Taxanaha Qormooyin Bulshada lagu baraarujinayo Khatarta DABKA – Qaybta 3aad ~ Ka-hortagga Halista Dabka

sawMarka la isticmaalaayo alaabta kala duwan nooc kastaba ha ahaadeene waxaa la rabaa in laga foojignaado dhibaatada dhinaca dabka ka iman karta, inta an laisticmaalinna loo tabaabusheysto sidii iyo qalabkii lagaga hor tegi lahaa haddii u sheygaasu dhibaato dab ah u la yimaado.

Waxaad arkeysa dalkeena oo ay kusoo badanayaan hanti fara badan oo kala duwan hanoqdaan wershedo, Gaadiid, Bacadleyaal, Bakhaaro, iyo dukaamo waaweynba oo hantida taala ammaseba lagu sameeyey anla koobi karin, hase yeeshee waxaa nasiib dara ah inaan laga fikirin waxyaabaha khatarta ahee ku geedaaman xoolahaas sida dhibta ah oo muddada dheer lagusoo shaqeystey, lagana yaabaa in aaney cidiba maankaba ku haynin waxa mar keliya oo daqiiqado ah baabi’n kara maalkooda iyo xoogooda oo idil sheygaasuna u yahay (DABKA).

 Hadaba waxaan u sheegaaya dadweynaha inay soo shaqeynta xoolaha ay aad u adagtahay, hase yeeshe dheyelsiga iyo beylah ku eegida xadigaaso xoolaha ah aad ayey u hawl yartahay dabna loogu beylahiyo.

Horena waxaan usoo sheegey in dabka iyo waxyaabaha dhaliyaba aan laga maarmi karin isticmaalkooda hanoqdaan girgireyaasha, leydhka iyo waxyaabaha ku shaqeeya korontadaba, hadaba waxaan ku celcelinaaya in dabku u yahay cadow nolosheena ku xidhan oo la deris ah, loona baahanyahay in had iyo jeerba laga diyaar garoobo oo lagasii tabaabusheysto intaanu waxyeelo keenin.

Haddii ad aduunweynaha meelaha qaarkood ad marto oo ad qofkii kaasoo hor baxaba ad weydiisid dabka khatartiisa, dabku wuxuu yahay, iyo sida ugu haboonee looga taxadiri karo loogana baxsan karo waxaa laga yaaba inuu kuu sheego oo u wax ka yaqaano, sababtoo ah qofku amma ardey ha noqdo, shaqaale hanoqdo ammaseba baayacmushtar caadiyaba hanoqdee waxaa u isku taxalujiyaa inuu wax ka barto halista dabka iyo sidii naftiisa iyo hantidiisaba uu uga samata bixin lahaa.

Caruurta markey yaryaryihiin waxaa labaraa edebta, nadaafada iyo wixii la mid ah, maxaase inoo diidey inaanu barno oo aynu ku baraarujino waxna uga sheegno halista dabka, sababtoo ah caruurta waxaa lagu tilmaama iney yihiin baadheyaasha dabka ugu soo hor sheega meeshu ka dhaco, sababtoo ah marka guriga la joogo laga yaaba dadka waaweyni iney fadhiistaan meel keliya, hase yeeshee caruurta guriga joogta meel kasta oo guriga ka mid ahba intaa wey cararayaan sidasaaney hore ugu arkaan dabka ka dhaca guryaha, waxaana kaleeto iyena barbar socda caruurtu iney yihiin kuwa ugu sababta badan leh ee dabka geysta ammaseba dhaliya, sababtoo ah wexey ku cayaaraan kibriidka ay helaan ammaseba dabka nool, wexey ku cayaraan oo kale qalabka korontada, ammseba iyegoo is eryanaaya ayey sii ridaan girgireyaasha, feynuusyada i.w.m.

Hadaba si looga samata baxo arrimahaas oo dhan waxaa caruurta la baraa oo looga shekeyaa, halista dabka, kabriidka inaan lagu cayaarin, dabka qaawan iyo qalabka korontada inaan iyena

lagu cayaarin oo dhamaantoodba guriga iyo dadkaba halis u yihiin. Isla markaana waxaa lagu baraarujiya haddii ay dab arkaan si degdeg ah iney ugu soo sheegaan waalidiinta, iyo in loo sheego haddii u gurigu qiiq buuxiyo in la gurguurto oo hoosta wax laga arki karo dabkaasna lagaga baxsan karo i.wm.

La soco…………….

Waxaa diyaariyey: 

Sareeye Guuto:  Axmed Maxamed xassan (Sawaxili)

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska