Wararkii u dambeeyey Weerarro iyo Qaraxyo Kooxda Al-Shabab ka fulisay magaalada Nairobi

Nairobi (SLpost)- Weerarro ku bilowday Qaraxyo xoggan, ayaa maanta ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana weerarradan lagu qaaday dhismeyaal isugu jira Hoteelo iyo Xafiisyo ku yaala badhtamaha magaaladaas.

Weerarrada oo ahaa qaar qorsheysan waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya. Waxa weeraran ka dhashay dhaawacyo kala soo duwan oo soo gaadhay dad shacab ah.

weerarka kenyaSida ay sheegeen ciidamada Ammaanka Kenya, weerarrada waxa fuliyey Rag hubeysan oo watay laba gaadhi, waxaanay gudaha u galeen dhismayaasha la weeraray oo uu ka mid yahay dhismaha Hoteel lagu magacaabo Dusit.

Dableyda hubaysan ayaa ugu horeyn qaraxyo ku weeraray qeybta gaadiidka la dhigto ee Hotel Dusit kahor inta aanay gudaha u galin hotelka, iyagoo rasaas oodda kaga qaaday ilaaladii Hotelka. Dhismaha Hotelka ayaa ka kooban qeybo xafiisyo ah iyo qeybo kale oo la seexdo.

wararIsla markiiba waxa goobta soo gaadhay Ciidamada kala duwan ee Kenya oo isugu jira Booliska, xoogagga ka hortagga argagixisada iyo Ciidamada u carbisan qaraxyada. Ciidamada ayaa isla markiiba go’doomiyey dhismaha iyagoo wali ay gudaha kujiraan ragga weerarka geystay.

Goob-joogayaal ku sugnaa Hotelka ayaa Wakaaladda wararka AFP u sheegay inay arkeen Lix nin oo hubaysan oo iyagu Hotelka soo galay.

Saraakiisha booliska oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay soconayaan howlgallo kooxahaasi looga saarayo dhismaha, isla markaana ay jiraan dhaawacyo iyo khasaare kale oo weerarka ka dhashay.

Taliyaha Booliska Nairobi Philip Ndolo ayaa sheegey in ay go’odoomiyeen deegaanka Riverside Drive oo Hotelku ku yaallo, iyadoo la xakamaynayo Boos iyo Dhac loo geystay Meherado goobta ku yaalla weerarka kaddib.