Wasiir Caddaani oo Madal uu ka baanay ku wareejiyey Xilka Wasaaradda Warfaafinta iyo Nuxurka Hadalladii laga jeediyey

Hrgeysa (SLpost)- Wasiirii hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Somaliland, Cismaan Cadaani, ayaa maanta si rasmi ah xilka wasaaraddaas ugu wareejiyey wasiirka Cusub ee wasaaradda loo magacaabay  Cabdiraxmaan Guribarwaaqo.

Munaasibad ballaadhan oo labada masuul xilka kula kala wareegayeen ayaa lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, waxaana halkaas hadallo ka jeediyey masuuliyiinta xilka ka tagaysa iyo kuwa cusub ee loo magacaabay.

Wasiir Caddaani oo Madasha xil-wareejinta hadal ka jeediyey, ayaa soo bandhigay wax-qabadyo uu wasaaradda ku soo kordhiyey muddo laba sanno ah oo uu hoggaaminayey siyaasadda wasaaradda.

WARKAN OO FAAHFAAHSAN IYO QAABKII AY XIL-WAREEJINTU U DHACDAY, KAGA BOGO MUUQAALKAN HOOSE.