Ugaaska Beesha Axmed Sheekh Isaxaaq oo lagu caleemo-saaray Munaasibad Kulmisay labeenta Madax-dhaqameedka Soomaalida

Hargeysa (SLpost)- Munaasibad aad loo bilcay oo ay ka soo qayb-galeen inta badan labeenta madax-dhaqameedka deegaamada Soomaalidu degto, ayaa lagu caleemo-saaray Ugaas cusub oo ay yeelanayso Beesha Axmed Sheekh Isxaaq (Tol-jecle).

Xafladda Caleemo-saarka Ugaas Naasir Ugaas Maxamed Qaalib ayaa ku qabsoontay Deegaanka Ruka oo ka tirsan Degmada Aw-Barre ee gobolka Faafan (Jigjiga) ee Ismaamul Soomaalida Itoobiya, waxaana ka qayb-galay madax-dhaqameed kala duwan oo lagu soo marti-qaaday kuwaas oo kala yimi Somaliland, Itoobiya, Soomaaliya iyo deegaanno kale oo ka tirsan Geeska Afrika.

Muuqaalkan Hoose ka daawo Faahfaahinta Warkan

https://www.youtube.com/watch?v=FI5d6da-kqE