Ururka Warbaahinta Online-ka ah ee SOMA oo Qaaddacay Guddi uu magacaabay Guddoomiyaha SOLJA

Hargeysa (SLpost)- Xoghayaha Guud ee Ururka Shabakadaha Somaliland ee SOMA Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale), ayaa cambaareeyey guddi loogu yeedhay guddiga badbaadinta badqabka Suxufiyiinta oo Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Xuuto magacaabay maanta, kuwaas oo u badan Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta.

 

Saleebaan Kalshaale, waxa uu sheegay inaanay aqoonsanayn guddigaas, lana shaqayn doonin, maaddaama oo ay u arkaan guddi cuno-qabatayn iyo culays ku noqon doonta madax-bannaanida iyo badqabka Warbaahinta madaxa-bannaan, mar hadday yihiin shaqaale dawladeed intooda badan iyo dad aan rool sharci ku lahayn awooddan.

 

Hadalka Xoghayaha Ururka SOMA Saleebaan Kalshaale ka sheegay markii laga soo baxay hoolka lagaga dhawaaqay xubnahaas ee Huteel Ambassador ee magaalada Hargeysa.