Wasiirka Wafaafinta Somaliland oo Go’aan ka soo saaray Shaqaalaha Wasaaradda ee ka hawl-gala Goobaha kale

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka ee Somaliland, Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo, ayaa go’aan ka soo saaray Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ee ka hawl-gala xarumaha warbaahineed ee gaarka loo leeyahay, waxaanu sheegay in maanta laga bilaabo aanay jiri doonin Suxufi dowladda u shaqeeya oo ka hawl-gala warbaahinta kale ee madaxa-bannaan.

Wasiir Guri barwaaqoWasiir Guri-barwaaqo waxa uu sheegay inuu soo dhawaynayo cid kasta oo isku haysa shaqooyinka warbaahinta dowladda iyo kuwa madaxa-bannaan oo go’aansada inay ka ruqsaystaan Hawsha ay ka hayaan wasaaradda Warfaafinta.

Md Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo waxa uu sidaas ku sheegay shir-jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, kaas oo uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ku jirto wax-qabadka uu ku tallaabsaday muddadii uu xilka wasaaradaas hayay.

MUUQAALKAN HOOSE KA DAAWO, HADALKA WASIIR GURI-BARWAAQO