Ujeeddada Socdaallo ay waddamo kala duwan ugu baxeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Wefti Xukuumaddiisa ka tirsan

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Safar gaar ah ugu baxay dalka Ingiriiska Sabtidii Maanta, waxaa Safarkaas ku weheliya Xubnaha Qoyskiisa qaarkood. Sidoo kale Wasiirro iyo Wakiillo Xukuumadda ka tirsan, ayaa iyaguna isla maanta Safar ugu baxay dalka Imaaraadka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo ay u tegeen hawlo la xidhiidha Heshiisyada ay labada dawladood wada galeen.

Geesta kale, Wefti uu hoggaaminaayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamed Xaashi Cabdi oo ay wehelinayaan Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Amb. Baashe Cawil Cumar iyo Amb. Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe), ayaa subaxnimadii hore ee saaka u amba baxay Imaaraadka Carabta, halkaasi oo ay u tageen hawlo shaqo oo la xidhiidha heshiiskii Dekeda Berbera ee DP World.

Madaxweynaha waxaa Safarkiisa ku wehelisa Marwadiisa Aamina-Waris Sheekh Maxamed Jirde iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland Cali Axmed Cali, Safarka oo lagu wado inuu muddo laba toddobaad ah qaato, ayaa Saxaafadda waxaa ka warbixiyey Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen Aadan Cige (Deyr).

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee Afhayeenka madaxtooyada