Wasiirka Maaliyadda oo Lacago ku bixiyey baahinta Qoraallo Ceeb ku ah Xilka uu hayo iyo Dowladnimada

Dhacdooyinka Ku Cusub  Siyaasada ee Ay Soo kordhiyeen Qaar kamida masuuliyiinta Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Ayaa Maalinba maalinta ka danbaysa usoo baxaya banaanka Iyadoo talaabooyinka Ay ku kacayaana yihiin Kuwo Aan hore looga baran Masuul Xil Qabta.

Waxaana Maalmihii ugu Danbeeyey Dagaal Dhinaca Warbaahinta Si Dadban ay isugu adeegsanayeen ka Dhexeeyey Masuuliyiin Xilal Waaweyn Qaranka u haya.

wasiirka maaliyadaKhilaafkii Ka Dhexeeyey Wasiirka Wasaarada Maaliyada jsl iyo Xisaabiyaha guud ee Qaranka Ayaa Sababay in Wasiirka wasaarada Maaliyadu Yuusuf Maxamed Cabdi uu Caawa Qoraal ka baxsan Anshaxa Dawladnimo, Masuuliyada Xilka uu hayo iyo milgaha hanaanka Wada shaqeyneed ee Laamaha Dawlada Ku bixiyey caawa lacag badan sidii loo baahin lahaa,

Iyadoo Baahinta Warkan iyo Sidii Bulshada loo Gaadhsiin Lahaa Uu u igmaday cid gaara Si Aan Loogu Fahmin in Wasiirku ka Danbeeyo.

Qoraalkan Ayaa Marka aad si dhammaystiran u akhrido ka turjumaya aragtida wasaarada iyo wasiirka hormoodka ka ah ee uu Khilaafku ku dhexeeyey hay’ada xisaabaadka.

Waxaana sidoo kale Aflagaado iyo Been Abuur Cad Lagaga Sheegayaa qoraalkan masuuliyiintii Xukuumadii hore Madaxweyne Siilaanyo Xilalka kasoo Qabtay Wasaarada maaliyada iyadoo laga Dhigay inay yihiin Shaqsiyaad Caado ka Dhigtay Islamarkaana Banaystay musuqmaasuq Ka Dhici jiray Wasaarada maaliyada.

Halkan hoose ka Akhri Qoraalka Uu Wasiirka Wasaarada Maaliyadu Sida Dadban ugu Baahinayo Warbaahinta. Halkan hoose ka akhri Labadan Qoraal.

“Dawladda jeegaanta ayaa ku fashilantay in ay isku awood noqon waayaan wasiirradii Maaliyadda ee soo maray dalka Samsam Cabdi Aadan iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo wasiirka imika Yuusuf Maxamed Cabdi iyada oo aanu xisaabiyaha guud sida ay tahay u fulin jiran wareegtooyinka wasiirka, halka uu si degdeg ah u dabiqi jiray wareegtooyinkii ay soo saareen wasiirradii hore.

Iyada oo la tixraacayo shuruucda dalka u taalla iyo dastuurka qaranka ayaa waxa la soo afmeeray murankii daaranaa iyada oo lagu soo gabo-gabeeyay in uu xisaabaadka guud ee qaranku yahay waax ka tirsan wasaaradda horumarinta maaliyadda.

