka baxdo awoodaadii wey yaraaneysaa. Xoolihii badnaa ee ad wax ku kala furfuri jirtey sidii ahaan maayaan. Ileyn intooda badani xoolo umadeed ayay aheyde oo sidii hore qasabaddu kuuguma socoto. Inta yare e ad guntateyna waad walaaceysaa oo waxa ad is odhaneysaa malaha haddii ad ku khamaarto dhan walba waad seegi. Idaacaddii iyo telefishankii kuu heelanaa ee ad ka hadli jirtey wey kaa aamusayaan. Taagta uugu weyn ee ad leedahay waa laba oo kala ah inad mucaarid noqoto oo ad dhaleeceyso dawladda iyo inad shicibka  cabanaya ku soo biirto.

 

  1. Dawladnimadu waxa ay ku shaqeysaa talo iyo go’aan. Talada waa la wada leeyahay waanan waajib in la iska dhageysto oo weliba la tixgeliyo. Wasiirku talo ayuu dawladda ku leeyahay oo waa ku waajib inu madaxweynihiisa u soo jeediyo waxa uu u arko in wanaag ku jiro ama horumar keeni kara. Balse, go’aanka lama wadaago!!!!! Go’aanka hal qof uunbaa iska leh. Wasiirku talo ayuunbuu madaxweynaha ku leeyahay, madaxweynuhuna go’aankiisa isagaa ayaa keligii iska leh oo cid kala tashan mayo. Qasab maaha in go’aanka madaxweynuhu gaadhaa uu yahay kii ad ku talisey. Go’aanku waa ka ay isaga la noqotey inu saxyahay. Go’aanka lama wadaago. Wasiir haddaad tahay waxa ad raaceysa siyaasadda iyo ajandaha uu madaxweynahaagu dhigo oo aan aheyn shaqo kale eeg eego.

 

Ardaaga Maxamed Cali Bile

Aqoonta U Adeegta Nolosha

 

ardaagabile@gmail.com

 

Fikraddaada kaga Dhiibo FACEBOOK

Loading…