Somalilandpost | News and Analysis

Ururka Qareenada Ee SOLLA Oo iftiimiyey Khaladaadka Sharci oo ay sheegeen inay Ka Dhasheen Qaybinta Kadhadhka Codbixinta

Hargeysa (SLpost)- Ururka Qareenada Somaliland ee Solla ayaa qoraal warsaxaadaeed ah kasoo saarey Baaq Ku Saabsan Caqabadaha Dib-U Dhaca Doorashada Ka Yimid Iyo Khaladaad Sharci oo ay sheegeen inuu Ka Dhashay Qaybinta Kadhadhka Codbixinta doorashada madaxweynaha.

Warsaxaadeedkaas oo uu ku sexeexan yahey Gudoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland ee Solla Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo) nuqul kamid ah oo soo gaadhay Saxaafadda isagoo dhameys tiran waxa uu udhignaa sidan

Gudoomiyaha ururka qareenada ee Somaliland “Sida aynu ognahay dhamaan doorashooyinka Somaliland waxay ka dib- dhaceen waqtigii doorashada e muddo xileedka waaxyahaha dowlada waxaana doorashadii madaxtooyada iyo wakiiladu ku eekayd 27/7/2015 waqtigaasi oo aanay ku qabsoomin xiligii uu sharcigu waajibiyey waxaana dib-loogu kordhiyey muddo xileedkoodi laguna daray muddo hal- sanno iyo 9 bilood ah oo ka bilaabanta 28/7/2015 kuna eeg 27/4/2017 sida ku cad go’aanka muddo kordhinta e golaha guurtida e ku tarikhaysan 11/5/2015 go’aankasi oo uu golaha guurtidu ugu kordhiyey muddo xileedyada Madaxwaynaha iyo ku xigenka ,wakiiladaba. Muddo kordhintaasi oo aan haddana xiligii la kordhiyey e ay ahayd in muddada ka hadhsan lagu diyaar-garoobo lana dhamaystiro diwaan-galinta iyo xeerka kala xadaynta xuduudaha gobolada, iyo wax ka badalka saami qaybsiga gobolada  taasina aanay dhicin oo iyada oo aan la qaban howlihii dorashada dib loogu dhigay ay muddadii doorashada gaadhay muddadasi oo ku beeg- nayd 28/3/2017  taasi oo haddana mar saddexad dib loogu dhigay oo la muddeyey in ay dhacdo 13/11/2017 oo ah tan hadda fooda inagu soo haysa,oo ay walina muuqato qabyo fara badani.

Waxaana xaqiiqo ah in muddooyinkii u danbeeye ay dowalda Somaliland ay dhaqan iyo caado ka noqotay in ay doorashooyinku dib u dhacan dhamaan hayadaha qaranka oo ay ugu daranyihiin Golaha wakiilada Somaliland oo ay doorasho ugu danbaysay 2005 tii taasi oo ah muddo dhaaf qayra caadi ah , ka sii darane waxa iyana dib-u dhacday doorashadii golaha deeganka dowlada hoose iyo ta guurtidaba dhamaanna ay muddo xileedyadii ay shacabka reer Somaliland doorteen masuuliyiinta waaxyaha dowladu ay ka dhammaatay qaarkoodna 4 jeer in ka badan la kordhiyey wax kalsooni ah oo ay ku fadhiyana aanay jirin iyada oo muddo xileedkoodu yahay 5 sanno oo ka bilaabanta maalinta la dhaariyo sida ku cad Qod. 88, 42 e dastuurka qaranka JSL balse aan la fullinin waajibadka qodobadan dastuuriga ah, iyada oo aanay jirin inta badan duruufo wax lagu kordhin karo oo waafaqsan Qod.42 e dastuurka qaranka JSL. Balse dib u dhaca doorashooyinkani ku yimaadan masuuliyad darro ka timid xukumada iyo Goleyasha sharci dajintaba,

Waxa kale oo iyana nasiib darro ah inaan maalin qudha la iswaydiin sababta kentay dib-u dhaca doorashada iyo cidda leh masuuliyada ay doorashadu dib-ugu dhacday ilaa mantana wali cid farta lagu fiiqay oo la yidhi hayada ama waaxdaasi Ayaan masuuliyadeedii guddan ma jirto taasina waxay lumisay isla xisaabtankii hayadaha dowlada e ku dhisna nidaamka check and balance  sida uu dastuurka JSL waajibinayana masuuliyada kasta oo laga gaabiyo ama la guddan waaya waxay keenaysa masuuliyad darro iyo maamuus ka xayuubin mana jirto maalin –qudha oo ay dhacday in la iswaydiiyo maxaa keenay dib-u dhaca doorashada ,yaa leh masuuliyada ay doorashadu dib- ugu dhacday, sidoo kale dadwaynaha reer Somaliland kuma baarugsana hayadihii qarankuna waxay ku heshiiyen muddo kordhin aan xisaabtan lahayn taasina waxay ka hor imanaysa nidaamkii uu dastuurku jideeyey.

