Wasiir Axmed Muumin Seed oo Si Adag ugu jawaabay Guddoomiye Cirro

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha  Md Axmed Muumin Seed, ayaa jawaab ka bixiyey dhaliilo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI u jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo uu ku eedeeyey inay duudsiday isla markaana ku fadhido saami-qaybsiga Beelaha Reer ku leeyihiin hay’adaha dowladda.

Wasiir Axmed Muumin Seed oo maanta saxaafadda kula hadlay xarunta Wasaaraddiisa, waxa uu meel-ka-dhac ku tilmaamay dhaliilaha Arrintaas ku saabsan ee Guddoomiye Cirro u jeediyey xukuumadda, waxaanu taas ku sababeeyey in guddoomiye Cirro isaga laftiisu hore isu-hortaagay mooshin ku saabsan macduucan oo la hor-geeyey Xilligii uu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahaa, taasina ay ku muujinayso inuu safka kaga jiro cidda hor-istaagtay xuquuqda Reer Awdal, sidaas awgeed aanu xaq u lahayn inuu xukuumadda ku eedeeyo arrintan.

HADDABA JAWAABTA WASIIR AXMED MUUMIN SEED U JEEDIYEY GUDDOOMIYE CIRRO KAGA BOGO MUUQAALKAN HOOSE