Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Oo Bogaadisay Mo. Faarax

Hargeysa  (SL.Post) Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dalxiiska Somaliland Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray  Orodyahanka Mo Faarax kadib markii uu ku guulaystay Tartankii Olombikada ee uu ka qayb galay, waxaanu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in orodyahan ka soo jeeda Somaliland inuu kaalinta kowaad ka galo tartamada shanta kun iyo tobanka kun ee KM.

 

 

 

 

Wasiir ku xigeenka Ciyaaraha Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Ciyaaraha ee Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada ciyaareed ee dalka, waxaanu sheegay inay ku dadaali doonaan sidii ay u horumarin lahaayeen ciyaaraha kala duwan ee dalka, waxaanu yidhi “Waxaan hambalyo u dirayaa Orodyahanka Mo Faarax ee ka soo jeeda Somaliland ee wacdaraha ka dhigay Tartankii Olombikada Adduunka ee ka dhacay dalka Brazil, waxaana ku hambaliyeynayaa sidii wacnayd ee uu ugu guulaystay ama uu kaalinta kowaad uu uga galay tartamadii orodka ee Tobanka Kun iyo Shanta Kun ee uu ka qayb galay, waxaana u rajaynayaa inuu tartan walba oo uu ka qayb galo inuu kaalinta kowaad ka galo, waxaana xaqiiqo ah in dalka uu u ordo ee Ingiriiska iyo dalka uu u dhashay oo dalkeena Somaliland inuu labadaba sumcad u soo hooyey”.

 

 

 

Wasiir ku xigeenka Ciyaaraha mar uu ka hadlaayey xaalada Ciyaaraha ee dalka ayaa yidhi “Anagu ka wasaarad ahaan waxaanu diyaar u nahay in aanu horumar gaadhsiino qaybaha kala duwan ee Ciyaaraha, waxaanu diyaar u nahay in aanu dhiirigelino Ciyaaryahanada iyo kooxaha kala duwan dalka, waxaanu diyaar u nahay in aanu qabano wejigii labaad ee Tartanka Koobka Gobolada, oo aanu walibana qabano wakhtiga ugu munaasibadsan ee aanu u aragno inay ku haboon tahay, haddii ALLE idmo marka Diiwaangelintu inaga dhamaato ayeynu qaban doonaa”.

 

 

 

Wasiir ku xigeenka Ciyaaruhu mar uu ka hadlaayey Garoomada dalka ayaa yidhi “Maanta Garoomadii waaweyna ee ku yaalay Magaalooyinka waaweyn ee dalka intoodii badnayd waxa la dhigay Roog, kuwa hadhayna waa la wadaa, waxaana sabab u ah Xukuumadda, gaar ahaan Madaxweynaha Qaranka Muddane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), oo isagu bixiyey lacagta, waxaana hubaal ah inuu Madaxweynuhu mar walba diyaar u yahay dhiirigelinta dhalinyarada iyo horumarkooda”

 

 

Somalilandpost.Hargeysa