Ujeedada Kulan Ay Wada-yeesheen Guddida Doorashooyinka Iyo Hoggaamiyeyaasha Saddexda Xisbi

(SL.Post) Kulankan ay wada yeesheen Guddida doorashooyinka iyo Hogaamiyeyaasha saddexda xisbi qaran, waxa lagaga wada-hadlay in  xal keeno xal lagaga gudbi karo doorashada iyo Abaaraha oo isku soo beegmay.

201717636193462469888956saddexda xisbi qaran1

Guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo kulankan ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in guddida doorashooyinka ay u gudbiyeen soo jeedin ah in muddo lix bilood ah dib loo dhigo doorashada Abaaraha jira awgeed, halka Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi uu dhinciisa sheegay inay xisbi ahaan ay taagan yihiin Mawqifka ah in tallo sharci laga yeesho dib u dhaca doorashada.

 

Halkan ka daawo.

Somalilandpost.net