Wararkii u dambeeyey Geerida Madaxweynihii hore ee Dalka Yemen oo la dilay (DAAWO VIDEO)

SANCA (SLpost)- Wararka ka imanaya dalka Yemen, ayaa sheegay in la dilay madaxweynihii hore ee dalkaas Cali Cabdalla Saalax, kaddib dagaal kooxda Xuutiyiiyinta iyo malleeshiyaad uu hoggaamiyaa ku dhexmaray caasimadda Sanca.

Ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya geeridiisa, haseyeeshee warkan ayaa laga baahiyey telefishanka ay leedahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay haystaan kooxda Xuutiyiinta

ali abdullah saleh deathMuuqaal aan la xaqiijin karin oo lagu baahiyey baraha bulshadu ku xidhiidho ee gudaha dalka Yemen, ayaa muujinaya meydka Cali Cabdalla Saleh oo koox malleeshiyo ahi ku sidaan buste, kuwaas oo ku dhawaaqayey Allahu Akbar.

Sida uu soo xigtay telefishanka AlCarabiya, waxa geerida Cali Cabdalla Sallah Xaqiijiyey warar laga helay Xisbiga GPC ee uu madaxda ahaa, kuwaas oo sheegay inuu maanta ku dhintay dagaal maalintii  lixaad ka socda caasimadda Sanca kaas oo ay ku dhinteen 125 qof halka 238 kalena ku dhaawacmeen, sida ay shaaciyeen  Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah.

Ilaa immika lama oga meel uu ku sugan yahay hoggaamiye Saalax oo aan muuqaal la arag tan iyo intii la baahiyey warka geeridiisa. Balse Gelinkii hore ee Isniinta maanta, xoogag ka tirsan kooxda Xuutiyiinta ayaa burburiyey gurigiisa magaalada Sanca oo ay weerareen.

 

Wixii ka horeeyay isbuucii tagay, taageerayaasha Cali Cabdalla Saalax waxay la safnaayeen ururka shiicada ah ee Xuutiyiinta, waxayna dagaal kula jireen dowladda Yaman ee Sucuudiga uu taageero.

Madaxweyne Cabdrabbuh Mansuur Haadi oo la doortay ka dib markii Saalax xilka looga tuuray kacdoon ayaa xarun ka dhigtay Sacuudiga.

Balse khilaaf siyaasadeed iyo muran dhanka maamulka ee masaajidka wayn ee ku yaalla meesha mucaaradka ay maamulaan ee Sanca ayaa sababay dagaal culus oo oo dhexmaray taageerayaasha Cali Cabdalla Saalax iyo maleeshiyada Xuutiyiinta.

Sabtidii, Saalax wuxuu ku baaqay “in bog cusub la furo” oo uu taageerayo Mr Haadi, haddii isbeheysiga Sacuudiga uu hoggaaminayo ay joojiyaan weerarka Yaman iyo xannibaadda xun ee ay ku hayaan.

Isbeheysiga iyo dowladda Cabdurabah Mansuur Haadi ayaa soo dhoweeyay hadalkaasi. Balse, Xuutiyiinta waxay Saalax ku eedeeyeen in uu “afgembinayo” isbeheysi “uusan weligii aaminin”.

In ka badan 8,670 qof ayaa lagu dilay, 49,960 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka bilowday ka dib markii isbeheysiga Sacuudiga uu farageliyay Yaman sannadkii 2015-kii, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

Dagaalka iyo go’doominta ayaa sababay 20.7 milyan oo qof in ay si adag ugu baahdaan gargaar bini-aadamnimo. Arrintaas ayaa lagu tilmaamay in ay tahay cunta la’aanta ugu xun Caalamka, waxaana ka dhashay daacuun dilay 2,211 qof, tan iyo bishii April.

DAAWO MUUQAALKA MEYDKA CALI CABDALLA SAALAX 

https://youtu.be/hEJ8q2zn6rI

Qayb ka mid ah Warkan waxaanu ka soo xigannay BBCsomali