Ujeeddada Socdaal Wefti ka tirsan ONLF ku tagayaan magaalada Addis Ababa oo looga yeedhay

Hargeysa (SLpost)- Xubno ka tirsan Ururka Mucaaradka ah ee ONLF ee dalka Itoobiya oo dhawaan ku dhawaaqay xabbad-joojin iyo heshiis ay la galaan dawladda federaalka ee dalkaas, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada socdaal ay dhawaan ku tagayaan magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalkaas oo looga yeedhay.

Afhayeenka Ururka ONOL Cabdiqaadir Xasan Hirmooge (Caddaani) oo u warramayay telefishanka HCTV, ayaa sheegay in ururkoodu qaatay heshiis iyo xabbad-joojin, dhawaanna ay masuuliyiinta ururkaasi socdaal ku tagayaan magaalada Addis Ababa.

Faahfaahinta Warkan, kaga bogo muuqaalka Hoose

https://www.youtube.com/watch?v=g-WOXo0IcLI

Ururka ONLF oo muddo tobannaan sanno ah dagaal hubaysan kula jiray Dowladda Itoobiya, ayaa ujeeddada halgankoodu ku arooray sidii gobolka Ismaamulka Soomaalida ee dalkaasi madax-bannaani uga qaadan lahaa ama uga goosan lahaa Dalka Itoobiya intiisa kale.