Waxa kale oo iyana masuuliyad darro ah oo aan xeer ahaan iyo wax-qabad ahaanba aan laga fikirin xilna la iska saarin dhibaatooyinka ka dhasha dib-u dhaca doorashada oo iyana saamayn wayn ku yeelata xuquuqda codbixiyaha e dastuuriga waana sidan caqabadaha iyo saamaynta ay ku yeelato muwaadiniinta dib u dhaca doorashadu.

1)      . Dib-u dhaca doorashada waxa xaqii coddaynta ku waayey dhalinyaro fara badan oo bulshada ugu muhiimsan islamarkana tirade guud e bulshada lagu qiyaasay inay ka noqonayan 12.1% oo ah dhalinyarada da’doodu u dhaxayso 16-19     mudadii diwaangalinta codbixiyaha e 16/1/2016 maalintaasi ayey si rasmi ah u bilaaabantay diwangalinta codbixiyuhu xiligaas oo laga joogo muddo hal sano iyo 7 bilood ah waxaana muddada diwaagalinta ka dib soo gaadhay da’dii codbixinta dhalinyaro fara badan oo ah kuwii secondaryada k abaxay sannadkan halka uu xerku tilmaamayo muddada codbixinta waa in uu muwaadinku gaadhay da’da 16 jir ka mantana waxay soo gadhen da’dii lamana diidi karo inay codeeyan waayo coddayntu waa xaq dastuuri ah sida ku cad Qod.22 dasturka qaranka

2)      Sida uu tilmaamayo xer N0 37/2007 e xeerka diwaangalinta national ID ga iyo diwangalinta codbixiyuhu waxa diwaan-galinta codbixiyuhu ku xidhantahay National ID ga ama diwaan-galinta muwaadinimada iyada oo muddadii diwaangalinta madaniga ah e National ID ga ay dalka ka bilaabantay 25/9/2014   kana hir-gashay dalka intiisa badan halka diwaag-galinta codbixiyuhuna bilaabantay 16/1/2016 haddaba sida uu tilmaamayo Qod.24,25 e xerN037/2007 wasaarada arimaha guddaha ayaa u xil saaran diwaangalinta madaniga ah national ID waxaanu xeerku ku waajibinaya in isla goobta lagu bixinayo kaadhka codbixinta ay wasarada arimaha guduhu ay goob-joog noqoto oo ay caddayso muwadinimada qofkii aan hore isku diwan-galin taasina may dhicin oo meelo badan oo ka mid ah shaqadan wasarada arimaha guduhu kamay qaban waana caqabad labaad oo sababtay in ay dad badani waayaan kaadhka codbixinta.

3)      Dhinaca diwaangalinta codbixinta wax aka masuul ah komishanka qaranka doorashooyibka Somaliland sida ay tilmamayan Qod.27,28,29 e XerN0 37/2007qabashada,wacyigalinta, dhaqan-galinta diwaan-galinta codbixiyeyaasha wax aka masuul oo u xil-saaran komishanka doorashooyinka qaranka waxaana jirta khaladaadyo sharci oo dhacay muddadii ay diwaan-galinta codbixiyuhu socotay khaladaadkaasi wax aka mid ahaan sida uu waajibinayo Qod.34 xubintiisa 2aadmarka qofka la diwangalinayo waxa la waydiinaya goobta uu ka coddaynayo e uu rabo inuu codkiisa ka dhiibto ka dibna goobta uu sheegto qofku ayaa loogu qoraya kaadhkiisa si uu halka uga qaato kaadhkiisana loogu gudbiyo goobta uu tilmaamay.taasina ma dhicin oo laguma shaqayn qodobkaasi sida uu waajibinayo taasina waxay sababtay in aanu muwaadinkii si fudud u helin kaadhka codbixinta iyada oo ay jiran dad-waawayn oo aan awoodi Karin raadinta kaadhkooda codbixinta oo aanay wada mari Karin goobaha qaybinta kaadhadka , waxa kale oo ay komishanku u qaybiyen bixintii iyo qaybintii kadhadhka xarfo oo wixi A ka kaca dhinacba la isku mariyey wixi B ka kacana dhinacba la isku mariyo waxana loo qaybiyey goobaha taasina waxay sababtay in ay dadkii ku jahawareeran kaadashada kaadhadhka oo ila imika ay dadka intooda badani raadinayan kaadhadhkoodi codbixinta oo ay kaadhkoodi ka waayeen goobtii ugu qornayd e uu iska diwangaliyey waana khalad ka yimid dabaqaad la’aanta Komishanku aanay dabaqin Qod 34 xubintiisa 2 aad waxa muuqata in dad badani ay ku waayan xaqii coddaynta iyaga oo uu buuxiyey shuruudihii coddaynta doorashada waana masuuliyadii komishanku u xilsaarna inay fududeeyan oo ay qof wal oo is-diwaagaliyeyba helo kadhka codbixinta sida uu tilmaamayo Qod.39,40, e  e xer N0 37/2007