Ilo-xogogaal ahi waxay noo xaqiijiyeen in uu xisaabiyaha guud ee dawladdu ka dalbaday wasiirka in uu ka noqdo wareegtada uu ku bedelay xisaabiye-ku-xigeenka Kayse Maxamed Cabdillaahi isla markaana uu sheegay in aanu isaga la’aantii shaqayn karin taas oo uu ku fal-celiyay in uu ka madax-adaygo fulinta amarka wasiirka. Hadiiba uu yidhi yaan la iga badalin xisaabiye-ku-xigeenka, ma loo micnaysan karaa in xisaabiyuhu wax ku qarsan jiray xisaabiye ku xigeenka oo uu kaaliye uga ahaa musuq-maasuq iyo is daba marin iyada oo weliba wararka iska soo daba-dhacayaa ay sheegayaan in ay ku dhex maqan tahay 40 bilyan oo shilinka soomaalilaan ah iyaga oo ku micneeyay daymo iyo wax aan macquul ahayn, iyada oo ay weliba dheertahay in ay wasaaradihii siiyeen amar aanay awood u lahayn kaas oo ah in ay 30% in ay dhimaan kharashka miisaaniyaddooda, taas oo ay ujeedadoodu tahay in ay lunsadaan miisaaniyadda qaranka 30%.

Ilaa hadda waxa la is weydiinayaa halka uu xisaabiyaha guud ka keenay awoodda intaa le’eg ee uu amarka ku siinayo wasiirrada balse waxa la soo xaqiijiyay in uu caruur uu madaxweynuhu abti ruma u yahay oo aan madaxtooyada ka bixin in ay qabaan hablihiisa taas oo ah sad-bursi awoodeed oo aan nooceeda hore loo arag.

Waxa la wada ogsoonyahay in xilligii Samsam Cabdi Aadan iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale ay is bedello ku sameeyeen xilalka xisaabaadka guud ee qaranka taas oo uu xisaabiye kastaa sida ay tahay u fuliyay amarka wasiirrada aynu kor ku soo xusnay.

Dhinaca kale, Axmed Daauud oo ahaan jiray xisaabiye xilligii Samsam waxa uu sida ay tahay u fulin jiray amar kasta oo ay farto Samsam Cabdi Aadan. Wareegto kasta waa la dabiqi jiray isla marka ay soo baxdo. Hadaba, maadaama oo uu amarrada wasiirradii hore u hoggaansanaa, Maxaa sababay in uu imika ka caga-jiido fulinta amarka wasiirka maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi maadaama oo ay dawladdani tahay dawladdii sharciga, kala danbaynta iyo baratakoolka? Maxay ku kala duwan yihiin labada wareegto ee ay labada wasiir kala qoreen? Ma loo macnaysan karaa in ay ka dhigantahay in wasiirradii hore ay ahaayeen jeegaanta balse aanu wasiirkan imika ahayn mid ku abtirsada beesha jeegaanta?

Dhinaca kale, waxa isku maalin la bedelay maamulihii madaarka Hargeysa oo ay isku reer yihiin wasiirka maaliyadda iyo xisaabiye ku xigeenka oo ka soo jeeda beelaha jeegaanta, markiiba waa la fuliyay amarka bedelaadda maamulaha madaarka maadaama oo uu badalay Maareeyaha Airport ka oo jeegaanta ah halka aan la fulin wareegtada bedelaadda xisaabiye ku xigeenka maadaama oo uu bedelay wasiirka maaliyadda oo aan jeegaanta ahayn taas oo ay u eegtahay in ay dawladani tahay dawladdii jeegaanta.

Waxa intaas dheer, xisaabiyaha guud wuxu awoodi kari waayay in uu curiyo warqad isaga oo soo dheegtay warqad uu qoray dhiggiisa Soomaaliya tani oo shaki galisay in aanu xisaabiyuhu gudan karin hawlaha shaqo ee culus ee uu qaranka u hayo.

Amar-diiddada uu sameeyay xisaabiyaha guud ee qaranku waxay abuurtay khal-khal iyo is abaabul kacdoon. Waxa kala socon la’ hawl-maalmeedkii shaqo ee dawladda maadaama oo aan ilaa hadda la sii daynin kharashaadkii hawl-socodsiinta ee uu dalku ku kala socon lahaa.

Dawladdan ayaa ku fashilantay gabi-ahaanba u caddaalad-samaynta wasiirrada dalka soo maray, waxay abuurtay khalkhal dhinac walba ah taas oo inoo soo jiidi karta in uu dalku burburo.”