Waa Noocma Hab Ilaalinta Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland – W/Q: Cabdiraxman Yacqub Xasan

Maqaalkan waxaan ku falanqayn doonaa tayada iyo aqoonta ay leeyihiin ilaaliyaasha madaxwayne axmed maxamed maxamuud “ siilaanyo “ waxaanan saldhig inoo noqon doona amase ka shidaal qaadanaynaa ciidanka ilaalada madaxwaynaha Maraykanka “ Secret Service “ oo ah  hay,adda ugu da,da weyn caalamka ee u xilsaaran ilaalinta madaxda taas jirta muddo ku siman 151  sanno .  Sidoo kale waxaan soo bandhigi doonaa xirfada iyo aqoonta laga maarmaanka u ah ciidanka ilaalada madaxwaynaha waxaana ka mid ah

eee

  1. Maamulida Safarada “Journey Management “
  2. Qorshaynta Hawl galka “Operational Planning”
  3. Hab ilaalinta “Foot Formation “
  4. Waddo Doorashada “Route Selection”

Maamulida Safarada “Journey Management “

Waxaa looga jeedaa Qorshaynta iyo Maamulida safarada madaxwaynaha ee Gudaha iyo Dibadaba waxaa u xil saaran ciidanka ilaalada madaxwaynaha oo kuwa awooda sare u leh maamulida dhaqdhaqaaqyada madaxwaynaha

Qorshaynta Hawl galka “Operational Planning “

Waxaa looga jeedaa Qorshaynta hawl galka ciidanka ilaalada madaxwaynaha

Hab ilaalinta madaxweynaha “Foot Formation “

Waxaa looga jeedaa habka iyo xalka uu istaagayo ilaaliyaha madaxweynuhu marka uu socdo madaxweynuhu waxaana jira lix hab oo kala ah

  1. Box Formation
  2. Diamond Formation
  3. V Formation

Low Profile Formation 

  1. Four close protection officers Formation
  2. Three close protection officers Formation
  3. Two close protection officers Formation

Waddo Doorashada “Route Selection”              

Waxaa looga jeedaa doorashada wadada uu mari doono madaxweynuhu waxaana lagu dooranayaa kuwan

  1. Security Street
  2. nearest Street
  3. Available Street

Waxay yihiin saldhiga xirfadeed iyo aqooneed ee ilaalinta madaxda caalamka shakhsi kasta oo ka mid ah ilaalada madaxweynaha waa inuu leeyahay aqoonta iyo xirfadahan,

Waxaase iska cad in ciidanka ilaalada madaxtooyadu ayna lahayn xirfada iyo aqoonta ee ilaalinta madaxweynaha sidoo kale ay cutubyo ka tirsan booliska iyo militariga waxaanan ka warqabnaa nooca toobareed ee ay qaataan ciidamadani kala duwan ee booliska iyo militariga ah , waxaanse rumaysanahay in ay haystaan fursad ay kor ugu qaadi karaa tayadooda iyo aqoontooda xirfadeed ee ilaalinta madaxweynaha .

  1. Waa noocma aqoonta iyo xirfada ciidanka ilaalada madaxtooyada JSL ?
  2. Ciidankani waxay kaga duwan yihiin ciidamada kale ?
  3. Sidee loo soo xulaa ciidanka ilaalada madaxtooyada JSL?
  4. Masuuliyiinta JSL Diyaar ma u yihiin hormarinta aqoonta iyo tayada ciidanka ilaalada madaxtooyada ?

Su,aalahan jawaabahoogu waxay ina siinayaan xaalada iyo awooda dhabta ee ciidanka ilaalada madaxtooyada Jamuuriyada Somaliland . gudashada waajibaadka shaqo ee  ku waajibka ah .

FG: Maqaalkani maaha mid aan ku durayo qaranimada Jamuuriyada Somaliland iyo Ciidanka ilaalada madaxtooyada waxaanse kuga jeedaa in indhaha loo furo lana tayeeyo ciidanka si ay ula jaanqaadaan kuwa caalamka waxaanan jecleystay in aan soo bandhigo aqoonta iyo xirfada aan u leeyahay arimahan

 

Contact

Name: Abdirahman Jacob Hassam

Title: Security Manager

Tell: +252634807177

E-mail: jacobhassam@gmail.com