Haddaba Ururka Qarenada Somaliland e SOLLA markuu lafa guray caqabadaha iyo dabaqad la’aanta dastuurka qaranka JSL

Marku arkay in aanay jirin isla xisaabtan la iskula xisabtamo oo aan maalin qudha laga hadal sababaha keenay dib-u dhaca doorashooyinka iyo cida leh masuuliyada ay dib ugu dhacday doorashadu

Sidoo kalena aan laga fikirin caqabadaha ay keento muddo kordhinta doorashada la kordhiyey oo sababta in ay dhalinyaro badan oo gaadhay da’dii codbixintu ku waydo xuquuuqdoodi coddaynta dhalinyaradaasi oo manta tiradooda lagu qiyaaso  12.1% tirade guud e bulshada reer Somaliland

Waxaanu soo saarnay baaqan hoos ku qoran. Waxaanu dhamman ugu baaqayna Xukumada, Goleyaasha sharci dajinta Xisbiyada Qaranka JSL

– In la dabaqo dastuurka qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo la dabaqo lana fuliyo waajibadyada dastuuriga ah doorasho kastana lagu qabto waqtigeeda oo aanay dib u dhicin dib-dhac danbe oo doorasho lagana hortago in aan kursi lagu sii fadhiyin Karin in iyada oo kalsoonidii shacabku dhamatay la sii fadhiyo.

–  In la isla xisaabtamo oo farta lagu fiiqo cidaama hayada sababta dib-u dhaca doorashooyinka e aan guddan waajibaadkii dastuuriga ahaa si cida caadaysata masuuliyad darrada loogu sameeyo maamuus ka xayuubin lana dabaqo dastuurka qaranka JSL oo wax walba gaarkeeda loola xisaabtamo masuuliyada u dastuurku u igmaday sida ku cad Qod.37 e dasturka qaran.

–  In laga fiirsado oo la iska xil-saaro lana caqabadaha ka yimaada dib- dhaca doorashooyinka oo sababa in aanay dhalinyaro badan oo gaadhay da’dii coddayntu aanay helin xaqii codbixinta oo ay muddan kordhinta la sameeyey soo gaadhay da’dii coddaynta haddana lagu xanibay oo loogu diiday xaqii cod bixinta e dastuuriga aha diwaan-galintii way ka dhamatay xiligii uu gaadhay da’da coddaynta waana gaf iyo xuquuq laga duudsiyey dhalinyarada Reer Somaliland waayo muwaadin kasta oo gaadhay da’da 16 wuxu xaq u leeyahay inuu codeeyo xiligi diwan-galinta maad gaadhin da’danan looguma diisi karo xaqa codbixinta waxaana manta aan coddaynaynin dhalinyaradii maalintii diwaganta da’doodu ahayd 15 jir manta waa 17,18 waxaanay xaq u leeyihiin inay coddeyaan waxaana shardi ah in maalinta coddaynta u yahay da’da 16 jirka e maaha maalinta diwan-galinta waana khalad sharci oo aan lagu talo galin , xukumaduna aanay ku talo galin , xeer-dajintuna aanay waxba ugu talo galin wax ka badal kii xerN0 37/2007

–  Waxa kale oo aanu ugu baaqayna komishanka qaranka JSL inay saxaan khaladaadka ka yimid qaybinta kaadhadhka codbixinta e sababay in ay codbixiyeyaashii si fudud u heli kari waayan kaadhkoodii cod-bixinta muddad qaybinta kadhadhkana la kordhiyo ila doorashada la gaadhayo

–  Waxa kale oo aanu ugu baaqayna dhamaan komishanka, xukumada, goleyasha sharci dajinta, xisbiyada qaranka in dhalinyaradan xiligan gaadhay da’adii codbixinta oo ah 12.1% tirade guud e bulshada reer Somaliland xal loo sameeyo muddada ka hadhay doorashada si ay u helan xaqooda coddaynta e dastuuriga ah  lana diwaan-galiyo lana dabaqo qodobka 22 dasturka qaran iyo qod,21 e xerN0 37/2007

–  Sidoo kale waxa dhacday in xiligan diwaangalinta ay xisbiyada qaranku ka dhex ololaynayan goobaha diwaan-galinta iyada oo aan gaadhin xiligii olaha la bilaabayey waana khalad waxaanu ugu baaqayna inay u hogaansaman xisbiyadu nidaamka anshax ololaha oo ay ku badalan ololaha wac-galin iyo tilmaamida sidii ay dadwaynuhu u heli lahaayen kaadhadhka codbixinta .

Fikraddaada kaga Dhiibo FACEBOOK

RAADI WARARKII HORE